Soomaaliyadii “dhexda ahayd” waxay ku hafatay khilaafka Sacuudiga iyo Qadar

Lix bilood ka dib kolkii Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo la doortay, Soomaaliya waxa ay dhex dabbaalanaysaa mawjad siyaasadeed oo gude iyo dibedba ah. Bishii lixaad ee la soo dhaafay, Madaxweynaha oo loo garan ogyahay “Farmaajo” waxa lagu cadaadiyey inuu xidhiidhka u jaro Qadar, oo uu isgarabtaago Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar. Afartaas waddan—oo ay weheliyaan dhawr kale oo ku soo biiray—waxay mar qudha xidhiidhka u jareen Qadar, iyaga oo ku eedeeyey inay taageerto Islaamiyiinta mayalka adag.
Waxa Soomaaliya lagu dhiirrigeliyey inay cunaqabatayntan ku soo biirto, waxa se la yaab dad badan ku noqday go’aankii Farmaajo ee ahaa in mawqif dhexdhexaad ah la qaato. Maamulkiisu waxa uu ku baaqay “in dhammaan waddamada walaalaha ah ee xurguftanka qaybta ka ahi ay wadahadal ku xalliyaan waxa ay isku hayaan.”
Tallaabadan waxa loo arkay dharbaaxo lala beegsaday Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ah labo waddan oo saamayn weyn ku leh Bariga Dhexe iyo weliba Soomaaliya. Dhinaca kale, tallaabadani waxay culayskii ka yaraysay Qadar. Tusaale ahaan, waxay Qadar u suurtagelisey in diyaaradaheedu sii isticmaalaan hawada Soomaaliya taas oo daciifisay xayiraaddii hawo ee Qadar lagu soo rogay, kana xanaajisay waddamadii Qadar ku kacsanaa.
Maxaad dhex u sii ahaan?
Sacuuudigu waa waddanka ganacsiga ugu badan la leh Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo kolkii la doortay Feebarwarina, safarkiisii dibadeed ee ugu horreeyey waxa uu ku tegey Riyaad. Xidhiidhkaa dhaw ee labada waddan ka dhexeeya awgiis, Muqdisho waxa ay badanka u janjeedhaa la safashada Boqortooyada.
Tusaale ahaan, bishii kowaad ee sannadkii 2016, Soomaaliya waxay xidhiidhka u goysey Iiraan oo ay Sacuudiga xifaaltamaan ka dib kolkii loollankii labada awood-goboleed isa soo taray. Isla maalintaasba, Muqdisho waxa ay Riyaad ka heshay ballanqaad deeq lacageed oo dhan $50 Milyan. Dagaalka sokeeye ee Yaman, Muqdisho waxay garab-taagan tahay xulafada Sacuudiga iyo Imaaaraadka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto. Sidoo kale, sannadkii 2015, xitaa dawladdu waxay la safatay Sacuudiga kolkii Iswiidhan—oo ah deeqbixiye weyn oo reer Yurub ah—ay cambaaraysay diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga.
Markan se, Soomaaliya waxa ay go’aansatey inaanay taageero aan kala hadh lahayn la garab istaagin Boqortooyada, xitaa iyada oo loo ballanqaaday lacag gaadhaysa $80 Milyan haddii ay Sacuudiga taageerto. Sababaha keeni kara inay dawladdu go’aankan qaadato waa ay badan yihiin. Midi waxa ay noqon kartaa xidhiidhka dhaw ee uu Farjaamo Doxa la leeyahay isaga oo u maraya Agaasimaha dhawaan loo magacaabay Madaxtoooyada, oo horana u ahaa weriye ka tirsan qaybta Carabiga ee Jazeera, Fahad Yaasiin. Waxa la sheegaa in Qadar ay taageertay doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee 2012, ka hor intaanay go’aansan inay garab siiso isla markaana maalgeliso ololihii Farmaajo ee 2016/17.
Qaabka ay Soomaaliya uga falcelisey dhiillada Qadar waxa sidoo kale laga soo dhiraandhirin karaa isfahamwaaga ka dhex taagan Imaaraadka—oo dhawaan xoojisey xidhiidhka ay la leedahay labada gobol ee Soomaalilaan iyo Butlaan. Waxa ay Muqdisho ku eedaysay Imaaraadka in uu wiiqayo maamuuska Qaran ee Soomaaliya iyo in uu xukuumadda Federaalka u gacan-dhaafay waddanka kolkii uu go’aansaday la wareegidda dekedaha Berbera iyo Boosaaso. Gu’gan horraantiisii ayaanu Farmaajo walaaciisa hordhigay hoggaamiyayaasha Abu Dabay iyo Riyaad, balse wax dheef ah kalama uu soo noqon.
Cadaadis gudaha ah
Marka laga yimaaddo sababaha dhexdhexaadnimada ku sii waarin kara, Farmaajo waxa uu gudaha Soomaaliya kala kulmayaa cadaadis ah in uu beddelo go’aankiisii dhexnimada ahaa.
Saddex siyaasi oo culculus ayaa ilaa hadda bannaanka iskeenay. Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, siyaasiga keliya ee Soomaaliyeed ee labo jeer Raysalwasaare noqday, lana sheego in uu ahaa musharraxii Imaaraadku doorbidayey doorashadii 2017; Cabdulqaadir Cosoble, guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee Baaralamaanka oo ah ganacsade u janjeedha Sacuudiga; iyo Cabdirisaaq Cusmaan Xasan “Jurile”, guddoomiyaha guddida aqalka sare ee arrimaha dibedda oo ka soo jeeda Boosaaso, oo ah meesha shirkadda laga leeyahay Dubai ee P&O Ports ay ku maalgelinayso $336 Milyan. Saddexduba waxa ay ka hadleen diidmada Farmaajo ee ku aaddan garab-siinta xulafada Qadar ka dhanka ah.
Dawlad-goboleedyo dhawr ah ayaa iyana laga yaabaa inay ka soo horjeedaan mawqifka dawladda. Soomaalilaan iyo Butlaan waxay taageero horumarineed oo muhiim ah ka helaan Imaaraadka. Ciidamada maamulka Jubbalaanna waxa qalabeeya isla markaana mushaharkooda bixiya Imaaraadka. Maamulka Koonfur Galbeedna waxa uu hadda wada-xaajood ku saabsan dekedda Baraawe kula jiraa shirkadda Dubai laga leeyahay ee P&O Ports.
Taageerada Maamullada ee xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka waxa suurtagal ah in laga dareemo xubnaha Maamulladaas ku metala Baarlamaanka Federaalka. Waxa kale oo macquul ah in labada maamul gobolleed ee hadhay, Galmudug Iyo Hirshabeelle, ay iyana taageeradooda ku biirayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Xilliga ay dhacayaan isbeddeladaa goboleed ee isku murgisani, Muqdisho waxa ay si dhaw oo gaar ah ula socotaa Soomaalilaan. Gobolkani waxa uu si joogto ah u dalbadaa in si buuxda loo aqoonsado madaxbannaanidiisa uu ku dhawaaqay 1991; xidhiidhka dhaw ee [Soomaalilaan] ay la leedahay Riyaad iyo Abu Dabayna waxa ay gobolka siin kartaa yididdiilo dhankaa ah, siiba haddii ay u muuqato in Muqdisho ay ka sii durkayso awoodahan saamaynta leh.
Saaxiibbo dhaqaale oo muhim ah
Si kastaba ha ahaato e, si ay Soomaaliya mawqifkeeda u beddesho, cadaadiska ugu badani waxa uu kaga imanayaa Sacuudiga iyo Imaaraadka laftigooda. Tageeradooda maaliyadeed waa u muhiiim waddanka, marka xisaabta lagu daro in deeqihii Midawga Yurub—oo ah halka ay deeqda ugu badan Soomaaliya ka hesho—ay u xanniban yihiin dhiillada kale ee caalamiga ah awgeed.
Imaaraadku waxa uu gacanta ku hayaa tababbaridda, qalabaynta iyo mushahar-siinta askar ka tirsan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Sacuudigu waxa uu xukuumadda siiyaa kabid miisaaniyadda ah oo muhiim ah, sida uu Wasiirka Boqortooyada u qaabbilsan arrimaha dibeddu bishii hore Addis Ababa ku xasuusiyey Raysalwasaaraha Soomaaliya. Sacuudiga iyo Imaaraadku waxay sidoo kale iibsadaan 80% xoolaha ay Soomaaliya dhoofiso. Intaa waxa dheer in labadan waddan ay carqaladayn karaan dedaallada ay Soomaaliya ugu jirto in waddamo Carbeed oo dhawr ahi ka cafiyaan deynta ay ku leeyihiin.
Waxa kale oo dhici karta in Sacuudiga iyo xulafadiisu ay danahooda uga faa’idaystaan ismaandhaafka siyaasadeed ee gudeed. Soomaaliya, waxa hadda khilaaf ka dhex jiraa baarlamaanka iyo garsoorka. Sidoo kale waxa khilaaf u dhexeeyaa Raysalwasaaraha iyo wasiirkiiisa arrimaha gudaha. Kuwo kalana waxa ay ka xanaaqsan yihiiin xukunno ay u arkaan in siyaasadi dabada ka riixayso iyo weliba ruqsad-kala-noqoshada shirkado gaar loo leeyahay, si loo qanciyo shirkadaha gacansaarka la leh madaxda cusub.
Xejisashada Dheellitirnaanta
Madaxweyne Farmaajo waxa uu si cad u taagan yahay meel adag, oo ay dano is-hirdinayaa ka buuxaan, doorashaduna waa ay ku yar tahay. Si uu dhiilladan u furdaamiyo waxa ay ka qaadanaysaa galaangalkiisa diblomaasiyeed ee wanaagsan oo idil.
Walow Sacuudiga iyo Imaaraadku ay saamayn balaadhan oo dhaqaale iyo siyaasadeed leeyihiin, Soomaaliya waa inay xasuusisaa inay weli u fidiso taageere muhiim ah oo ku aaddan dedaalladooda Yaman ee ka dhanka ah Iran. Soomaaliya waxay sidoo kale mawqifkeeda uga faa’idaysan kartaa inay riixdo doodda ku saabsan xidhiidhka Imaaraadku la leeyahay xukuumad-goboleedyada Soomaaliya.
Ilaa hadda waxa u eeg tahay in Qadar mahadisay dhexdhexaadnimada Soomaaliya, waa se in Dooxa maanka ku haysaa sida ay dalkan saboolka ah ee dhibaataysan ugu adag tahay sii joogtaynta mawqifkaas. Waana in la fiiriyaa suuragalnimada siyaabo lagu sii wadi karo xidhiidhka Qadar iyada oo aan lagu khamaarayn danaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay Soomaaliya Sacuudiga la leedahay.
Waxa intaas ka muhiimsan, dawladda Federaalku waa inay gurigeeda nidaamisaa oo isku dubariddaa. Waa inay la fadhiisataa siyaasiyiiinta fursad-raadiska ah iyo dillaaliinta iminka dabada ka riixaya danaha shisheeye. Waa inay dib ugu caddaysaa dawlad-gobboleedyada sida Butlaan iyo Soomaalilaan inaanay mawqifkeedu danahooda dhaawacayn, si ay taageeradooda u hanato. Waana inay xubnaha Baarlamaanka u soo bandhigtaa in cagajiidkeeda ku aaddan xidhiidh-u-jaridda Qadar aanay salka ku hayn xanta ah inay maalgelisey ololihii doorashada Madaxweynaha.
Shaki kuma jiro in Farmaajo uu giftin ku xanniban yahay, oo aanu awoodi doonin inuu qof kasta raalligeliyo. Si kastaba ha ahaato e, haddii uu awoodo sii joogtaynta xidhiidh-la-lahaanshaha dhammaan darafyada arrintan ku lug leh, waxa laga yaabaa in uu hoos u dhigo ama dib u dhigo cawaaqibta ka dhalan karta inaanu dooran la safashada Sacuudiga.

Fiiro Gaar Ah: Qoraalka waxaa la daabacay August 16, ka hor  go’aamada Puntland iyo Hirshabelle ee ku aadan taageerada xulafada Sacuudiga.

W/Q: Muxyaddiin Axmed Rooble*Muhyadin Ahmed Roble waa tifaftiraha Raadiyaha Arrimaha Bani’aadanimo ee Ergo, iyo falanqeeye siyaasadeed oo ku takhasusay xiriirka caalamiga ah iyo siyaasada arrimaha dibada. kala xiriir Twitterka @MuhyadinR
W/T: Ilyaas M Xuseen

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW