U bood dhigaalka

SoomaaliyaI Iyo Uganda Oo Ciyaar Adag Yeelanaya

Sheeko:Cayaaraha

Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya ayaa ciyaar xiiso badan la leh dhigiisa Wadanka Uganda waxayna labada dhinac wada dheelidoonaan tartanka CAF African Nations Championship 2019 (Chan).


Wiilasha Xulkeena ayaa diyaar wanaagsan ku qaataay garoonka Al-Xaaji Guuleed ee magaalada Jabuuti,iyagoo dhamaan xidigaha xulka ay diyaar u yihiin kulanka ay la ciyaaraan dhigooda Uganda.


Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa 22-July 2019 ciyaar saaxiibtinimo ku qaatay garoonka Xaaji Guuleed Abtidoon ee dalka Jabuuti waxaana kulankaa 1-0 ku badiyay xidigaha xulka Jabuuti.


Soomaaliya Iyo Uganda ayaa sanadihii lasoo dhaafay isku arkay tarmada kala gedisan ee qaarada waxaana ciyaartii u danbeesay ay wada dheeleen 1-0 ku adkaaday wiilasha xulkeena waxayna ciyaartaas ahyed rubac dhamaadka tartanka17-jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay wadanka Burundi.

“Si wanaagsan ayaan ugu diyaar garoownay kulankan waxaan juhdi ku bixinaynaa sidii aan guul ugu gaari laheyn dhigeena Uganda” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay kabtanka xulka Cabdicasiis Catoosh.

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka-African Nationas Champianship
Dalalka-Somalia VS Uganda
Taariikhda-27-July 2019
Maalinta-Sabti
Saacada-6:00pm (Jabuuti)
Garoonka-Hagi Guuleed Abtidoon