U bood dhigaalka

Sooyaalka Dhacdooyinka Maamulka Jubbaland April 2015

Sheeko:Dalka

May 15, 2013: Madaxweyne Axmed Maxamed Islam Madoobe ayaa la doortay kadib shir halkaas ka socday ilaa bishii February ee isla sanadkaas oo ay isugu yimaadeen wufuud gaareysa 500.

Bishii Augusto ee isla sanadka 2013-ka Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland ee Madoobe ayaa heshiis ku gaaray magaalada Adis Ababa, Waxaa labada wafdi kala hogaaminayey Madoobe oo Jubaland ah iyo Faarax Sheekh C.qadir oo wakiil ka ahaa Dowladda Xasan Sheekh.

Goobjoog News, Waxaa ay halkan kusoo gudbin doontaa Sooyaalka dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay Maamulka KMG ah ee Jubbaland bishii April 2015-ka.

Dhacdooyinkan waxaa ka mid ah: Safarada Madaxweynaha, Heshiisyo, Wufuud soo booqaday Maamulka, Hor-umar la sameeyay, Dagaalo ka dhacay iyo arimo kale.

April 4, 2015: Taliyaha ciimada Jubbaland Xasan Qeyd ayaa u sheegay Goobjoog fm in ay xilligan jiraan diyaar garow amni ayna difaaci doonana xadka in aan cidna uga soo gudbin soomaaliya ama ugu gudbin Kenya.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in darbiga ay qorshaynayso Kenya uu waxbadan ka bedeli karo amniga haddii la suura geliyo

April 3, 2015: Madxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul u Cambaareeyay Weerarka khasaaraha badan dhaliyay ee Shabaab ay ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa ee Goboka Waqooyi Bari Kenya

April 10, 2015: Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho deg deg ah ku tagay Nairobi ayaa kulamo goosgoos ah wuxuu la qaatey Masuuliyiinta Kenya.

Dowlada Kenya ayaa casuntey Madaxweynaha waxayna kala tashanayeen Howlgal cusub oo Ciidamada Kenya ay ka bilaabayaan deegaanada Jubaland gaar ahaan Gobolka Gedo.

April 11, 2015: Madaxweyne ku xigeenka Maamulka KMG Jubbaland Cabdullaahi Fartaag ayaa beeniyay in aysan jirin cid ka baxday shirkii ka socday Kismaayo ee lagu soo xulay Xildhibaano uu yeesho Baarlamnaaka Jubbaland.

Janeraal Ismaaciil Fartaag ayaa difaacay dhaliilo loo jeediyay Maamulka Jubba iyo Urur goboleedka Igaad

April 12, 2015: Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dafiray in magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ka soconayo shir lagu soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

April 14, 2015: Waxgaradka Ku dhaqan gobalka Gedo ayaa cabsho ka muujiyay ciidamada Kenya ee ku sugan deegaano ka mid ah gobalkaasi, gaar ahaan duqeynta ay halkaasi ka sameeyaan.

Aadan Cali oo ka mid ah waxgaradka ku sugan Tuulada Dhamas ayaa u sheegay Goobjoog Fm in saameyn adag ay ku yeelatay hadii ay yihiin dadka deegaanka duqeynta iyo dhibaatooyin kale oo ciidanka Kenya ka geystaan gobalkaasi.

Waxa uu sheegay Nabadoonkaan in ciidamada Kenya ay mararka qaar jirdil kula dhaqaaqaan dadka ku dhaqan deegaanada Baadiyaha ah, islamarkaana aanay jirin cid wax ka qabata cabashadooda.

April 15, 2015: Xildhibaanada Baarlamanka  Jubbaland ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay, kadib markii lasoo dhameystiray xulistooda oo ka socotay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Xildhibaanada ayaa dhammaantood la mariyay dhaar, waxayna kadib gudoomiye ku meel gaar ah udoorteen Sheekh Cabdi Yuusuf oo ahaa shaqsiga ugu da’da weynaa Baarlamaanka Jubaland isla markaasina ka soo jeedo Gobalka Jubada dhexe.

 

April 18, 2015: Nabadoon Siraad Nuur oo ka mid ah waxgaradka ku sugan degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo ayaa sheegay in ka waxgarad ahaan aysan raali ka ahayn dhismaha baarlamaanka cusub ee maamulka Jubba.

Waxa uu sheegay Nabadoonkan in Odayaasha dhaqanka ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo aanay wax shaqo ah ku lahayn qaabka loo sooxulay xildhibaanada baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

April 18, 2015: Baarlamaanka Dowlad goboleedka jubbaland oo lagu dhawaaqey labo maalin uun kahor ayaa kalfadhigoodii ugu horeeyey ku yeeshey hoolka shirarka ee madaxtooyada jubbaland kalfadhigaas oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha kumeelgaarka ah mudane Sh.cabdi cali yuusuf.

kalfadhigan oo ahaa kalfadhigii ugu horeeyey abid ee uu yeesho baarlamaanka dowlada jubbaland ee soomaaliya ayaa waxaa xildhibaanada cusub lagu barayey shuruucda xildhibaanimo iyo matalaaada bulshada soo dooratey xildhibaan kasta.

Sidookale madaxweynaha dowlada jubbaland oo kalfadhiga hadal kulahaa ayaa xildhibaanada baarlamaanka kula dardaarmey inay shaqada loo igmadey sifiican uga soo baxaan maamuuska iyo sumcadoodana ay ilaashadaan.

Madaxweynah dowlada jubbaland ayaa sidookale cadeeyey in hadda wixii kabilowda ay shaqadii dowlada jubbaland kusoo wareegtey xildhibaanada ayagana ay masuuliyad wayni kasaarantahay loona baahanyahay in waajibaadkooda gutaan.

April 19, 2015: Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xafiiskiisa ku qaabiley madax ka socotey hay’adda UNHCR oo ay hogaamineysey Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Bushra Halepota si ay ugala hadlaan arirmaha qoxootiga Kenya ee la doonayo in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Axmed Islaam ayaa sheegey inay aad ugu faraxsanyihiin soona dhaweynayaan qoxootiga Soomaaliyeed ee kusoo laabanaya dalkooda, balse waxa uu ka digay in qoxootiga lasoo daabulo ayaga oo aan loo sameynin dib u dajin sax ah.

Madaxda UNHCR ayaa sheegtey inay ka fikirayaan sidii ay dib u dejin sax ah ay ugu sameyn lahaayeen qoxootiga lasoo celinayo, ayada oo loo dhisayo guryo , iskuulo iyo xarumo caafimaad.

April 19, 2015: Ugu yaraan Saddex Askari oo Kenyaan ah ayaa lagu dilay siddeed kalena waa lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen konolyo gaadiid ah oo wateen ciidamada Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ee ku sugan Jubbada Hoose ayaa sheegay in ciidamada dilka iyo dhaawaca loo geystay ay xilliga ay Al-shabaab weeraraysay ku sugnaayeen deegaan ku dhow deegaanka Taabto Sabtidii shalay.

 

April 20, 2015: Maamulka degaanka Kulbiyow ee gobalka Jubada Hoose ayaa ka warbixiyay weerar khasaare ka dhashay oo lagu qaaday ciidamada Kenya ee AMISOM ka mid ah, kaasi oo ka dhacay nawaaxiga deegaankaasi.

Gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi Maxamed Muxummad Ismaaciil oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in weerarkaasi waxyeelo ay kasoo gaartay Seddax ka mid ah ciidamada Kenya oo wararka qaar ay sheegayaan in ay geriyoodeen.

Rag ka mid ah Al-shabaab ayaa ciidankaan oo kulonyo ah u galay jidka, iyaga oo ku tuuray madfac garabka laga tuuro, waxaana intaasi ka dib ciidanka Kenya ay fureen rasaas xoogan.

April 20, 2015: Waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi ballaaran oo ka kala socda UNSOM iyo AMISOM kuwaas oo magaalada u tagay inay kala hadlaan maamulka Jubba arrimaha amniga iyo sidii horey loogu sii wadi lahaa loona hagaajin lahaa aminiga maamulkaas

 

April 20, 2015: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Cambaareeyay qarixii maanta Garowe lagula beegsaday Bas ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay,kaasi oo ay ka dhalatay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac

 

April 21, 2015: Safiirka Dowladda Britain ayaa gaaray Kismaayo, Wafdigaan oo uu hoggaaminaayey safiirka Dowladda Britain ee Soomaaliya Nile Weagan ayaa markii ay soo gaareen magaalada  Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxaa gudaha garoonka kusoo dhaweeyay madaxweeynaha maamulka Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha baarlamanka maamulka.

Intaasi kadib ayaa wafdigii uu hogaaminayay danjiraha dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Nile Wiigan waxa kulan ay saxaafadda dibad joog ka ahayd ay hoolka shirarka ee garoonka Kismaayo kula qaateen madaxweeynaha Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulanka markii uu soo dhamaaday ayay masuuliyiintani saxaafadda la hadleen, iyadoo ugu horeyn uu goobta ka hadlay madaxweeynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, kaasoo sheegay in safarka uu danjiruhu ku yimid Kismaayo uu ahaa mid uu ugu hambalyeeynayay dhismaha golaha baarlamanka ee maamulka Jubbaland ee dhawaan lagu dhawaaqay.
April 22, 2015: Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay in hanaankii ugu wanaagsanaa loo dhisay baarlmaanka maamulka Jubba.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in ay jiraan dad aan u dhalan gobaladaasi oo hadana ku doodaya sida uu sheegay in aysan wax ka helin baarlamaanka maamulka Jubba.

April 25, 2015: Askar ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku rasaaseeyay degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in askartaan ay ku dagaallameen lacag canshuur ah oo ay qaadeen sidii ay u kala qeybsan lahaayeen, waxaana halkaasi ku dhintay Laba Qof.

 April 27, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.

“Waan soo dhaweynayaa tallaabada lagu dhisay baarlamanka maamulka KMG-ka ah ee Jubba, waana tallaabo horay loo qaaday. tani waxay muujinaysaa sida ay inooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka federaalka ah ee dalkeenna,’’ ayuu yiri madaxweynaha.

April 28, 2015: Doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa la qabtay, doorashada la qabtay waxaa ku guuleystay, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan.

Guddiga doorashada baarlamaanka Jubba ayaa waxay ku dhawaaqeen in guddoomiyaha cusub ee la doortay uu helay codadka 45-xildhibaan oo ka mid ahaa 72-kii xildhibaan ee kulanka goob-joogga ka ahaa, iyadoo saddex cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay ay hallaabeen.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay, Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf, kaddib markii uu tartan adag la galay dhowr murashax oo isku soo taagay xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jubbaland.

Waxaa isna guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland loo doortay Cabdi Baaley, inkastoo uu daneynayay inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland.

April 29, 2015: Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaaka dhoofay Kismaayo, isagoo gaaray Garoowe si ay uga qeyb galaan shirka 2aad ee wadatashiga dowladda Federaalka iyo dowladaha xubanaha ka ah.

Mawduucyada:Gobollada