U bood dhigaalka

Sooyaalka Dhacdooyinka Maamulka Somalilnad April 2015 (Taariikhyo Muhiim ah)

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland, waxaa uu ku dhawaaqay gooni isu taag 18 May 1991 dhowr bil kadib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Siyaad Barre.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa soo maray dhowr Madaxweyne sida Cabdiraxman Tuur, Maxamed Xaji Ibrahim Cigal, Dahir Riyale Kahi iyo Axmed Maxamed Maxamud Silanyo.

Goobjoog News, Waxaa ay halkan kusoo gudbin doontaa Sooyaalka dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay Somaliland bishii April 2015-ka.

DHacdooyinkan waxaa ka mid ah: Safarada Madaxda, Xukuumad la isku shandheeyay, Heshiisyo, Wufuud soo booqaday Somaliland, Hor-umar la sameeyay, Dagaalo ka dhacay iyo arimo kale.

 April 9, 2015: Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa kulan gaar ah oo ay la yeeshay mas’uuliyiinta labadda xisbi ee mucaaradka ah, isla markaana iska waraysanayey sida hawshu u socoto iyo qaabka jadwalkooda u dhigteen.

Kulankan oo saxaafadda loo diiday ayaa markii uu soo dhammaaday waxay Warbaahintu wax ka waydiisay musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan iyo xogyaha Arrimaha Dibadda xisbiga WADANI Maxamed Cismaan Fadal, kuwaas oo sheegay inay kulankani daarnaa sidii ay xog u kala qaadan karaan, isla markaana u ogaan lahaayeen siday hawsha u wadaan.

April 9, 2015: Sheekh Aadan C/raxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo ka mid ah Culimada Somaliland xabsiga la dhigay.

Wadaadkan ayaa caan ku ahaa khudbado uu xukuumadda ku dhaliilayo ka jeediyo masaajid uu imaam uu ka yahay oo ku yaalla magaalada Hargeysa,

April 13, 2015: Maxkamadda ciidamada milateriga Somaliland ayaa dil ku xukuntay saddex askari oo ka tirsan ciidamada millatariga Somaliland oo siyaabo kala duwan dilal uga gaystey gobolka Sool, sida ay eedeysanayaashan maxkamadda ka hor-qirteen.

Dood-dheer oo ay Qareenadda u doodayay saddexda eedaysane oo kala ah; Ismaaciil Cabdi Cali, Cabdi Cali C/llaahi iyo Mustaf Saalax Samatar kaddib ayay maxkamaddu sheegtay in saacado kaddib in la isugu soo noqdo, iyadoo ay maxkamadda ku sugnaayeen dadweyne fara badan oo eegayay xukunka maxkamaddu gaadho.

Ugu dambeyn, waxaa xukunka maxkamadda u akhriyay saxaafadda, Col. Maxamuud Xirsi Faarax oo sheegay in maxkamaddu ay ku xukuntay sadexda eedaysane dil toogasho, isagoo raaciyay marag-muujinta iyo qiraallo ay ka hor-bixiyeen maxkamadda eedeysanayaasha la xukumay.

April 13, 2015: Somaliland oo lix qof toogasho ku xukuntay, Dilka lixdan ruux ayaa ka dhacay Deegaanka Mandheere ee bariga magaalada Hargeysa.

Toogashada lixdan qof waxa goob joog ka ahaa eheladda laba qoys, saraakiil wasaaradda cadaaladda ka socday, xeer ilaalinta iyo ciidamada kala duwan.

Cabdi Cabdillaahi, oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda iyo garsoorka Somaliland, ayaa sheegay in dadkani hore u gaysteen dil kala duwan, isla markaana ay maxakamaduhu ku xukumeen toogashada, sidoo kalena ehelada dadka la toogtay iyo kuwa dilalka gaystay isla af-garteen in la dilo.

Lixda Qof ee Toogashada lagu Fuliyey ayaa kala ahaa:

  1. Maxamed Daa’uud Axmed oo 25 jir ahaa iyo Cabdiwali Cilmi Muuse oo 25 jir ahaa oo si wada jir ah Boorama ugu dilay Marxuum Mukhtaar Cismaan Warsame, taariikhdu markay ahayd 30-03-2008-dii.
  2. Iliyaas Cabdillaahi Aadan oo 4o jir ahaa oo Magaalada Hargeysa ku dilay, Marxuumiinta kala ah Aadan Cabdi Mursal iyo Muuna Axmed Maxamed, taariikhdu markay ahayd, 26-07-2003-dii;
  3. Maxamed Axmed Xirsi oo 24 jir ahaa oo Magaalada Burco ku dilay Marxuumad Farxiya Daahir Cabdi oo Xaaskiisa ahayd, taariikhdu markay ahayd 10-05-2011-kii;
  4. Ex Dable Askari Boolis ah Maxamed Cabdillaahi Cabdi Guuleed oo 28 jir ahaa, oo tuulada Qoton dabo ku dilay Marxuum xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmo-dheere), maalintii 22-03-2015-ka;
  5. Ex Dableh, Askari Ciidanka Militariga ahaa Cabdirashiid Xasan Cumar oo 25 jir ahaa, Magaalada Hargeysa ku dilay Marxuum Cabdifataax Maxamed Soodaani 07-08-2009;

April 19, 2015 : Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihiii maxkamadda sare ee Somaliland, Dr. Yuusuf Ismaaciiil Cali.

Silaanyo ayaa xil ka qaadistaasi ku sababeeyey inay cabashooyin badan ka yimaadeen guddidd cadaaladd,isla markaana lagu eedeeyey inuu shaqadiisii ka soo bixi waayey.

April 20, 2015: Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Dhexe, Shirkadaha Is-gaarsiinta ee Telesom iyo Somtel, Ganacsatada Qaadka iyo Sarriflayaasha, ayaa shir ka yeeshay sidii hoos loogu dhigi lahaa sicir bararka saameeyey noloshii qoysaska danyarta a, shirka ayaa la isku afgartay in Lacagta Somaliland wax lagu iibsado.

April 20, 2015: Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya, Nuur Faarax ayaa ka hadlay shirkadaha shisheeyaha ah ee lagu wareejiyay dekedda Berbera ee Somaliland, isagoo digniin adag shirkadahaas u jeediyay.

Nuur Faarax ayaa xukuumadda Somaliland uga digay inuu dekedda maal-gelin shisheeye u bandhigo; isagoo ku tilmaamay dekeddaas hal irmaan oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha iyo deegenaanshaha Somaliland; isla markaana aanay ogolayn.

April 21, 2015: Dagaal xooggan oo la isku adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka ayaa ka dhacay magaalada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool oo qiyaas 175-KM dhinaca Bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 April 21, 2015: Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay madaxweynaha u gudbiyeen wakhtiga rasmiga ah ee ay u qorsheeyeen inay dalka doorasho ka dhacdo, kuwaasoo u mudeeyey kowda June 2016-ka.

Toddobada xubnood ee guddida doorashooyinku ka kooban yahay ayaa sheegay inay xilliga doorashada madaxtooyadda iyo wakiiladdu dhacayso ay u jaan-gooyeen 01-da June 2016; taasoo u dhiganta inay muddo sanad ah loo kordhinayowakhtiga xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

April 22, 2015: Ciidamada Somaliland ayaa gaaray magaalada Taleex ee gobolka Sool, kaddib markii dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo barkac uu maalintii ka horeysay uu ka dhacay degmadas, kaasoo u dhexeeyey laba beel oo wada-dega degmadaas.

April 25, 2015: Mudaneyaasha labada gole ee baarlamaanka (Guurtidda iyo Wakiiladda) ayaa ogolaaday xil-ka-qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha Somaliland guddoomiyihii maxkamadda sare ee Somaliland, Yuusuf Ismaaciil Cali.

April 26, 2015: Guddoomiyihii maxakamada sare ee Somaliland, Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa sheegay in sifo sharci daro ah loo maray xil ka qaadistiisa

April 26, 2015: Gobollada iyo degmooyinka Somaliland ayaa laga sameeyey salaad roob-doon ahayd, kaddib markii Siilaanyo uu ku baaqay in Somaliland oo dhan laga oogo salaadda roob-doonka.

April 26, 2015: Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa kala qayb-galay dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa tukashada Salaad Roob doonta ahayd, waxaana halkaas Alle lagu weydiistay inuu siiyo roob.

Mawduucyada:Gobollada