U bood dhigaalka

Sooyaalka Dhacdooyinkii uu ugu Muhiimsanaa Puntland Muddadii uu Xilka hayey Cabdiweli Gaas.

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta 2 sano laga joogaa markii la doortay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Puntland waxaa ay sanad guuradaasi labaad ee Gaas ku soo dhaweysay furitaan garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh , Madaxweynaha Puntland Cabdhiweli Gaas, Ra’isul Wasaarayaal hore sida Cali Geedi iyo Cabdiweli Axmed, Faroole iyo Safiirada Talyaaniga iyo Shiinaha ayaa ka qeyb galay xaflad garoonkaas diyaaradaha Boosaaso lagu maamuusayo, iyadoo xaflado kale Puntland lagu qabanyo oo lagu maamuusayo dowladda Gaas oo 2 sano jirsatay.

Goobjoog News waxaa ay halkan ku soo gudbineysaa Sooyaalka Dhacdooyinkii uu ugu Muhiimsanaa Muddadii uu Xilka hayey Cabdiweli Gaas ee labada sano aheyd.

Sooyaalka Xukuumadda Cabdiweli Maxamed Gaas:

January 8, 2014: Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhacday doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, xilalkaas oo ay kusoo kala baxeen madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey).

Maarso 17, 2014: Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan aaga tuulada Gal-gala, Jaamac Siciid Warsame (Af-guduud).

April 7, 2014: Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maalintaas lagu toogtay laba sarkaal oo u shaqeynayay hay’adda UNODC oo la dagaalanta daroogada iyo damiyada.

June 07, 2014:  Sheekh Maxamed Siciid Atam oo hoggaaminayay xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Buuraha Galgal ee Puntland ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya arintaas waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Gaas.

August  4, 2014: Taliyihii Ciidanka Booliska qeybta Bari ee maamulka Puntland Cabdirixmaan Cali Xuseen ayaa ku geeriyoodey qarax lagula eegtay gudaha magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

August 17, 2014: Nicholos Kay ayaa  Magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.Kullan Gaar ah oo ay wada qaaten Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Nicholos Key ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen; Xiriirka u dhaxeeya Q.M iyo Dowladda Puntland iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyo xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda Fadaralka.

October 1, 2014: Ciidamada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa gebi ahaan la wareegay gacan ku haynta buuraleyda Galgala kadib dagaal qaraar oo maanta halkaa ka dhacay. Dagaalka ayaa buuraha galgala waxa uu ku dhex maray dagaalyahano ka tirsan xarakada Al-shabaab iyo ciidamada Puntland oo weeraray, hadalkan waxaa  shir Ja’aaid ku sheegay Madaxweynaha Puntland Gaas isagoo intaa raaciyay in ay daba joogaab firxadkooda.

October 10, 2014: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Hogaanka sare ee maamulka Puntland oo u horkacayo madaxweyne, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo dhawaysay wafdiga garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

October 14, 2014: Heshiiska ayaa waxaa magaalada Garoowe ku kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ahaa Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo maamulka Puntland.

October 21, 2014: Shirka Maalgashiga Africa ayaa ka furmay Hotel Savoy ee London ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax badan oo Africa ah. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay wafdi balaaran oo ka socda maamul goboleedka Puntland oo uu hogaaminayo madaxweyne Cabdiweli Maxamed Gaas.Shirkan ayaa waxaa lagu casumay wadama Rwanda, Puntland, Uganda, Tanzania iyo Gana sida  madaxweynayaasha wadamadaas oo kala ahaa Madaxweynaha Rwanda “Paul Kagame”, Madaxweynaha Puntland “Dr. Abdiweli M. Ali Gaas”, Madaxweynaha Uganda ” Yoweri Kaguta Museveni”, Madaxweynaha Gana ” John Dramani Mahama” iyo Ra’iisal wasaaraha Tanzania “Mizengo Pinda”.

October  27, 2014: Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo weftigii la socday oo ka yimid  Magaalada London oo mudo todobaad ah ay booqasho ku joogeen ayaa soo gaadhay Magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia waxayna halkaas kulan kula qaateen Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanu. Kulanka Madaxweynaha Dawlada Puntland Wasiir Tedros Adhanu oo ku weheliyeen Wasiirka Beeraha Puntland mudane. Boos iyo Wasiir dawlada lacagta ee Ethiopia ayaa waxaa sidoo kale looga wada hadlay xiisada siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya iyo waxa sababay khilaafka Ra’iisal wasaaraha DF ee Soomaaliya Iyo Madaxweynaha DF Soomaaliya iyo doorka amuurtaasi dawlada Puntland ka qaadan karto sidii loo damin lahaa xiisada ka aloosmay magaalada Muqdisho.

Ooctober 28, 2014: Heshiis ayaa dhex maray Maamulka Puntland iyo shirkad kaluumeysi laga leeyahay dalka Thailand si shirkadaas uga kaluumeysato Biyaha Puntland, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Farax Adan ayaa sheegay in heshiiskan oo mudo gaaban socon doono oo wax ka tari doono xiriirka labada dal.

November 18, 2014: Qof goobjooge ah ayaa Warbaahinta Goobjoog u xaqiijiyay in Wariye Cabdi Risaq Cali Silva lagu dilay goob lagu shaaho oo ku taal magaalada Galkacyo. Wariyaha la dilay ayaa u shaqeyn jiray Radio Daljir iyo Royal Tv xafiiska magaalada Galkacyo, dilkan ayaa ka dhacay waqooyiga Galkacyo.

December 21, 2014: Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalintaas Puntland dib ugu soo laabtay, kadib markii uu safar ugu maqnaa dalka Itoobiya oo uu kula soo kulmay madax kalle duwan. Madaxwaynaha ayaa waxaa uu sheegay safarkiisa  uu ku tagay Itoobiya inay ugu wayneed laba qodob oo kala ahaa nabadgalyada iyo ganacsiga, waxaana ay marayaan meel fiican.

December 23, 2014: Madaxweynaha Dawladda Puntland Gaas ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Switzerland Dominik Langen Bakher, Madaxweynaha oo uga mahadceliyey Safiirka booqashadiisa uu ku yimi Puntland ayaa waxaa uu si guud u guud maray sanadkii uu hogaanka Dawladda Puntland hayey waxyaabihii u suurtagalay sida dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Cadaalada Amniga iyo hanaanka dimuqraadiyada.Sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa tibaaxay in la abuuray jawi cadaaladeed oo loo siman yahay, amni lagu kalsoon yahay, dhinaca kalana sheegay inla labanlaabay kharashka ku baxa waxbarashada oo markii hore ahaa 3.5% oo hada la gaarsiiyay 7%

December 28, 2014: Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa golihiisa xukuuumada ka dhageysanaya qorshahooda horumarineed ee sanadka cusub 2015.

December 29, 2014: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u soo xiray shirweynihii dib u eegista Qorshayaasha Hay’addaha Dawladda Puntland 2014-2015 oo soconayey muddo dhan saddex maalmood. Xiritaanka shirka oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee hay’addaha dawladda ayaa waxaa sidookale isna goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey. Waa markii ugu horaysay oo barnaamijkaani ka hirgalo Puntland iyo guud ahaanba soomaaliya iyadoona dadweynuhu si toos ah ugala socdeen qeybaha warbaahinta madaxa banaan iyo weliba Tvga Dawladda ee puntland TV.

January 1, 2015: Goor Habeen ahaa Bam lagu tuuray Radio Galkacyo, Ugu yaraan laba Suxufi, ayaa ku dhaawacantay qaraxaas ka  dhacay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Qaraxa waxaa lagu weeraray Xarunta Radio Galkacyo. Suxufiyiinta ku dhaawacantay qaraxaasi, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Shiine Cabdi Axmed iyo C/laahi Maxamuud Aadan (C/laahi Yare), oo ka tirsan Radio Galkacyo.

January 3, 2015: -Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xariga kaga jaray wado cusub oo laami ah, wadadaasi oo loogu magac daray Allaha Unaxariiste Wasiir Dawlihii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Puntland  Prof. Cabdi Xasan Jimcaale.

January 3, 2015: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku qaabilay xafiiskiisa  Madaxtooyada  Puntland ee Garoowe ganacsato Soomaali iyo Ajnabi isugu jira, kuwaasi oo hormuud u ah shirkado doonaya inay Puntland maalgashi ku sameeyaan. 

Wang XueJuin iyo Yang Bin oo u dhashay dalka Chaina waxa ay hormuud u yihiin shirkadda LIAONING DAPING FISHERY Company oo fadhigeedu yahay dalka China, waxayna doonayaan inay Puntland ka fuliyaan maalgashi dhinaca kalluumaysiga ah.

January 6, 2015: Shir Jaraa’id uu qabtay Gaas waxaa uu ku sheegay in dagaalka Galgala uu galay wajiga labaad, Gaas waxaa uu sheegay in Dagaalka Al-Shabaab kaga dileen 20, dhaawaceeen29, ciidamada Puntland waxaa ka dhintay shan askari iyo dhaawaca afar kale, waxaa ku qabsanay qalab kala duwan oo isugu jira raadiyaaasha, wuxuuna firxadkooda u baxsadeen dhanka Gobolada Waqooyi, sidaa waxaa Warbaahinta u sheegay Gaas oo Sidoo kale sheegay inay dagaalka ku qabteen labo sarkaal oo waa weyn ahaa, kuwaasoo uu magacyadooda ku kala sheegay Mukhtaar Cabdinuur Axmed oo ku magac dheer Axmed Gurey iyo Axmed Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ugu sareysay.

January 14, 2015: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa tababar Xerada Ciidanka Booliska ee Xorgoble oo ku taala magaalada Qardho uga furay Ciidamo ka tirsan Taraafikadda Puntland,kuwaas oo laga soo ururiyay Gobolada Puntland.

Ciidamada oo la barayo Shuruucda Taraafikadda iyo Dardargalinta Canshuuraha ayaa tababarku uu u socon doona muddo dhan Bil iyo bar.

January 19, 2015: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa furay Mashruuca Latacaalidda iyo kasoo Kabashada Isbedelka Cimilada Soomaaliya.

January 26, 2015: Madaxweynaha maamulk Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shaqo dibadda ugu maqnaa ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayey oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xldhibaano, Saraakil katirsan madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

January  27, 2015: Shirweynaha looga hadlayo Barnaamijka Hiigsiga cusub oo maalin ka hor ka furmkay Garowe. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa furay shir ku saabsan horumarinta barnaamijka.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  furay shir ku saabsan horumarinta barnaamijka hiigsiga cuusb ee new deal. kaasoo lagu qabtay  xarunta cilmi barista Puntland ee PDRC.

January 28, 2015: Shirweynaha looga hadlayo Barnaamijka Hiigsiga cusub ee shalay ka furmkay Garowe, ayaa maanta Arbaco ah Taariikhudna ay ku beegan tahay 28/1/2015-ka lagu soo afmeerayaa magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland.

Madax ka socota Bangiga Adduunka,Maraykanka, Sweden,Qaramada Midoobay, Denmark, Ingiriiska iyo Dawlado kale ayaa ka qayb galay shirka.

Wakiilo ka socday Dawlada Federaalka,Maamul Goboleedyada ka jira dalka,Xubno matalayay dalalka Deeqaha bixiya iyo Saraakiil ka socotay Hay’adaha ka hawlgala dalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah Madaxda ku sugan shirka ka soconaya Garowe.

Dawlada Puntland Saamiga ay ku leedahay Barnaamijka Hiigsiga cusub ayaa waxay galinaysaa hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee Bulshada,maadama aysan Puntland la mid ahayd Gobolada kale ee dalka,oo ay doonayso hormar balaaran.

February 1, 2015: Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray wareegto uu xilka uga qaadayo gudoomiyahii gobalka Nugaal Cabdi Qani Xaashi Cali, iyadoo sidoo kale gobalkaasi gudoomiye cusub loo magacaabay.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Cabdi Qani Xaashi Cali oo safar shaqo uga maqan gobalka Nugaal, waxaana xilkani loo magacaabay Cabdulaahi Ciise Aw-Axmed.

February 3, 2015: Qarax nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ah ayaa barqonimadii maalintaas magaalada Gaalkacayo lagula beegsaday gaari uu watey Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug, Maxamuud Cali Yuusuf (Gaada Yare), wararka ayaa intaa raacinaya in mas’uulka uu ka badbaaday.

February 7, 2015: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kadib markii uu safar shaqo oo maalmo kooban qaatay uu ku tagey Magaalada Muqdisho.

February 9, 2015: Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa u safray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu ku tagayo safar shaqo.

February 15, 2015: Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa sheegey in maamulka iyo wasaaradiisa ayaa sheegay in ay  ku dadaalayaan sidii loo dadajin lahaa sharci xakamaynaya shaqaalaha ajaaniibta.

February 17, 2015:  Maamulka Puntland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay mashaariic hormarineed oo ka soconaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Duqa degmada Gaalkacyo ee Puntland Cabdicasiis Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay mashaariicdaan sida dhismaha wadada Dur Dur ee Xaafadda Garsoor oo laami laga dhigayo iyo sidoo kale dayactirka laamiga weyn ee dhex mara magaalada Gaalkacyo.

February 26, 2015: Askari ayaa ku dhintay mid kalana waa ku dhaawacmay kadib markii Dabley hubeysan ay soo weerarey guriga uu magaalada Boosooso ka degen yahay Guddoomiyaha Gobolka Bari  C/samad Maxamed Gallan

March 3, 2015: Waxaa  magaalada Kismaayo gaaray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socday. Wafdiga Cabdiweli Gaas ayaa waxaa ku jiray wasiiro iyo xubno kale oo maamulkiisa ka mid ah, waxaana garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam Madoobe, wasiiro ka tirsan maamulkaasi iyo shacab badan.

 March 9, 2015: Wasiir ku-xigeeka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana ayaa sheegay in la dhaqan galin doono Taariko cusub oo Puntland yeelan doonto, iyadoo marka hore Taarikada cusub la siin doono Gawaarida laga soo dejiyo Dekeda Bosaso, halka wajiga labaadna ay wada qaadan doonaan dhamaan Gawaarida kale.

March 10, 2015:  Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa  xarigga ka jaray waddo laami ah oo isku xiri doonta seddex xaafadood oo ku yaalla magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ,taasi oo dhisamaheedu uu soo socday muddo ku dhow hal sano

March 12, 2015: Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maalintaas  magaalada Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay iyo wefdi balaaran oo  uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa kullan gaar ah la qaatay Danjire Nicholas Kay waxaana ay kawada hadleen horumarka baaxada leh ee ka soconaya Puntland, la dagaalanka koox diimeedka Ururka UGUS, hiigsiga cusub ee Soomaaliya 2016 iyo guud ahaan Soomaaliya isbadalka lagarabo.

March 14, 2015: Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe waxa uu kulan kula yeeshay wafdi xildhibaanno ah oo uu hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, kuwaa oo maanta Garoowe gaaray.

Waxa ay ka wada hadleen arimo ku aadan uljeedka safarkooda iyo sidoo kale in ay kulamo la yeelan doonaan wafdigaan Mas’uuliyiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland.

March 15, 2015: Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa Garowe ku Daah-furay shirweynihii labaad ee Dib-u-eegista waxbarashada Puntland, kaasoo lagu qiimeenayo waxyaabihii la qabtay sanadkii hore iyo qorshayaaasha sanadkaan la hiigsan doono. Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo tacliinta sare Puntland oo shirkaan soo qabanqaabisay,ayaa ku casuuntay wasiirka waxbrashada Soomaaliya Drs. Khadar Bashiir Cali.

Maarso 22, 2015: Sarkaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Puntland iyo mid kamid ah ilaalo la socotay ayaa dhawacmay kadib markii ay rasaas ku rideen Ciidan joogay Bar Kontrol oo ku taalla bartamaha Magaalada garoowe.

March 29, 2015: Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Gaas ayaa  xariga ka jaray wado cusub oo laami ah oo laga hirgaliyay jidka sodonka oo mara dhinaca qorax kasoo baxa ee magaalada Garowe

March 31, 2015: Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Gaas ayaa dadweynaha reer Puntland uga jawaabay su’aalo toos ah oo ay waydiiyeen,waxaana Barnaamijka su’aalaha lagu waydiiyay Madaxweynaha uu ka dhacay Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Garowe.

Gaas ayaa Barnaamijkiisa diirada ku saaray; -Siyaasadda. -Amniga -Iyo hormarinta Puntland.

March 31, 2015: Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Gaas ayaa si cad u sheegay in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn udub dhexaad u yihiin jiritaanka Puntland islamarkaana ay waajib tahay in lasoo celiyo dhulka gobolaas ka maqan ee gacanta ugu jira maamulka Soomaaliland.

April 1, 2015: Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay madaxa hay’adda Caafimaadka aduunka WHO ee Soomaaliya Dr.Popal Ghulm iyo wefdi uu hogaaminayey.

Kullan uu madaxweyne Gaas la qaatay Dr.Popal Ghulm ayaa waxaa kala qeyb-galay gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, wasiirka caafimaadka dawladda Puntland Dr. Saadiq Eenoow , agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xassan Iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada iyadoo looga hadlay xiriirka Who iyo Puntland.

April 7, 2015: Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa xilka looga qaadey guddoomiyihii gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey.

Isla wareegtadaas ayaa waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Mudug loogu magacaabey Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg.

April 8, 2015: Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan albaabadu ulaaban yihiin xarunta madaxtooytada kula qaatay diblumaasiyiin ka socday  Midowga Yurub iyo hay’ada UNODC, kuwaas oo saakay soo gaaray magaalada Garowe. safiirka dalka Australia uqaabilsan Soomaaliya ayaa hogaaminayay wafdiga la kulmay madaxweynaha dowladda Puntland.

April 9, 2015: Waxaa Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal lagu dilay mid ka mid ah xaasaska Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole).

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Amina Abiib Cilmi, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu  toogtay wiil ay dhashay, oo lagu magacaabo Cumar C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud.

April 10, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo,ayaa  lagu soo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Madaxda Puntland iyo qaybaha bulshada ayaa ka qayb qaatay soo dhowaynta ra’iisul wasaaraha,waxaana madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo ra’iisul wasaare Sharmaarke ay si wada jir ah ula hadleen warbaainta.

April 11, 2015: Shirkii wada tashiga Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya ayaa  ka furmay magaalada Garowe gaar ahaan xarunta caafimaadka Puntland, iyadoo ay ka qeybgaleen madaxweynaha Puntland iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay labo guddi oo ka kala socda dowladda federalka iyo Puntland, kuwaas oo ka doodi doona ajandaha miiska u saaran labada dhinac

April 12, 2015: Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa ka furmay shir ballaaran oo looga wada tashanayo maamul baahinta degmooyinka iyo gobalada Puntland, kaasi oo ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal.

April 16, 2015: Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayey  oo ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa  gaaray dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa waxaa dalkaas ku soo dhaweeyey raysal-wasaaraha dalka Ethopia Hailemariam Desaleng, wasiirka arrimaha bulshada Cabdifatax yare iyo wasiirka deeganka Belete Tafere Deste iyo masuuliyiin kale.

April 18, 2015: Kooxo hubaysan ayaa Magaalada Muqdisho, waxa ay ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland, xilli uu maraayay Xaafada Taleex ee Degmada Hodan.

Dilka Xildhibaankaan ayaa waxaa ka dambeeyay rag hubeysan  sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka oo gaariga Xildhibaanka ku hor jaray gaari ay wateen raggii hubeysnaa, kadibna ay rasaaseeyeen

Xildhibaankaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Puntland, ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Xaaji Xuseen, wuxuuna Magaalada Muqdisho u joogay howlo isaga u gaar ah.

April 18, 2015:  Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa si adag u canbaareeyay dilka xildhibaan Aadan X. Xuseen oo kooxo aan hayb-tood la aqoon ay ku dileen magaalada Muqdisho.

April 20, 2015: ilaa 10 qof ayaan ku dhintay qarax ka dhacay Garoowe, hay’ada Unicef ayaa xaqiijisay in afar kamid ah shaqaalaheeda gargaarka ah lagu dilay weerar qarax loo adeegsaday, oo lagu bartilmaameed saday gaari ay la socdeen oo marayay bartamaha magaalada Garoowe. Unicef ayaa sidoo kale sheegtay inay afar kale oo shaqaalaheeda ka mid ah ay si xun ugu dhaawacmeen weerarkan.

April 22, 2015:  Maamul-goboleedka Puntland ayaa howlgelisay markabkii ugu horreeyay oo ciidanka ilaalada baddaha Puntland leeyihiin, kaasoo ilaalin doonaha xeebaha maamulkaas, iyadoo munaasabad lagu shaacinayay howlgalka markabkan iyo shaqadiisa lagu qabtay maanta dekedda magaalada Boosaaso.

April 28, 2015: Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ku jiraan xubno sar-sare oo ka tirsan dowladda Somalia ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Max’ed Cali Gaas, madaxweyne ku xigeenkiisa, wasiirro, xildhibaano iyo inta badan dadweynaha magaalada Garowe ayaa madaxweynaha  Somalia ku soo dhaweeyay  Garowe.

Waxaa sidoo kale Maalintii xigtay halkaas tagay Madaxweynayaasha Maamullada Jubblanad iyo Koofur Galbeed iyagoo halkaas lagu qabtay shir wadatashi ah.

May 5, 2015: Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa booqasho ku yimid  Magaalada Muqdishu isagoo la kulmay Wasiirka arimaha dibadda Mareykanka John Kerry.

May 8, 2015: Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ayay kooxo hubeysani ku toogteen Waqooyiga magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Mudanahan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay, Saciid Xuseen Nuur, waxaana kooxaha hubeysani mar uu ka soo baxay masjid uu salaad kusoo tukaday.

May 17, 2015: Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dawladda Yemen ee Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani.

Kullan gaar ah oo uu Madaxweynuhu la qaatay Safiirka ayaa waxaa uu uga warbixiyey dadaalka ay Puntland ugu jirto soo dhaweynta iyo dejinta qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen oo ay ka socdaan dagaalo.

May 19, 2015: Maamulka Puntland ayaa amray in la xiro dhammaan xafiisyada Telefishinka Qaranka (SNTV) uu ku leeyahay Puntland.

May 23, 2015: Aagaasimihii iyo tafatirihii Idaacadda Daljir qaybteeda Garowe ayaa xabsiga loo taxaabay.

June 9, 2015: Ciidamada ilaalada waddooyinka Puntland ayaa waxaa lagu wareejiyay Mootooyin casri ah, ka dib munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe.

Mootooyinkaan ayaa tiro ahaan ah 9, waxaana loogu tala galay in ciidamada Ilaalada waddooyinka ay u adeegsadaan shaqooyinka ay bulshada Puntland u hayaan.

June 12, 2015: Kulan ay yeesheen golaha wasiiradda Puntland oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Puntland ayaa lagu eedeeyey dowladda federaalka in ay ka leexatay wadadii nidaamka federaalka, islamarkaasina la tixgalinayo aragti shaqsi ah iyo mid beeleed.

June 13, 2015: Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari waxaa ku soo xirtay Markabka Nawaal 3 oo uu ku yaboohay Ganacsade Cabdi Faarax , kaasi oo dad Soomaaliyeed kasoo qaaday dalka Yemen.

Markabkaan ayaa maqribkii xalay soo gaaray Dekadda Magaalada Boosaaso, waxaana saaran dad tiro ahaan gaaraya 2-kun oo qof, kuwaasi oo ka mid ah Soomaalida Yemen ku dhibban.

June 13, 2015: Ismaaciil Maxamed Warsame oo ahaa wasiirkii cadaaladda maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba uu iska casilay xilkaasi uu haayay, isaga oo qodobo u sababeeyay.

June 13, 2015: Safiirka Dowladda Shiinaha ee Somalia, Wei Hongtian iyo wafdi uu hoggaaminayo g ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland, iyadoo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa danjiraha ku qaabilay xarunta madaxtooyada, iyagoo wada-yeeshay kulan qaatay dhowr saac, kaasoo ay warbaahintu ka ahayd dibad-joog.

June 16, 2015: War  ka soo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu shaaciyey isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirada , waxaana ka muuqda isbadalo waaweyn.

Saalax XabiibXaaji Jaamac Wasiirka Cadaalada ,diinta iyo dhaqan-celinta

Cabdixirsi Xirsi Qarjab Wasiirka Amnigaiyo DDR-ta

Axmed Cilmi Cismaan Karash Wasiirka ArrimahaGudahaiyo D/hoose

Abshir Aw Yuusuf Ciise Wasiirka WaxbarashadaiyoTacliintaSare

Cabdulaahi Shiikh Axmed Wasiirka Maaliyadda
Cabdunuur Cilmi Maxamuud Wasiirka Kalluumeysiga iyo khayraadka badda.

C/raxmaanAxmed Cabdulle Wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha iyo dhalinyaradda .

Maxamuud Xasan Soocade Wasiirka Warfaafinta ,HidahaiyoIsgaarsiinta

C/laahi Jaamac Saalax Wasiirka Dekadahaiyo Gaadiidkabadda
Faysal Cabdi Cali Gaas Wasiirka Dastuurka,FeedaraalkaiyoDimuqraadiyadda.

C/weli Xirsi Cabdulle Wasiirka Ganacsigaiyo Warshadaha
Cabdi Cismaan Maxamed Wasiirka XanaanadaXoolaha
Shire Xaaji Faarax Wasiirka Qorsheyntaiyo Xiriirka Caalamigaa
Cali C/llaahi Warsame Wasiirka Deegaanka ,Dalxiiska iyo Duurjoogta

Dr. C/naasir Cismaan Ciise Wasiirka Caafimaadka
Cabdulaahi Cali Xirsi Wasiirka BeerahaiyoWaraabka

Aniiso C/qaadir Muumin Wasiirka HaweenkaiyoHorumarintaQoyska

Xasan Xaaji Siciid Wasiirka Duulista hawada iyo Garoomada
C/rashiir Maxamed Xirsi Wasiirka Hawlaha Guudiyo Gaadiidka

July  05, 2015: Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, Maxamuud Xasan (Soo-cade) ayaa sheegay in Maamulkoodu uusan Aqoonsaneyn doorashadii  4tii July ka dhacday Magaalada Cadaado, isagoo ku sheegay inay ahayd mid lasoo dhoo-dhoobay.

Xasan Soo-cadde ayaa intaas ku daray inay u arkaan Shirkii degmada Cadaado mid ay Dowladda Federaalka Somalia soo abaabushay, isla markaana la doonayo in lagu abuuro colaado ka dhaca gobollada dhexe ee Somalia.

July  11, 2015:  Madaxweynaha Maamulka KMG Jubbaland Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) ayaa  Gaaray Garoowe, halkasoo si diirran loogu soo dhaweeyay, isla markaana uu kulammo kula leeyahay dhiggiisa Puntland C/weli Gaas.

Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlya soo dheweynta kaddib ayaa sheegay in safar-kiisan uu ku yimid Puntland uu aad ugu faraxsan yahay uuna kulammo kula yeelan doono Garoowe Madaxweynaha Puntland. C/weli Gaas kaasoo ay kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada maamul.

July 17, 2015: Wafti Ra’isul Wasaaraha Soomalaiya ayaa gaaray  Qardho.

July 30, 2015: Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saartay war saxaafadeed 6 bog ka kooban oo ay kaga hadlayso sababta ay oga qeybgali weysey shirka hiigsiga cusub, iyada oo faahfaahisey dhamaan waxyaabaha ay ka tabanayso dowladda federaalka

August 15, 2015:  Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyay doorashada Axmed Maxamed Islaan (Madobe) .

“Waxaan Madaxweynaha cusub u rajaynayaa in ALLE u fududeeyo xilka uu ku guulaystay ee afarta sano ee soo socoto ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo dhanka kale u diray Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Jubba isagoo kula hadlay Khadka Taleefoonka.

August 20, 2015: Guddiga Doorashada ayaa ku Dhawaaqay in Xasan Maxamed Goodir uu ku Guuleystay Doorashada Duqa Garoowe, Wuxuuna Duqa la doortay ee Garoowe oo Ganacsade ah uu horay xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland.

Dhanka kale, Doorashada ku xigeenka Duqa Garoowe ayaa Waxaa iyadana ku Tartamay Afar Musharax, iyadoo Wareeggii ugu Dambeeyay ay isugu soo hareen Caasho Cabdi Xuseen iyo Cismaan Maxamed Siciid, iyadoo xilka ku xigeenka duqa Degamada Garoowe uu ku guuleytay Cismaan Maxamed oo helay 16-cod.

August 29, 2015: Magaaladda Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Waxaa Lagu Soo xiraya Shirka wadatashiga Puntland Kaas Oo 25-ka Bishaaas Ka Furmay magaaladaasi.

Shirkaan waxaa Ka Qeybgalay Ergooyin Kala duwan Oo Ka kala yimid  Goboladda Puntland, kuwaas oo Weli ka doodaya xaaladda guud ee Puntland.

September 3, 2015: Wakaaladda batroolka iyo macdanta ee Puntland ee magaceeda loosoo gaabiyo PPMA ayaa qandaraas la saxiixatay shirkadda shidaal baaris oo laga leeyahay dalka Maraykanka , taasi oo lagu magacaabo ION Geophysical Corporation.

Illaa 8,000 km oo isku wareeg ah oo dhanka badda ayay ION shidaalka ka baaraysaa,llaa 25 ceel ayaa u asteysan shirkadani, kuwaasi oo ku kala faahsan dhul badeedka Puntland ay xukunta oo dhan 180,00km oo isku wareeg ah.

September 20, 2015: Maamulka Puntland ayaa isaga baxay shirka Wada tashiga Muqdisho Xilli Shirku galay Maalintii Labaad.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in shirkaasi aanay ka qeyb galeen maamulka Puntland oo uu hogaaminaya Madaxweynahooda Cabdiweli Maxamed Gaas

September 28, 2015: Gudoomiyihii Gobolka Mudug Ee Maamulka Puntland, C/qaadir Shire Faarax (Ereg), ayaa ku dhawaaqay in xilkaasi uu iska casilay, isagoo aan wax sabab ihi sheegin.

September 23, 2015: Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari C/xakiin Yuusuf, ayaa ku dhawaaqay inay mamnuuc tahay caruurta inay ku ciyaaraan waxyaabaha Baaruuda ah ee xilliyada Ciida caruurta ay ku ciyaaraan. Sababta ka dambeysay mamnuucida Baaruuda caruurta ay ku ciyaaraan ayaa Taliska, waxa uu ku sheegay inay tahay suurtagalnimada qal qal amni.

October 16, 2015: Wararka ka imaanaya Duleedka magaalada Qardho ee Puntland ayaa waxay sheegeen in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay Ceel-biyood halkaasi ku yaalla oo lagu dagaallamay.

Laba nin oo ka mid ah dadkii Ceelkaasi biyaha ka qaadanayay ayaa la sheegay inay ku murmeen inay biyahaasi ku kala hormaraan, hase ahaatee markii dambe ay gacanta iskula tageen, oo uu dhintay mid ka mid ah raggaasi, halka mid kale dhaawac uu soo gaaray.

October 19, 2015 : Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Max’uud Siciid Ciyoon oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidammo ka tirsan Puntland ay gacanta ku soo dhigeen xubno Somaliland u qaabilsanaa diiwaan-galinta doorashoyinka.

“Ciidanka maamulka Puntland waxa ay howlgal kusoo qabteen laba gaari oo siday qalabka doorashooyinka oo ay ku jiraan waraaqo iyo sanaadiiq ,waxaana laga soo qabtay meel 30-km dhanka waqooyi ka xigta degmada Badhan,” ayuu yiri Ciyoon oo la hadlay Idaacadda Daljir.

October 28, 2015: Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal waxa ay codka ugu qaadeen is casilaadii gudoomiyahoodii Saciid Xasan Shire.

52 mudane ayaa kulanka soo xaadirtay, waxaana shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Puntland Cabdi Xamiid Cabdisalaan.

Codka oo gacan taag ahaa ayaa 46 xildhibaan waxay aqbaleen is casilaadii Gudoomiye Shire.

October 28, 2015: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland, gaar ahaan gobalka Bari ayaa xabsiga kasii deysay 8 eedeysane oo loo haystay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab.

Gudoomiyaha maxkamadaasi Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in eedeysanayaashaan lagu waayay wax dambi ah, islamarkaana xurriyadooda la siiyay.

Xubnaha lasii daayay ayaa kala ah:-

Nuunow Maxamed Madnuur, Maxamed Maxamuud Xassan,Cali Nuur Macalin,Bashiir Cabdi Dirir,Axmed Yaasiin Xirsi,Kayse Maxamed Cabdullaahi Faarax Ciidanka Daraawiishta Puntland,Dable Bashiir Siciid Muuse Ciidanka Daraawiishta Puntland, Dable Cabdiraxmaan Daahir Axmed Ciidanka, Daraawiishta Puntland.

October 29, 2015: Wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland ayaa wareegto ay soo saartay waxa ay deegaanada maamulkaasi ka taliyo laga mamnuucay in marnaba aanay ka howlgali karin Idaacadda VOA, laanteeda Af-Soomaaliga ah, sidoo kalena aan la dhageysan Karin.

November 09, 2015 : Baarlamaanka Puntland ayaa  magaalada Garowe ku doortay Axmed Cali Xaashi kaas oo noqday gudoomiyaha cusub ee barlamaanka maaamulka Puntland.

November 18, 2015 : Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa  kulan ku yeeshay madaxtooya Puntland ee Garoowe.

Shirka labada mas’uul oo saxaafadu ay dibad-joog ka ahayd ayaa waxaa markii lasoo gaba-gabeeyay dhammaaday ayay saxaafadda uga warbixiyeen waxyaabihii ay kulankooda kaga hadleen.

C/weli Gaas ayaa sheegay in arrimaha ugu muhiimsanaa ee uu Nicholas Kay kala hadlay kulankii maalin ka hor kusoo dhammaaday Puntland, kaasoo looga hadlay wadatashiga doorashada 2016-ka nooca ay noqon doonto.

November 19, 2015: Ciidamada Booliska magaalada Garoowe ayaa xabsiga dhigay wariye Jaamac Yuusuf Jaamac oo kamid ah wariyayaasha ka howl-gala Puntland, waxaana ilo ku sugan Garowe ay sheegeen in wasaaradda warfaafinta ay bixisay amarka lagu xiray wariyahan. –

November 22, 2015:  Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa agaasime cusub u magacaabay hay’adda daryeelka bulshada ee Puntland, kasoo lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska C/weli Gaas.

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Hay’adda Daryeelka Bulshada Puntland ayaa ah Axmed Maxamed Muuse (Dhafuuje), isagoo ka mid ah ahaa muddo dheer qurbo-joogta ka soo jeeda Puntland ee ku nooolaa dalka Mareykanka

November 22, 2015: Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Galmudug iyo Puntland, iyadoo lagu soo waramayo inuu sii kordhay khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay 11 qof , waxaana ku dhaawacmay 43 qof oo shacab ah.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Isbitaalkaasi la keenay 43 qof dhaawac ah, 5 caruur yihiin, 5 Haween ah iyo 33 rag ah.

November 27, 2015 : RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynaha maamulka Puntland, ku xigeenkiisa, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

December 7, 2015: Taliyahii ciidanka Ilaalada garoonka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Korneel Xasan Shire Amaan ayaa  lagu dilay gudaha garoonkaasi.

Askari la sheegay in uu ka mid ahaa ciidanka ilaalada garoonkaasi, islamarkaana shaqada laga ruqseeyay ayaa dilkaasi ka dambeeyay, Marxuumka ayaa lagu dilay Koontaroolka Koowaad ee garoonka Boosaaso, halkaasi oo howlo shaqo ay ka socotay.

January 8, 2016: Waxaa Maanta xariga laga jaray Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, waxaa xafladda ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda kale oo heer federaal iyo heer gobol ah, waxaa kaloo ka qeybgalay safiiro u dhashay wadamada Talyaaniga iyo Shiinaha.

Xogtan Lama Xigan Karo, Iyagoo aan Ogolaashiyo Laga Heysan Goobjoog News