U bood dhigaalka

Sooyaalka Dhibaatada Ay Ciidamada Kenya U Geysteen Shirkadda Hormuud

Sheeko:Dalka

Dadweyne ku nool gobolka Gedo ayaa maanta dibad-bax halkaasi ku dhigay iyaga oo ka cabanaya sida ay sheegeen dhibaato ay ciidamada Kenya ka geysteen deegaannada Buusaan, Geriley, Ceel-waaq, Dhamaso, Khadiijo Xaaji, Dhuuntow iyo meelo kale.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Sooyaalka Dhibaatada Loo Geystay Hormuud:

July 24, 2018 – 04:28pm; Ciidamada Kenya ayaa xoog ku galay Xarunta Shirkadda Hormuud ee Dhuuntow oo ka tirsan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxayna toogasho ku dileen Cabdiraxiin Xasan Cali oo ka mid ahaa shaqaalaha Shirkadda iyo Baxar iidoor oo Dadka Deegaanka kana agdhowaa Xarunta, waxaa kale oo ka dhashay khasaaro hantiyadeed oo isugu jira:

  • Burbur Baahsan oo Soo gaaray Dhismihii Xarunta
  • Dhamaan Qalabkii Isgaarsiinta oo Gubtay.
  • Motoorro, Solar, Computers-kii iyo dhamaan wixii kale ee agab yaalay oo Baaba’ay.
  • Barakac ku yimid Bulshadii ku nooleed Deegaanka, sabab la xariirta Noloshooda oo ku tiirsaneed is gaarsiinta & MMT Service.

September 17, 2017 – 22:35; Ciidamo ka tirsan Milateriga Kenya ayaa gubay xarun ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku lahayd tuulada Khadiijo-Xaaji oo u dhexeysa magaalooyinka Beled-Xaawo & Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaare hantiadeed oo isugu jirta:

  • Burbur Baahsan oo Soo gaaray Dhismihii Xarunta
  • Dhamaan Qalabkii Isgaarsiinta oo Gubtay.
  • Motoorro, Solar, Computers-kii iyo dhamaan wixii kale ee agab yaalay oo Baaba’ay.
  • Barakac ku yimid Bulshadii ku nooleed Deegaanka, sabab la xariirta Noloshooda oo ku tiirsaneed is gaarsiinta & MMT Service.

January 20, 2018 – 02:35; Ciidamada Kenya ayaa Qarxiyay Xaruntii Shirkada Hormuud ay ku laheyd Ceelbaande oo ka tirsan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. waxaana ka dhashay khasaare hantiadeed oo isugu jirta:

  • ​​ Burbur Baahsan oo Soo gaaray Dhismihii Xarunta
  • Dhamaan Qalabkii Isgaarsiinta oo Gubtay.
  • Motoorro, Solar, Computers-kii iyo dhamaan wixii kale ee agab yaalay oo Baaba’ay.
  • Barakac ku yimid Bulshadii ku nooleed Deegaanka, sabab la xariirta Noloshooda oo ku tiirsaneed is gaarsiinta & MMT Service.

March 02, 2018 – 01:25; Ciidamada Kenya ayaa gebi ahaan Burburiyey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhamase kaas oo qiyaastii 60 Km u jira degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaare hantiadeed oo isugu jirta:

  • ​​Burbur Baahsan oo Soo gaaray Dhismihii Xarunta
  • Dhamaan Qalabkii Isgaarsiinta oo Gubtay.
  • Motoorro, Solar, Computers-kii iyo dhamaan wixii kale ee agab yaalay oo Baaba’ay.
  • Barakac ku yimid Bulshadii ku nooleed Deegaanka, sabab la xariirta Noloshooda oo ku tiirsaneed is gaarsiinta & MMT Service.

Dhinaca kale, sida ay sheegayaan maamulka shirkadda, dhibaatada ay Kenyaanka ku hayaan shirkadda Hormuud waxaa ay la wadaageen dowladda Soomaaliya laakin weli waxba lagama qaban.

Goobjoog News