U bood dhigaalka

Sooyaalka Dilalka Dadka Rayidka ah ay u Geysato AMISOM 2014/2015

Sheeko:Dalka

Ciidamada nabad illaalinta AMISOM ee ku sugan magaalada Marka ee xarunta Shabeelada Hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay toogasho ku dileen dad ka badan 10 qof oo rayid ah, arrintanina waa mid soo laalaabatay magaaladani oo ay ku suganyihiin ciidamo ka socda dalka Burundi.

Haddaba Goobjoog News ayaa halkani kusoo koobaysa qaar ka mid ah dhacdooyinkii ciidamada AMISOM ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah labadii sano ee lasoo dhaafay.

January 28, 2014: Xili barqo ah oo saacadu ay tahay abaaro 9:00 subaxnimo ayey Ciidanka AMISOM oo gaari qafilan ku jooga, si xowli ahna ku socda ay jiireen nin lagu magacaabo Saalax Nuur Maxamed, ninkan ayey ku jiireen Wadada Maka Al-Mukarama, waxa uu ahaa tagsiile, isaga oo ifka oga tagay 9 Caruur ah(3 wiil iyo 6 Gabdhood), isla goobtii uu gaariga ku jiirey ayuu ku qur baxay ninka kadib markii maskaxdiisa ay dhulka ku daadatay.

April 18, 2014: Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in Magaalada Marka ay Dad Shacab ah ku laayeen, kadib markii Qaraxa loo dhigay dartii ay rasaas dhankasta u rideen.

Guddoomiyaha degmada Marka Max’ed Cismaan Yariisow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in rasaasta ay fureencCiidamada AMISOM ay Dishay ugu yaraan labo ruux, 5 kalena ay dhaawacday.

September 18, 2014: Mid ka mid ah gawaarida ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa qof shacab ah ku jiiray is goyska Foloransa ee degmada warta Nabadda, muqdisho, qofka uu jiiray gaariga dagaalka ee AMISOM ayaa ahaa canug 10 jir ah kaas oo goobta marayey.

November 3, 2014: Warar ay Goobjoog News ka heshay xaafadda Dabakaayo Madoow ee degmada Dharkeenleey, Muqdisho ayaa waxay sheegeen in gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM uu dad shacab ah ku jiiray halkaasi.

Shan qof ayaa la sheegay in dhaawac uu soo gaaray, waxaana dadka dhaawacmay ay laba ka mid ah ahaayeen haween halkaasi Khaat ku iibinaayay, halka sedaxda kalena yihiin dhalinyaro goobta ku sugnaa.

December 12/2014: Ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta gobolka Shabeellada Hoose ee Marko ayaa qof rayid ah ku toogtay bartamaha degmadaas, saddex kalena ku dhaawacay rasaas ay fureen, kaddib markii lagu weeraray bam-gacmeed.

Qofka ay ciidanka AMISOM toogteen iyo saddex kale ee ay dhaawaceen ayaa ahaa rayid.

December 16, 2014: Warar laga helay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegayey in maalintaas ciidamada AMISOM si bareer ah u laayeen dad shacab ah.

Kooxo hubeysan ayaa bam gacmeed ku qarxiyeen ciidamada AMISOM kadibna ciidanka AMISOM rasaas ayey dhan walba u fureen, iyagoo halkaas ku diley dad rayid ah , 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen rasaasta AMISOM.

Dhinaca kale, Ciidamada AMISOM ayaa bartamaha Magaalada waxay ku toogteen nin dhalinyaro ah oo ay ku soo qabteen howlgal ay sameeyeen qaraxa kadib iyagoo ku eedeeyeen inuu ahaa shaqsigii banbada tuurey.

January 28, 2015: Sida sheegeen dad ku sugnaa Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho mid kamid ah gaadiidka AMISOM ayaa wuxuu dulmaray qof shacab ah oo ku sugnaa Isgoyskaasi.

Gaarigaan oo ka yimid dhanka Garoonka Muqdisho, ayaa wuxuu kamid ahaa kolonyo gaadiid ah oo AMISOM ay wateen.

Markii uu qofkaasi dar-daray gaariga ayaa durba uu meesha ka dhaqaaqay isaga oo aan u istaagin falkii uu geystay. Qofka ayaa markiiba geeriyoodey.

January 29, 2015: Sadex askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa maanlintaas lagu xiray Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay burbur u geysteen laba gaari oo midkood uu hoomeey yahay, halka midka kalana uu ahaa nooca raaxada. Labada gaari oo ku sugnaa aagga Isgoyska Zoope.

April 10, 2015: Mid kamid ah gawaarida ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa maalintaas wiil yar oo Da’diisa lagu qiyaasay 10 Sano jir waxaa uu ku jiireen agagaarka wasaarada boostada iyo isgaarsiinta Ee Degmada Boondheere, waxaana la sheegay in gaarigii falkaasi geystay  uu iskaga dhaqaaqay goobta.

Wiilka uu jiiray gaariga ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa dhaawac culus waxaa uu ka soo gaaray madaxa, waxaana la dhigay mid kamid ah isbitaalada Muqdisho oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo.

July 11, 2015: Ciidanka AMISOM ayaa si aan kala sooc laheyn dad badan ku laayey magaalada Marka gaar ahaan xaafadaha Beyturaas iyo Jujuumo ee Degmadaasi.

Sidoo kale waxa jira dad AMISOM ay ku dishay Suuqweynaha Wajeer oo ay rasaas la dhacday dhalinyaro ku jiray goob tima jaraha ah, waxaa halkaasi ku geeriyooday wiilkii tima jaraha ahaa iyo wiil kale oo tinta markaasi loo jarayey.

Dadka Deegaanka oo argagax ka muuqdo ayaa ka barakacay guud ahaanba xaafadaha ay AMISOM beegsaneyso.

Tirada la dilay maalintaas ayaa gaartay in ka badan 13 ruux, waa inta indhaha la saaray ilaa 6 ruux oo dadkaasi ka mid ah ayaa jirkooda waxaa ku yaala rasaas.

Waxaa kalo jira dad kale oo xaafadaha ay ku dishay AMISOM oo aan loo tagi karin.

Isbitaalka Guud ee Degamada Marka ayaa la gaarsiiyey ku dhawaad 20 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, kal-kaaliyayaal ku sugan isbitaalka ayaa sheegaya in dhawacyada la keenay isbitaalka aanu ku filneyn. maadamaa isbitaalka aanu lahayn dhakhtar iyo daween ku filan midna.

July 21, 2015: Ciidamada AMISOM ayaa ku dilay xaafado ku yaalo Magaalada Marka dad rayid ah kadib markii ay ugu galeen guryahooda iyo goobaha shaqo, Agaasimaha Cusbitaalka Marka ayaa Goobjoog News u sheegay in 18 dhimatay iyo 5 kale oo dhaawac ah ay tahay Khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray ciidamada AMISOM dadka ay AMISOM dishay waxaa ku jiray Beeraley iyo Haween.

Xildhibaan Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa Goobjoog News u sheegay in arinta AMISOM geysatay ay tahay xadgudub, isagoo intaa raaciyay in tacadiyada AMISOM la horgeyn doono gudiyada Difaaca, adeega bulshada iyo xuquuqul Insaanka ee baarlamaanka si dadkii khasaaraha soo gaartay magdhaw u helaan.

Dhanka kale midowga bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda in lala xisaabtamo AMISOM.

July 21, 2015: Ciidamada AMISOM oo qof rayid ah ku dishay, qof kale oo rayid ahna ku dhaawacay deegaanka Suuqa Xoolaha.

Goobjoog News