U bood dhigaalka

Sooyaalka  Hiigsiga Cusub Ee Soomaaliya Iyo Heerarka Uu Soo Maray

Sheeko:Dalka

Maalmaha 23-24 February 2016-ka waxaa magaalada İstanbul martigelin doontaa shirkii 3-aad ee Ministerial HLPF, shirkan ayaa daba socda laba shir oo noocaan ah oo ka kala dhacay Copenhagen November 2014 iyo Mogadishu July 2015tii.

Shirkan waa shirkii 6-aad oo qeyb ka ah shirarka loo yaqaano High Level Partnership Forum, waxaana  lagu qiimeyn doonaa New Deal-ka Soomaaliya.

Goobjoog News, waxay  akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa sooyaalka dhammaan shirarkii Hiigsiga ee ka dhacay dalka iyo dibadda.

Inta aan gudaha u galin Hiigsiga Soomaaliya bal wax ka baro taariikhda New Deal-ka Caalamka iyo sida uu ku bilowday.

New Deal waxaa laga keenay  xilli dalka Mareykanka uu ku jiray Dhaqaalo xumo,  madaxweynihii  xiligaasi ee Franklin D Roosevelt  ayaa hindisey  fikraddan si dadka Mareykanka loogu baraarujiyo shaqada iyo horumarka.

Markii dambe, waxaa isla qaabkaas adeegsaday dalalka deeq bixiyaasha si loo taageero waddamada faqriga ah.

Hiigsiga Cusub iyo Beesha Caalamka:

Shirkii ugu horeeyay oo heer  sare ah, waxaa lagu qabtay magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga sanadii 2002, Waxaa xigay shir lagu qabtay Paris oo Faransiiska ah sanadkii 2005, shir kale ayaa xigay oo lagu qabtay magaalada Accra ee xarunta dalka Ghana sanadii 2008 iyo ugu dambeyntii magaalada  Busan, Koonfurta Kuuriya sanadkii 2011-dii.

Shirkii Busan ee Koonfurta Kuuriya ayaa waxaa la isku afgartay in kaalmo laga aruuriyo dowladaha iyo hay’adaha lacagta leh si loogu taageero waddamada faqriga ah, ama burburay sida Soomaaliya oo kale, iyadoo qaabka loo wajahayo ay tahay in la isku keeno dadka lacagaha bixiyo iyo dadka la siinayo oo wada hadlaan. 

Soomaaliya iyo Heshiiska Hiigsiga Cusub 2016-ka:

Waa Maxay New Deal?  New Deal for Somalia”, Ujeedadiisu waxa ay aheyd labo arin:

In indhaha Beesha caalamka lagu soo jeediyo Soomaaliya iyo in la helo lacag lagu maareeyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya oo xiligaas jirtay hal sano.

Heshiiska Hiigisha 2016-ka, waxaa uu bilowday September 2, 2013 markii ay Dowladda Soomaaliya  Shirweyne u qabatay magaalada Muqdishu kaas oo ay kasoo qeyb galeen Maamulada Gobolada dalka, ergo ka socotay gobolada dalka, qurbojoog-ta, siyaasiyiin, haween, aqoonyahano iyo dhalinyaro badan.

Shirkan oo la soo xiray September 06, 2013 waxaa ka soo baxay qodobo muhiim ah sida:

  1. Dib u eegista dastuurka dalka,dhameystirkiisa iyo hirgalintiisa
  2. Noocyada iyo hanaanka federaalka iyo habka loo qeeybsanayo awooda dalka iyo kheeyraadka dalka.
  3. Dib u habbeynta hey’adaha dowlada, hufnaantooda iyo hagaajinta maamulka maaliyadda.

Hiigsiga Cusub : Soomaaliya iyo Beesha Caalamka:

September 16, 2013: Shirarka Hiigsiga Soomaaliya waxaa ugu weynaa midkii ka dhacay Magaalaa Brussels ee dalka Biljimka September 16, 2013-kii. 

Shirka waxaa ka soo qeyb galay 50 dal, hay’ado iyo ururo caalami ah, shirkaas waxaa Soomaaliya loogu yaboohay  lacag dhan  1.8bn euros ($2.4bn; £1.5bn) , lacagtaasi oo inteeda badan loogu talogalay in lagu fuliyo mashaariic horumarineed sida caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha dowladeed sida dhismaha hey’adaha dowladda

November 10, , 2014 : Shir hordhac ah oo loogu tabaabusheysanayo shirkaasi ayaa lagu qabtay Muqdisho , waxaa ka qeybgalay dowladda Federaalka, iyo maamulada kala ah Puntland, Galmudug, maamulka gobolka Banaadir, iyo maamulka Jubba, halka dhinaca kale miiska ay fadhiyeen xubnaha beesha caalamka u matalaya Soomaaliya.

November 19, 2014 : Waxaa furmey shirka dib u eegista Hiigsiga Cusub ee Copenhagen, Shirkan oo ah Ministerial level, waxaa uu socday muddo labo maalmood.

Sida ay sheegtay dowladda Denmark 400 oo qof oo Soomaali ah ayaa lagu casuumay shirka inay kasoo qeyb galaan, waxaa ka mid noqonaya Dowladda Federaalka, Maamulada dalka ka jira, Shirakadaha, Qurbo joogta iyo bulshada rayidka iyo qeybo kale oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed.

February 6,  2015: Waxaa magaalada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir ay yeesheen dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Puntland Cabdiweli Gaas, Jubbaland Axmed Modoobe iyo Koofur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aden.

Shirkaas oo socday sadex maalmood waxaa kasoo baxay heshiis 12 qodod ah oo ay ka mid ahaayeen in shir Garoowe ka dhaco.

May 2, 2015, Waxaa magaalada Garowe lagu soo gabagabeeyay shirkii 2-aad ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ahaa sida Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, waxaa kasoo baxay heshiis is afgarad ilaa 7 qodob ka koobnaa.

July 29, 2015: Waxaa Magaalada Muqdishu ka furmay Shirweynaha golaha Saxiibada Soomaaliya, waxaa looga hadlayaa Hiigisiga, waxa qabsoomay, wax dhiman iyo xitaa wax la qaban karo Mustaqbalka dhaw.

July 30, 2015: Waxaa lasoo gabogabeeyey shirkii labada maalmood ka socdey magaalada Muqdisho ee Hiigsiga cusub , Shirkan oo heer sare ahaa, waxaa laga soo saaray illaa 40 qodob.

Qodobada shirka kasoo baxay waxaa ka mid ah in la taageero dhamaan maamul goboleedyada jira iyo kuwa dhismaya, iyada oo si gaar ah loo taageerey maamulka Galmudug iyo baarlamaankiisa.

Waxaa uu shirka soo dhaweeyey madasha hoggaamiyeyaasha ay ku mideysanyihiin taasi oo keentey isfaham dalka gudihiisa ah .

Waxa kale oo uu shirka soo dhaweeyey guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka iyo kan xuduudaha, waxaana lagu baaqay in guddiyadani la taageero, loona fududeeyo shaqada ay hayaan.

Sidoo kale waxaa la’isku raacay in horumar badan laga sameeyey barnaamijka hiigsiga cusub, wax badana ay ka qabsoomeen.

Shirka ayaa waxaa kale oo la’isku raacay in kor loo qaado dhaqaalaha dalka iyo kaalmada caalamiga ah iyada oo la marsiinayo bangiga dhexe.

Ugu dambeyn waxaa la go’aamiyey in aysan dhici karin doorasho qof iyo codkiis ah iyo in aysan jirin karin muddo kororsi, iyada oo la qabanayo doorashooyin ka duwan kuwii dhacay 2012-kii.

Illaa 32 wafti ayaa ka qeybgalay shirka oo isugu jira beesha caalamka iyo golayaasha dowladda iyo waliba qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

September 19, 2015: Magaalada Muqdisho waxaa ka  dhacay  shir  ay ka qeyb galeen dhamaan Maamullada dalka iyo Beesha Caalamka., Waxaa shirka joogay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’isul Wasaaraha Federaalka Cumar Cabdirashid iyo Wasiiro federal ah, Maamul Goboleedyada dalka sida Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Sharif Xasan Sh. Aden, Madaxweynaha Maamulka Jubbland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed.

Shirka Wada tashiga arimaha Soomaaliya waxaa joogay wakiilka Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobey, Safiirada Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya, Safiirka IGAD iyo dhamaan safiirada Shisheeye ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa’id qabtay shirka kadib ayaa sheegay in ujeedada ay aheyd in uu bilowday qorshe wada tashi qaran ee laga tashanayey Mustaqbalka Soomaaliya 2016-ka. 

September 21, 2015:  Shirkii Wadatashiga Qaran ee Muqdisho uga Socday Madaxda Dowladda Somalia iyo kuwa Maamul-goboleedyada dalka oo ay Goob-joogayaal ka ahaayeen Xubno ka Socday Beesha Caalamka ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho.

Dhinacayada ayaa ku heshiiyay Qodobbo ay ka mid ahaayeen, In la dhiso Madal wadatashi oo ay xubno ka yihiin dowladda Somalia, Maamul-goboleedyada dalka ka jira, Ururrada Bulshada Rayidka iyo Baarlamaanka.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in Madashan ay kulankooda ugu horreeya yeelan doonaan Bisha soo socota ee Oktoobar, iyagoo Qaabeyn doona Doorashada Dalka ka dhici doona Sannadka soo socda ee 2016-ka iyo in Bisha Jannaayo ee soo Socota lagu dhawaaqo qaabka loosoo dooranayo Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

September 28, 2015: Waxaa uu shirka HIGH-LEVEL ka dhacay magaalada NEW YORK : Shirkan waxaa wada guddoominayey Xasan Sheekh, , Dr. Nkosazana Dlamini Zuma, Mr. Iyad Ameen Madani, Mr. Nabil Elaraby iyo Mr. Ban Ki-moon, waxaa ay beesha caalamka ku celisay garab istaagisteeda Soomaaliya.

October 19-20, 2015:  Waxaa ka soconayey Muqdisho shirarka Madasha, kaasi oo la doonayay in loogu gogol xaaro habkii lagu gaari lahaa inay doorashooyin ka dhacaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2016-ka.

Waxaa lagu sameeyay:

Guddi Hawleedka(Task Force): si loo taageero howsha Wadatashifa Qaran, waxaa la sameynayaa Guddi Howleed(Task Force) ku saleysan mabda’a ah inuu ka tarjumo kana howlago fulinta go’aanada loo dhan yahay ee madasha Wadatashiga qaran.

Guddi Tageero Farsamo(technical Support Team): oo ay gawadeen ka yihiin Wasaaradda arimaha gudaha iyo Arimaha Federaalka waxay Mas’uuliyad ka saran tahay labo arin:

Teegeerada Madasha Wadatshiga Qaran iyo Guddi Howleedka, wuxuuna xaqiijinayaa arimaha farsamo ee la xiriira Madashada Wadatashiga qaran

Waxaa kale oo la soo saaray in ay jiri doonaan Ergo doorsho, Murashaxiin iyo Nidaam doorasho?

Ergada Doorashada:

Shirkan oo ka furmay Xalane, Muqdisho ayaa waxaa inta badan lagu raadinayey Jawaabaha Yaa Xulaya ergada ama Wakiilo Doorasho ama yaa Xulaya eragada doorshada, sidee loo xaqiijinayaa xulista Baarlamaan si dheelitiran u matala deegaan, sidee geedi u soconka hanaanka 4.5 u noqon karaa marjica awood qeybsi? Sidee dowlad goboleedka looga qeyb galin karaa hanaanka, Maxuuse noqon karaa kaalinta Odey dhaqameedka.

Murashaixiinta:

Dhanka Murashaxiinta waxaa laga hadlayaa, Yaa magacaabaya Murashaxiinta? Waa maxay shuruudda laga doonayo Murashaxa xilka Xildhibaanimo, Yaa xaqiijinaya in murashaxiinta ay buuxiyeen shuruuradaha? Sidee lagu xaqiijin karaa saamiga loo qoondeeyay haweenka? Sidee lagu heli karaana hanaan lagu xalliyo cabashooyinka?

Nidaamka Doorashada:

Nidaamka doorashada oo laga hadlayo, Muxuu noqon doonaa habka la isku metello? Muxuu noqon doonaa hanaanka doorashada ay raaci doonaan ergada doorashada? Mise hadba ciddii codka ugu badan hesha ayey guusha raaceysaa?

Afarta Qaab ee laga rabo in mid laga doorto:

Ergo doorasho oo ka kooban dalka oo dhan: Nidaamkan waxaa uu ku fulli karaa in la dhiso Xisbiyo Siyaasadeed, Xisbi kasta oo Baarlamaanka ku yeesho tiro Xildhibaano ah  oo u dhiganta cododka uu doorashada ka helo.

Ergo doorsho oo heer dowlad Goboleed ah, Dowlad goboleedyada jira ama kuwa sameysmaya waxaa laga yagleelayaa Wakiilo doorasho oo dooran doona Xildhibaanada Baarlamaanka oo Metelaya dowlad goboleedyada.

Ergo doorasho heer degmo: degmo walba oo ka mid ah 92 degmo ee jiray sanadkii 1991 ayaa sameysanaya Ergo doorasho.

Ergo doorasho oo beel ku saleysan: sidii lagu soo xulay 2012kii oo 135 odey dhaqameed ay soo xuleen Xildhibaanada

December 08, 2015: Shirkii ka midka aha shirarka loo yaqaano HPLF  ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa lagu soo Gunaanaday Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Puntland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug, wakiillo ka kala socday gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, mas’uuliyiin ka socday Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Shirkan oo halka maalin ahaa ayaa lagu qiimeynayay waxyaabihii u qabsoomay Somalia lixdii bil ee lasoo dhaafay, tan iyo markii uu qabsoomay shirkii lixaad ee heerka sare ee waddamada iyo hay’adaha iskaashiga la leh Somalia (High Level Partners Forum bishii July ee sannadkan 2015-ka.

December 13, 2015: Waxaa Muqdisho ka furmay shir logu go’aansanayo qaabka ay u dhaceyso doorashada 2016-ka, ujeedada ayaa aheyd in go’aan kama dambeys uu ka soo baxo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doona sanadka 2016.

December 15, 2015: Waxaa Muqdisho Lagu soo Gabagabeeyay Shirkii Madasha Wada Xaajoodka Nooca doorashada Baarlamaanka 2016-ka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa gabagabdii shirka akhriyay War Murtiyeed ka kooban ilaa 7 qodob, Waxaa ugu Muhiimsanaa in doorashada Baarlamaanka noqon doono 4.5 iyo Deegaan isku dhex jira oo lagu dooran doono labada aqal ee Baarlamaanka, waxaa kaloo lagu balalamay in doorashada go’aan rasmi ah laga gaaro shirka Kismaayo ka dhacaya January 2016-ka.

February 23-24, 2016: Waxaa Istanbul ka dhacaya shir HPLF oo looga hadlayo arrimaha la xiriira Hiigsiga 2016-ka, looguna diyaar garoobayo doorashada dalka ka dhaceysa 2016-ka, shirkan waxaa wada guddoomin doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qaramada Midoobey.

W/D: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,

Xogtan waa mid u gaar ah Goobjoog News, Lama xigan karo ogolaanshiyo la’aan.