U bood dhigaalka

Sooyaalka Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha

Sheeko:Dalka

madaxweynaha iyo raisulwasaarahaWaxaa maanta soo afjarmay khilaafkii u dhaxeeyey madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isulwasaare Cabdiwali kadib markii codka kalsoonida uu baarlamaanka kala noqdey Ra’isulwasaaraha iyo xukuumadiisa.

Ra’isulwasaaraha oo xilka hayay mudo sanad ah oo kaliya ayaa waxa uu khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha soo biloowdey bishii lixaad ee sanadkani kadib markii uu xilkii ka tagay wasiirkii amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed, kadib waxa uu khilaafka soo shaacbaxay markii wasiirada ay xilkii ka eryeen taliyihii amniga qaranka Maxamed Cabdullaahi Sanbaloolshe, laakiin waxaan khilaafka si rasmi ah oga bilaabeynaa markii Ra’isulwasaaraha uu sameeyey isku shaandheynta .

Hadaba waxaan halkani kusoo koobeynaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee dhacay tan iyo intii uu soo shaacbaxay khilaafka labada nin.

  1. Aktoobar 25, 2014 : Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada, isagoo isku bedelay qaar ka mid ah wasiirrada, wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha.

Haddaba isku shaandheyntu waxay u dhacday sidan:

  1. Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka, Saalim Caliyow Ibroow
    2. Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
    3. Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Maaliyada, Burci Maxamed Xamza
    4. Wasiir-u-dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda, C/llaahi Maxamed Nuur
    5. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda, C/raxmaan Cabdi Cismaan
    6. Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow
    7. Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga, Mahad Maxamed Salaad
    8. Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha, Fahmo Axmed Nuur
  2. Aktoobar 25 , 2014: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa war kasoo saaray isku shaandheyntii koobnayd ee Ra’iisulwasaare C/weli Sheekh uu ku sameeyay maalintaas golaha wasiirrada xukuumadda, isagoo sheegay inuu kasoo hor-jeedo isku shaandheyntaas, sidoo kale wasiirradii la isku bedelay ayuu ku amrey in wasiir walba sii wato howlaha wasaaraddii lagu ogaa, isku shaandheyntana aysan saameyn ku yeelanayn shaqadooda.
  3. Aktoobar 26, 2014: Wasiirada uu ka mid yahay Faarax C/qaadir ayaa maalintii xigtey isku shaandheynta u shaqo tagey Wasaaradii laga bedelay.
  4. Aktoobar 26, 2014: Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya , danjire Nicholas Kay ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay madaxda dowladda Somalia sida guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari, Ra’isulwasaare Cadiwali iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo kala hadlay khilaafka adag ee soo dhex-galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarahiisa.
  5. Aktoobar 29 , 2014: Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa maalintaas si wadajir ah kulan ula yeeshay xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo booqasho saacado qaadatay ku yimid Muqdisho. Waxayna ahayd markii koowaad oo ay madal kasoo wada muuqdaan labada mas’uul tan iyo intii uu soo baxay khilaafka.
  6. Nofeembar 2, 2014: Danjire Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya, isagoo xildhibaanada ku eedeeyay inay laashuush qaadanayaan, isagoo sheegay in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey loo gudbin doono dadka dhibka ku haya dalka iyo Hiigsiga 2016-ka.
  7. Nofeembar 2 , 2014: Midoowga Yurub ayaa iyaguna walaac ka muujiyay xaaladda kuna baaqay inaan la carqaladeen geedi socodka siyaasadda Soomaaliya.
  8. Nofeembar 3, 2014: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa qoraal uu kaga jawaabay hadalkii danjiraha QM ee Soomaaliya Nicholas Kay wuxuu ku sheegay in xaq-dhowrka madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.
  9. Nofeembar 05 , 2014: Ergeyga ururka IGAD ee arrimaha Soomaaliya , danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa yimid Muqdisho, iyadoo socdaalkiisan la sheegay inuu la xiriiro sidii uu u heshiisiin lahaa madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, C/weli Sh. Axmed oo uu u dhexeeyey khilaaf dhinaca awoodda ah.
  10. Nofeembar 6 , 2014: Mooshin dhan ka ah ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa maalintaas loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo tani ay sii xoojisay muranka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda sare ee dalka.
  11. Nofeembar 8 , 2014: Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa 85 Xildhibaan la kulmay, isagoo u sheegay in Mooshinka ka dhan ah Ra’isul Wasaaraha aan Baarlamaanka la horgeyn doonin balse waqti dheeraad ah la siiyo.
  12. Nofembar 9 , 2011: Guddi u hadlay Xildhibaanadii 140-ka ahaa ee Mooshinka ka keenay Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in arinta aanay u oolin beesha caalamka, Madaxweyne, Ra’isul wasaare iyo Gudoon Xildhibaan toona, Xildhibaanada ayaa sheegay in Baarlamaanka lagu kala baxaayo
  13. Nofeembar 9 , 2014: Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Wakiiika Q/M, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ku kulmay Xalane si loosoo afjaro khilaafka, Kulanka Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cade Airport oo Beesha Caalamka Wafdi ka socda ay la qaateen Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiwali Sheikh Axmed iyo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kulanku wuxuu ahaa mid aad xasaasi u ah oo si kulul loo wada hadlayay…balse wax natiijo ah kama soo bixin.
  14. Nofeembar 10 , 2014: Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay shir ay ka qeyb galeen madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya, sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cabdiweli, waxaana shirkaan sidoo kale ka qeybgalayaasha ka mid ah xubno ka socda Golaha Wasiirada xukuumada, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin ka socota maamul gobaleedyada dalka, waxaa looga hadlay gogol xaarka shirka Denmark ka dhacaya 19-20-ka bishan November 2014-ka
  15. Nofeembar 10 , 2014: Xildhibaano sheegey in ay dhanyihiin 135 Xildhibaan oo kasoo horjeeda Mooshinka ayaa soo saaray Baaq ka kooban afar qodob oo ay ku sheegayaan inay ugu baaqayaan Madaxweynaha inuu joojiyo abaabulka Mooshinka sharci darada ay ku tilmaameen, iyagoo sheegay in eedeymaha ku qoran Mooshin-ka ay yihiin kuwii Madaxweynaha uu ka sheegtay Raisul Wasaaraha sida la tashi la’aanta, waxaa ay sidoo kale sheegeen in mooshinka hareeyay laaluush.
  16. Nofeembar 10 , 2014: Xili habeen ayaa Xildhinaada loo diray fariimo lagu sheegayo in maalinta xigta la qaban doono kalfadhi looga doodayo mooshinka ka dhanka ah Ra’isul wasaaraha.
  17. Nofeembar 11 , 2014: Kalfadhigii lagu balansanaa oo ku bilowday buuq, sawaxan, is eedeyn, Xildhibaanada labada dhinac ah, qolo dooneysa in Mooshinka bilowdo iyo qolo kasoo horjeeda, Labo mar oo lagu qeyliyay xitaa gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, waxaa kuu markii sedexaad ku dhawaaqay in kulanka Baarlamaanka xiran yahay.
  18. Nofeembar 12 , 2014: Xildhibaano gaaraya ilaa 115 Xildhibaan ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdishu, Xildhibaanada ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyay buuqii iyo sawaxankii maalintii horeysey ka dhashay Golaha Shacabka iyagoo sabab uga dhigay Mooshinka uu gudoomiyaha hor keenay Baarlamaanka oo ay xildhibaanadaas ugu yeereen mid sharci darro ah.
  19. Nofeembar 14 , 2014: Safiirka dowlada Jarmalka ee dalka Soomaaliya Ambassador Andreas Peschke ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ugaga hadlayo qalalahaasaha siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegey in aanan loo baahneyn khilaafka.
  20. Nofeembar 15 , 2014: Markii labaad, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku kala dareeray xarunta Golaha shacabka, kadib markii uu furmi waayay kulankii Baarlamaanka, kaasoo mar kale uu hareeyay buuq iyo hees.
  21. Nofeembar 21 , 2014: Waxaa dalka Jabuuti safar u aaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Garoonka diyaaraha Aaden Cadde ayuu ku sheegay in maalinta Isniinta ah 24-ka bisha, Mooshinka la horkeeni doono Baarlamaanka isagoo intaa raaciyay in aan cidna laga yeeli doonin in ay carqaladeeyaan qeybinta mooshinta.
  22. Nofeembar 24 , 2014: Kalfadhigii loo balansanaa waxaa dhacay: Buugii Xaadirinta oo la jeexjeexay , buuq iyo qeylo, warqado Mooshin lagu sheegay oo la qeybiyay, Gudoomiyaha Baarlamaanka oo markii uu yimid lagu buuqay, Cod-baahiyaashii Baarlamaanka oo xarkihii la jarjaray, Saxaafaddii oo gudaha Baarlamaanka loo diiday iyo Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa oo dib ugu laabtay xafiiskooda kadib markii ay xakameyn waayeen Xildhibaanada.
  23. Nofeembar 24 , 2014: Gudoomiyaha Baarlamaanka oo qoraal 10 qodob galabtaas soo saaray ayaa ku sheegay in aan ajandaha mooshinka la guda geli karin inta xal looga helayo nidaam darada iyo xasiloonida darada ka jirta Baarlamaanka.
  24. Nofeembar 24 , 2014: Ra’isul Wasaare Cabdiwali ayaa shir Jaraa’id uu qabtay ku sheegay in Mooshinka laga soo aabubalay madaxtooyada , oo aanu shaqo ku laheyn habka shaqada xukuumadiisa balse sheekada ay tahay markii Wasiir Madaxweynaha saxiibkiis ah Wasaaraddii laga wareejiyay oo wasaarad kale loo wareejiyay. Wuxuu sheegey in mooshinka loo adeegsaday qaab musuqmaasuq ah.
  25. Nofeembar 26 , 2014: Kulan ka dhacay Madaxtooyada oo sadex geesood ahaa ayaa la isku afgartay in Baarlamaanka lagu kala baxo. Kulankan waxaa fadhiyay Madaxweynaha, Farax Cabdiqaadir iyo Maxamed Cabdullaahi Sanbaloolshe oo dhan ah, Gudoomiyaha Baarlamaanka oo dhinac ah iyo Xildhibaan Cabdi Dhuxulow iyo Prof. Gandhi oo ka socday dhanka xildhibaanadii Ra’isulwasaaraha taageersanaa .
  26. Nofeembar 29 , 2014: Guddoonka Baarlamaanka ayaa qoraal ku sheegay in maalinta Talaadada ah uu dhici doono kulanka Baarlamaanka oo taariikhda ku beegan 2-da bisha December, Mooshinka iyo doodiisa la soo afjari doono 6-da bisha oo ku beegan maalinta Sabtida.
  27. Diseembar 2 , 2014: Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa si rasmi ah u furey kulanka baarlamaanka, waxaana soo xaadirtey 207 xildhibaan, Waxaa si degen loo qeybiyay Mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’isul Wasaare Cabdiwali, Jawaari ayaa xildhibaanada u sheegay in Khamiista la doodi doono Mooshinka, Sabtidada lasoo afjari doono.
  28. Diseembar 4 , 2014: Waxaa furmay kulankii baarlamaanka , waxaana xildhibaanada loo qeybiyey waraaqaha xildhibaanada saxiixey mooshinka, iyada oo la guda galay ka doodista mooshinka codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed. Sida uu sheegey guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, waxaa mooshinka saxiixey 138 xildhibaan.
  29. Diseembar 6 , 2014: Waxaa furmay fadhigii Baarlamaanka waxaa soo xaadiray 235 xildhibaan , kadib markii ay hadleen xildhibaano dhinaa doodii baarlamaanka ayaa abaaro duhurkii la guda galay codbixinta, iyada oo baarlamaanka hortiisa lagu dhaariyey hawlwadayaashii codka tiring laha, kadib codbixinta ayaa loo guda galay, waxaa mooshinka u codeysey 153 xildhibaan, 80 xildhibaan ayaa diidey, 2-na waa ay ka aamustey, waxaana codka shaaciyey guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo madaxweynaha ka codsaday in uu soo magacaabo Ra’isulwasaare cusub.

Goobjoog News