U bood dhigaalka

Sooyaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Ee Sanadka 2015-ka

Sheeko:Dalka

Waxaa soo dhamaaday sanadka 2015-ka oo dad badani wax badan ku xusuusan doonaan,  iyadoo uu billawday sanadka 2016-ka oo wejigiisa cusub wata.

Hadaba Goobjoog News waxay idiin soo gudbineysnaa sooyaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee sanadkii 2015-ka  gaar ahaa arrimaha gudaha iyo Diblomaasiyadda wixii uga qabsoomay, waana xog ay mudadaasi uruurinaysay Goobjoog .

January 10, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guul ku tilmaamey qabsoomidda shirka wasiirada arrimaha dibedda ee waddamada ururka IGAD oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Shirkan waxaa uu ahaa imtixaan dunida ay ku eegeyso kartideena, waxqabadkeena iyo inaan dib u soo ceshan karno kalsoonidii beesha caalamka ay nagu qabtey, Ilaahayna wuu nagu guuleeyey oo imtixaankii wan ku najaxney” ayuu yiri madaxweynaha oo xafiiskiisa kula hadlayey saxaafadda.

January 20, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa Saxiixay Sharciga Dhowrista Xuquuqda Caruurta.

January 21, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  isaga oo ka hadlayay xuska 42 guurada kasoo wareegtey markii la qorey farta Soomaaliga  sheegey in laga bilaabo maalintaas ay mabnuuc tahay in far aan ahayn tan Soomaaliga lagu isticmaalo xafiisyada dowladda, haddii aanan markaasi xiriir lala samaynaynin cid dibadda ah.

January 24,  2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi ugu tegey boqortooyada Sacuudiga iyo Boqorka cusub Boqor Salman Bin Cabdulcaziiz Riyadh, isagoo uga tacsiyeynaya geeridii boqorkii hore, Cabdalla Bin Cabdulcaziiz oo geeriyooday.

January 29,  2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley shir madaxeedka waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Kulankan aan caadiga ahayn ee madaxda IGAD oo ahaa kii 29aad, ayaa waxaa si weyn looga hadlayey sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda Jamhuriyadda Koonfuurta Suudaan.

January 30, 2015: Shir madaxeedka waddamada Midowga Afrika ayaa waxaa uu si rasmi ah uga furmey caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Afrika ee ka qeybgaley shirka .

Kulan madaxeedkan 24aad ee Midowga Afrika, ayaa waxaa si rasmi ah u furtey Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Zuma.

Shirkan ayey madaxda Afrika uga hadleen in la xoojiyo awoodda dumarka qaaradda Afrika ee dhinacyada kala duwan, sida siyasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale.

February 3, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha dalka Serbia u fadhin doona Soomaaliya Mr Ivan Zikovic, isagoo ku tilmaamay xiriirka labada dal mid hor u mar ah.

February 4, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa hoygiisa qado sharaf ugu sameeyey madaxda maamul goboleedyada dalka oo  booqasho joogay magaalada Muqdisho.

Madaxda uu Madaxweynaha qadada u sameeyay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Gaas, madaxda maamulada ku meel gaarka ee Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

February 10, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageeray Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisey raiisul wasaaraha, iska markaana uu ansixiyey Baarlamanka Federaalka.

“Waan soo dhoweynayaa magacaabista uu sameeyey Ra’iisul Wasaaraha iyo codka kalsoonida ee xubnahaasi cusub ay ka heleen baarlamanka.’’

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusey in walow ay jireen arrimo culus, haddana in horumar la taaban karo la sameeyay.

Febraayo 18, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Mekelle kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo  kaalinta Itoobiya ee nabad galyada.

Febraayo 19, 2015: Xasan Sheekh ayaa Muqdisho yimid kadib markii uu magaalada Mekelle ee dalka Ethiopia kaga qeybgaley xuska 40 guuradii ka soo wareegtey markii ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) uu bilaabey dhaqdhaqaaqii milateri ee isbeddel doonka siyaasadeed. Ururka TPLF ayaa ka tirsan isbahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Ethiopia.

Febraayo 20, 2015: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal qoraal ah ka heley Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron.

Dhambaalkaas oo ku saabsanaa taageeraada Britain iyo beesha caalamka u hayso Soomaaliya, ayaa waxaa madaxweynaha soo gaarsiiyey Danjiraha UK u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan.

Ra’’iisul Cameron ayaa warqaddiisa ku xusey in Britain ay weli ka go’an tahay in Soomaaliya gacan laga siiyo xaqiijiinta Hiigsiga 2016.

Febraayo 21-22, 2015: Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Djibouti Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah baaq nabadeed iyo in colaadda la joojiyo u jeediyey maamulka , odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee gobolka Hiiraan.

Labada madaxweyne ayaa baaqan jeediyey mar ay booqasho gaaban ku tageen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

February 22, 2015: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa biladda ugu sareysa dalka guddoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Febraayo 24, 2015: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Boqortooyada Netherlands ee arrimaha Soomaaliya Joost Reintjes, Kulankaasi ayaa looga wadahadley xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

Maarso 12, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furey Shirkadda Caymiska ee Takaful Afrika, laanteeda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn hambalyo u direy ganacsatada iyo mas’uuliyintii suuragelisey in shirkaddan ay ka hawlgasho Soomaaliya.

March 14, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku kala diray Golaha Adegga Garsoorka, ka dib qodobo dhowr ah oo wareegtada lagu xusay.

Xeerkaan kala dirista Golaha Adegga Garsoorka ayaan saameyn ku yeelandoonin gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka iyo sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in si deg deg ah kusoo dhameystiraan Dhismaha Golaha Adegga Garsoorka.

March 14, 2015: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kula kulmey Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha iyo maalgashiga Masar.

March 18, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey danjiraha cusub ee Boqortooyada Norway u fadhin doona Soomaalya Mr. Victor Conrad Rønneberg.

Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga mahadceliyey talaabada ay danjirahan cusub ugu soo magacawdey Soomaaliya , oo uu sheegay inay sii xoojin doonto xiriirka labada dal.

March 24, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay maalintaas magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay uga bilaabatey booqasho uu ku dardargelinayo qorshaha maamul u sameynta gobollada dhexe.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ka qeyb ka ah dhaqangelinta Hiigsiga 2016, oo qodobada ugu muhiimsan ay ka mid yihiin dhameystirka dhismaha dowlad goboleedyada.

March 29,   2015: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.

Kulankaasi ayaa looga hadley xaaladda siyaasaddda iyo amniga ee Soomaaliya, gaar ahaan Hiigsiga 2016, dagaalka looga soo horjeedo kooxaha argagixisada, xoojinta ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qodobo kale.
April 8, 2015 – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Dhuusa Marreeb ee Gobolka Galguduud.

April 11, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daah furey toddobaadka dhir beerista qaranka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Abriil 14, 2015: Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa socdaal shaqo ku tagay magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud isaga oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole.

April 16, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa furay Shirka maamul u sameynta Galmudug.

April 18, 2015: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaarey magaalada Aqaba ee dalka Boqortooyada Urdun, halkaas oo uu kaga qeybgalay shir madaxeed caalami ah oo ku saabsan iskaashiga dhinaca amniga.

Shirkan oo ay isugu yomaadeen madaxda qaar ka mid ah waddamada Afrika iyo kuwa Carabta, ayaa lagu gorfeeyay  qaababka ugu habboon ee degdegga ah, ee dalalkan isaga kaashan karaan sugidda ammaankooda iyo kan caalamka

April 23, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Istanbul, madaxda caalamka qaarkood kala qeybgaley xuska sannadguuradii 100-aad ee ka soo wareegtey dagaalkii Turkiga, waagii Boqortooyada Cusmaaniyiinta uu la galey quwadihii ka soo horjeeday dagaalkii 1aad ee Dunida.

April 30, 2015: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland uga furey shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

May 5, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry, oo booqasho rasmi ah oo maalin ah ku yimid Soomaaliya.

Madaxweynaha oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare, Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa Mudane Kerry uga warbixiyey xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga, Hiigsiga 2016, dhismaha iyo isku dhafka ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kuwo kale.

May 7, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah magaalada Kismaayo uga daah-furey baarlamanka cusub ee Maamulka Ku Meel Gaarka ee Jubba.

Khudbad qiimo leh oo uu ka jeediyey munaasabadda daah-furka ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka hadley muhimadda dib u heshiisiinta iyo in horey loo sii wado geeddi socodka nabadda.

May 9, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  waxaa lagu hor dhaariyay Taliyeyaasha cusub ee Ciidamada Booliska iyo Asluubta Jen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Jen Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada.

Taliyeyaasha ayaa waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf.

May 09, 2015 : Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan guusha Xisbiga Conservative uu ka soo hoyey doorashada Britain u direy Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr David Cameron.

May 10, 2015: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaflad quraac ah xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay danjireyaasha waddamada Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa danjireyaasha uga warbixiyey xaaladda siyaadeed ee dalka, qorshaha dhismaha iyo isku dhafka ciidammada, adeegyada bulshada, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

May 12, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey xarun cusub oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya.

Dugsigan cusub oo ay maalgeliyeen, gacantana ay ku haysey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu tababarayaa dhalinyaro laga soo qorey dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

 

May 17, 2015: Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay  in dowladda  Soomaaliya ay ka go’an tahay  daryeelka  iyo wax u qabashada  dadka Nafadda ah,dhowaana xafiiska madaxwaynaha uu qaadan doono  shakhsi naafo ah kaas oo kala talindoono madaxwaynaha Arrimaha dadka baah-hidda gaarka  qaba.

May 18, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hormuudyadda Jamaacadaha dalka gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Madaxweynaha oo kulanka ugu yeeray madaxda Jaamacadaha ayaa marka hore uga mahad-celiyey , ugana warbixiyey xaaladda guud ee dalka, ka dibna ka codsaday inay tallooyin ka siiyaan xaaladda dalka gaar ahaan Amniga, Xasilinta Siyaasadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha dalka.

May  29, 2015: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Nigeria Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedraalka Nigeria Mudane Muhammadu Buhari.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xirriirka labada dal iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu warbixin ka siiyey dhiggiisa xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

June 2, 2015: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaamiyeyaasha caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweyne Jamhuriyadda Sudan, Mudane Cumar Xasan Axmed Al Bashiir oo dib loo soo doortey.
June, 4,  2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjire Tina Kaidanow oo ah Xiriiriyaha Hawlgallada la Dagaallanka Argagixisada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka.

Madaxweynaha oo kulankaasi ay ku wehliyeen Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye, iyo mas’uuliyiin kale ayaa Danjire Kaidanow uga waramey xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya

June 7,  2015: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabiley Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyo wafdi uu horkacayo oo  booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

June 16,  2015: Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa  dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 25-aad ee Midowga Afrika oo lagu qabtey magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika.

Shir Madaxeedka oo socdey muddo laba maalmood ah (14 ilaa 15 June, 2015), ayaa gabagabadiisa waxay hoggaamiyeyaasha isku raaceen dardargelinta ajendaha 2063 ee horumarinta haweenka, xal u raadinta xasaradaha ka aloosan qaaradda sida dagaalka Koonfuurta Suudaan, xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Burundi, arrimaha la dagaalanka argagixisada, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.

June 18,  2015: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaaney Wasaaradda Waxbarashada hirgelinta imtixaanka mideysan ee shahaaddada dugsiga sare oo si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo habsami u socodka imtixaankaasi maanta ku tegey dugsiga Yaasiin Cusmaan oo ka mid ah goobaha imtixankaasi uu ka dhacayo.

June  21, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu horkacayey Xoghayaha Guud ee ururka Mudane Maxbuub Macallin.

June 23,  2015: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah xarunta madaxtooyada kula yeeshay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Philippe Lazzarini, oo waqtigii uu ka hawlgalayey dalka uu dhammaadey, isagoo ku amaanay shaqadii uu qabtay.

June 24, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka cusub ee loo sameynayo gobollada dhexe, kaas oo lagu dhaariyey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha baarlamankan cusub ay ka tarjumeyso horumarka laga sameynayo dhinaca hirgelinta nidaamka federaalka ee uu waddanku qaatey.

July 12, 2015: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax dhigay xaruntii Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ku burburtay dagaalladii sokeeye.

Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa horay u ahayd hoygii qoristii Af Soomaaliga, cilmi baarista dhinaca dhaqanka, hiddaha iyo kaydinta dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliya.

July 14, 2015: Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Sweden, Kjell Stefan Löfvén oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa Shirweynaha 3aad ee Maalgelinta Barnaamijyada Horumarinta Caalamiga.

July 15, 2015: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo qeybgaley u Shirkii 3aad ee Caalamiga ee Maalgelinta Horumarinta oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

July 20, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga, Danjiraha cusub ee Boqortooyada UK (United Kingdom) wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Ms Harriet Mathews.

July 24, 2015: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud kaga soo qeybgaley munaasabadda caleema saarka madaxda maamulka cusub ee KMG ee Galmudug.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole, ayaa khudbad uu ka jeediyay xafladda caleema saarka diiradda ku saarey sida dowladda ay uga go’an tahay dhaqangelinta nidaamka xukunka lagu baahinayo, si shacabka ay u helaan adeeg hufan oo baahidooda daboolaya.

July 24, 2015: Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabiley Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna Sii-Hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Britain, Grant Shapps oo booqasho laba maalmood ah waddanka ku yimid iyagoo ka wada hadlay xaaladda labada dal.

July 27, 2015: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu socdaal laba maalmood ah ku tegey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay magaalada Kismaayo waxaa uu si rasmi ah u daah furey hawlgelinta ciidammo gaaraya 1350, kuwaas oo hoos imaanaya saldhigga 43-aad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, qeybna ka ah wejiga koowaad ee barnaamijka qaran ee isku dhafka ciidammada.

August 25, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay danjireyaasha dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo danjireyaasha ayaa ka wadahadley xaaladaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta doorka Jaamacadda Carabta ee dib u dhiska Soomaaliya.

August 29, 2015: Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaarey magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaa oo ay uga bilaabatey booqasho rasmi ah.

September 6, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu soo dhameystey booqasho uu ku tagey dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole (Golaha Wasiirrada iyo Baarlamanka Federaalka), iyo mas’uuliyiin kale ayaa intii uu joogay Talyaaniga waxaa uu wadahadalo la yeeshay Madaxweynaha Talyaaniga, Sergio Mattarella, Wasiirka Gaashaandhigga Roberta Pinotti, qaar ka mid ah madaxda shirkadaha ganacsiga Talyaaniga iyo mas’uuliyiin kale.

September 13,  2015: Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi u horkacayo ayaa ku soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Kismaayo kaga soo qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

October 22, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in la horumariyo adeegyada ay bixiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dhowaan dib u hawlgashey dagaalladii sokeeye kadib.

Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay maanta, mar uu booqdey xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho

October 26, 2015: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho saddex maalmood ah ugu ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka isagoo ka qeyb galay Shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaa uu dalka dib ugu soo laabtay October 1-deeda.

October 5,  2015: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark uga wakiilka ah Soomaaliya Ms. Mette Knudsen.

October 24, 2015: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Amb. Franciscus Albercht Makken.

October 28, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degey magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India, halkaas oo uu kaga qeybgaleen Shir Madaxeedka Waddamada Afrika iyo India ee iskaashiga dhaqaalaha.

Shirkan waxaa ka qeybgaleen  dhammaann 54-ka dal ee qaaradda Afrika ay ka kooban tahay, waxaana diiradda lagu saaray kobcinta fursadaha maalgashi ee Afrika iyo India, iskaashi dhaqaale oo labada dhinac dhex mara iyo dhiirigelinta ganacsiga iyo shaqa abuurka.

October 29, 2015: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New Delhi kula kulmey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda India Narendra Modi.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa diiradda lagu saarey dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India, iyo in la bilaabo iskaashi dhinacyo badan oo labada dhinac ay ka faa’ideysan karaan.

November 12, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 4-aad Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America.

Madaxweynaha ayaa shirkaasi khudbad ka jeediyay, kadibna kulamo la qaatey qaar ka mid ah madaxdii ka qeybgashey shirka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga.

November 14, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Jamhuriyadda India wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, HE. Ms Suchitra Durai.

November 26, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway, Mr Kjell Magne Bondevik, oo haatan ah madaxa hay’adda loo yaqaano Oslo Centre for Peace and Human Rights.

December 1, 2015: Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Boqortooyada Thailand iyo Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqonaya Soomaaliya.

Waxaa uu ugu horeyn, Madaxweynaha warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Thailand, Mr Prasittiporn Wetprasit.

December 3, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan degdeg ah kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo kala hadlayey dagaalka ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa danjireyaashaasi uga waramey xaaladda ka taagan Gaalkacyo, isagoo sheegay inuu dhowr jeer maanta khadka telefonka kula hadley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, Cabdiweli Maxamed Gaas iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, dhammaantoodna ay u caddeeyeen inay rajo ka qabaan in degdeg dagaalka loo joojiyo.

December 4, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Johannesburg.

December 5, 2015: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankii gaarka ahaa ee uu magaalada Johannesburg kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Dadka ee Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hoggaamiyaha Shiinaha uu ballanqaadey inuu mashaariic badan oo dhinaha dhaqaalaha ka fulinayo guud ahaan Soomaaliya, isla markaana la labanlaabayo iskaashiga labada dal, isagoo dalka dib ugu soo laabtay maalintii xigtay.

December 7, 2015: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, David H. Kaeuper.

Madaxweynaha ayaa danjiraha uga warbixiyey horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Danjire Kaeuper, ayaa isna dhinaciisa soo dhoweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wadatashiyada dhinaca siyaasadda ee dalka ka socda ee ku qotoma arrimaha Hiigsiga 2016-ka.

December 7, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Xarunta Keydka Dhexe ee Shidaalka oo ay hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed

December 8, 2015: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu xoo xiray aqoon is-weydaarsi muddo saddex maalmood ah socday, oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, kaas oo looga hadlayey mashaariicda horumarinta ee barnaamijka Cahdiga Cusub (New Deal).

Hadal uu ka jeediyay munaasabad casho sharaf ah oo shirkaasi lagu soo gabagabeynayay oo ka dhacdey xarunta gobolka Banaadir, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay dib uga soo kabaneyso burburkii iyo colaaddii muddada dheer jiray, haatanna loo baahan yahay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta.

December 8, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay Shir loogu diyaar-garoobayo Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga bisha February ee sannadka 2016-ka.

December 9,  2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir laba maalmod socon doona oo ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo muhimadda ay leedahay in si hufan loo dhiso hay’adaha, isla xisaabtanna uu jiro, arinkaas oo uu sheegay inay sal u tahay in dhidibada loo taago hannaan dowladeed oo mustaqbalka waxtar u leh Soomaaliya.

December 15, 2015: Xasan Sheekh ayaa soo xiray Shirka Madaxasha Wada Xaajoodka Nooca doorashada Baarlamaanka 2016-ka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa gabagabdii shirka akhriyay War Murtiyeed ka kooban ilaa 7 qodob, Waxaa ugu Muhiimsanaa in doorashada Baarlamaanka noqon doono 4.5 iyo Deegaan isku dhex jira oo lagu dooran doono labada aqal ee Baarlamaanka, waxaa kaloo lagu balalamay in doorashada go’aan rasmi ah laga gaaro shirka Kismaayo ka dhacaya January 2016-ka.

December 17, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Madaxweynaha iyo Wakiilka ayaa ka wadahadley hawlaha AMISOM ee Soomaaliya, guulaha la gaarey , caqabadaha u baahan in laga gudbo iyo in la xoojiyo xiriirka iyo wax wada qabsiga ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

December 23, 2015: Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaflad lagu sagootinayey N.Key ayaa sheegay in Key uu geesi yahay, una bareeray Khatarka Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in intii uu ninka wakiilka u ahaa AMISOM iyo UNSOM uu wax badan ka qabtay howlo badan oo dalkan hor u markiisa ah.

December 31, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorkii wanaagsanaan ee uu dalka ka geystey Mr Nicholas Kay, Wakiilkii waqtigiisa dhammaaday ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca qaranka Soomaaliyeed, waxaan Mr Kay uga mahad celinayaa hawshii uu dalka ka qabtey muddadii labadii sanno iyo barka ahayd. Waxaa isagoo aan marna ka daalin uu dadaal badan geliyay nabadda iyo xasiloonida, isagoo dusha kala socday hawlihii Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka waddey, isla markaana xil weyn iska saaray in dadaalka beesha caalamka uu noqdo mid si wacan la isugu dubbariday. Waxaan ku bogaadinaynaa kaalintiisa, inagoo aqoonsan, kuna ammaanayna dadaalka uu geliyay Soomaaliya iyo shacabkeeda’’.

Goobjoog News