U bood dhigaalka

 Sooyaalka Xarakada Al-shabaab ee Marka

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa maanta dib u qabsatay degmada Marka kadib markii ay si kedis ah uga baxeen ciidanka AMISOM oo halkaas ku sugnaa in ka badan 3 sano.

Al-shabaab ayaa horay uga talinayey Marka in ka badan 4 sano, xiligaas oo xarakada ay dagaalo kula jirtay dowladda federaalka iyo AMISOM, dagaaladaas ayaa ka socday caasimadda Muqdisgo, waxaana markii dambe u suuro-gashay dowladda iyo AMISOM in ay qabsadaan Marka 2012-kii.

Maanta ayey dib u qabsatay Al-shabaab Marka, lama oga sababta AMISOM uga baxeen Magaalada, lakin taasi waxaa ay xoojineysaa kooxdan ka soo horjeeda dowladda.

Sooyaalka Xarakada Al-shabaab iyo Marka:

November 2008: Al-shabaab ayaa magaalada Marka waxaa ay gacanta ku dhigtay markii ugu horeysay November 2008, iyagoo ka talinayey ilaa 2012

August 27, 2012: Degmada Marka ayaa gacanta u gashay AMISOM, Magaalada Marka oo 110KM koonfur ka xigta caasimadda Muqdisho ayaa waxa gacanta ku hayay al-Shabaab ilaa November ee sanadkii 2008dii.

AMISOM wixii maalintaas ka dambeeyay waxaa ay dilal ku bilowday dadka deegaanka, mana sameysan xiriir fiican oo kala dhaxeeyay dadka deegaanka Marka iyo guud ahaan shabeelada hoose.

February 5, 2016: Al-shabaab ayaa dib ula wareegtay Marka kadib markii ay ka baxeen AMISOM, la oga sababta.

Goobjoog News