U bood dhigaalka

Sooyaalka Xukuumadda Cumar Cabdirashid Sharma’arke oo Sanad Jirsatay

Sheeko:Dalka

February 5, 2015: waa maalintii lagu dhawaaqay xukuumadda Cumar Cabdirashid, sanad ayaa laga joogaa maalintaas, su’aalo badan ayaa laga keenay waxqabadka xukuumadda Cumar Cabdirashid, wasaaradaha shaqeeyay iyo kuwa magac u yaalka ah, guulo iyo guul-darooyin ayaa jiray.

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa waxqabadka xukuumadda Cumar Cabdirashid sanadkii ay dhisneyd, kadibna adinka ayaa xukmin doona natiijada ka soo baxda.

December 17, 2014: Madaxweynaha Soomaaliya oo Ku Dhawaaqay In Cumar Cabdirishiid u Magacaabay Ra’isulwasaaraha Federaalka Soomaaliya.

Janaayo 16, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Coloow Barroow ku-simihii Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib xanuun hayey muddooyinkii u danbeeyay.

January 19, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

February 5, 2015: Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cali Nuur, ayaa saxaafadda u akhriyay digreeto kasoo baxday Ra’iisul Wasaaraha oo lagu magacaabay xubnaha cusub ee golaha Wasiirada Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

February 8, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay bangiyada dalka Mareykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay ku xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka. Waxana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay adeegga Xawaaladaha oo ay lacago usoo marsiiyaan eheladooda ku nool dibadda.

Muqdisho, 9 Feb, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad Bare,

February 11, 2015: Munaasabadda casho sharafta ah ee uu Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke u sameeyey Xildhibaannada Golaha Shacabka oo aheyd mid qaban qaabadeeda si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, inta badan mudaneyaasha Baarlamaanka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo marti sharaf kale.

February 24, 2015: Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa kula kulmay xafiiskiisa danjiraha Turkiga ee Somalia, Olgan Bekar, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale iyo ciidan.

February 25, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan Soomaaliya ambassador Dayib Doubad Robleh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga  dhinacyada badan leh ee labada dal u dhaxeeya.

February 25, 2015: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa  Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China u qaabilsan Soomaaliya ambassador Wei Hongtian oo ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labda dal , iskaashiga , fulinta barnaamijyo horumarineed iyo dhaqan-gelinta heshiisyo labada dowadood hore u kala saxiixdeen .

March 2, 2015: Waxaa degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka difaaca dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini.

March 03, 2015: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Dowladda Qatar  ee Soomaaliya Injineer Xassan Bin Xamza Asad Maxammed oo ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh . Kulanka intii uu socday , ayaa waxaa la isku weydaarsaday aragtiyo muhiim u ah danaha wadaagga ah iyo qaabkii lagu xoojin lahaa .

March 3, 2015: Wasiirka Gaashaandhiga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal ku gaaray gobalka Gal-gaduud ayaa ka hadlay uljeedka socdaalkiisa isaga oo ka hadlay arimo badan oo dagaalka Guriceel ka mid ah. Wasiirka ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday dagaalka dhex maray ciidanka dowladda Federaalka iyo sidoo kale kuwa Ahlu-sunna Waljameeca, waxaana uu sheegay in shucuurtiisa ay is bedashay markii uu arkay ciidankii oo isku dhafnaa oo kala fadhiya iyo magaalada oo haawaneysa.

March 3, 2015: Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa magacaabay guddi ka kooban dhawr wasiir oo iyagu isku duba rida deeqaha caalamka, gaar ahaan barnaamijka hiigsiga cusub ee beesha caalamka lacagaha ugu yaboohdey Soomaaliya.

March, 03, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa shir gudoomiyey kulan looga arinsanayey dar dargalinta barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal) kaas oo soo bilowday bishii September 2013.

Shirkaan ayaa waxaa isugu yimid safiirada qaar ka mid deeq bixiyayaasha, Wakiilo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Agaasimaha u qaabilsan dowladda arrimaha New Deal-ka iyo La taliyayaasha Ra’iisul Wasaaraha.

March 05, 2015: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Alessandra Morelli oo ah Wakiilka hey’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya , oo ay ka wada hadleen kaalinta hey’adaasi ay ka qaadato arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Kenya , Ethiopia , Djibouti iyo Yemen .

Maarso 9,  2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kulan la qaatay Safiirka Dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta (UAE) Mohamed Al-Othman. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka Soomaaliya, isla markaasna Dowladda Imaaraadka ay u sii kordhin laheyd dadaalkeeda ku aadan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

March 9, 2015: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar  ayaa gaaray Magaalada Cairo ee caasimadda dalka Masar , si uu uga qeybgalo Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed oo beri oo Isniin ah ka furmi doona Xarunta Jaamacadda Carabta .

March 10, 2015: Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumada Federalka Soomaaliya oo ay wehilyan Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud Wasasaradda ay la yeeshay mas’uul ka socday hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Cuntadda iyo Beeraha ee FAO ayaa looga hadalay qodobo dhowr ah oo la xiriiray Arrimaha Kalluumasiga Soomaaliya.

March 15, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ayaa furay kulan ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada kaas oo socday  laba maalin, waxaana looga hadlay qorshaha mudnaanta koowaad u leh xukuumadda ee 100-ka maalmood soo socda.

March 17, 2015: Shirka  Golaha wasiirada labada maalin uga socday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayay Dar Dar galinta Howlaha horyaala Xukuumada Somalia iyo kor u qaadista Dadaalada Dowladu ku dooneyso in Dalka ay ku xasiliso.

March 17, 2015: kulan ay wada yeesheen Wasiirka Wasaaradda Xanaada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumada Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunada iyo Beeraha FAO ayaa waxaa uu ku saabsanaa sida ay wada shaqeyn joogto ah u wada yeelan lahaayeen Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Hay’adda FAO ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda iyo madaxda Hay’adda Cunada iyo Beeraha.

Mr Richard oo kamid ah mas’uuliyiinta hay’adda FAO ayaa dhankiisa sheegay in sanadkii tagay Soomaaliya guud ahaan ay dib u talaaleen 25.1 milyan oo Xoolo ah isla markaana ay hadda diyaar u yihiin in mashaariic kale ay Wasaaradda kaga gacn siiyaan arimaha quseeya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

March 19, 2015: .Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahana Wasiirka Cadaaladda mudane Cabdullahi Axmed Jamac (Ilka jir).

Ugu horayntii Wasiiirka Amniga ayaa sheegay iney dadaalo badan oo lagu sugayo amniga laga sameeyey caasimada, iyo gobolada dalka, waxaana iska kaashaday ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Wasiirka ayaa sheegay iney muhiim tahay wada shaqayn joogta oo ay yeeshaan hay’adaha dowlada iyo shacabka lagu sugi karo xal u helida arrimaha amnaanka.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada ayaa warbixin ka siiyey habka ay u shaqaynayaan gudiga Maamulka Hagida Maaliyada oo loo xil saaray dabagalka qandaraasayada ay dowladdu bixiso iyo waxyaalaha ay dowladdu soo iibsato.

Wasiirka ayaa sheegay in gudigu uu dib u eegis ku samaynayo qandaraasayadii horay loo galay kuwaas oo qaarkood la ogaaday ineysan dhamaystirnayn, dood dheer ka dib golaha ayaa si KMG ah u ansixiyey inuu shaqeeyo gudiga Maamulka Hagida Maaliyada, inta laga ansixinayo hindise sharciyeedka iibka qaranka oo horyaala baarlamaanka.

March 21, 2015: Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaminayo oo safar muddo saddex cisho qaatay ku tagay dalka Qatar ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Ra’iisul wasaraha dalka iyo wafdigiisa ayaa inti ku sugmayeen magalada Doha ee xarunta dalka Qatar , iyadoo Wasiiradii la socday waxaa ay heshiisyo wax tar u leh dalka iyo dadka Soomaliyeed ay lasoo galen Madaxda dowladda Qatar ,

Heshiistadaasi ayaa la xariiray dhinaca waxbarashada iyo duulista hawada . waxaana Soomaaliya u kala saxiixay Wasiiradda dulisya hawada iyo arrimaha dibadda.

March 26, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiiru dowlaha Amniga Gudaha Daa’uud C/kariin Cumar wuxuna sheegay amniga magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka uu yahay todobaadkan mid soo hagaagayay kadib markii la qaaday tallaabooyin lagu sugayo amniga Qaranka, wuxuna xusay in gacanta lagu soo dhigay Horjooge ka tirsan Kooxda Al-shabaab kaas oo howl-gallada Muqdisho u qaabilsanaa.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay Wasiirka Waxbarashada Marwo Khadro Bashiir Cali, waxana ay sheegtay in ay Wasaaraddu ku howlan tahay dadaallo ku aadan sidii dalka oo dhan looga qaadi lahaa Imtixaan mideysan, kaas oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Waxbarashada iyo daladaha ka jira dalka si looga gudbo wax walba caqabad ku noqon kara waxbarashada dalka.

Sidoo kale Shirka Golaha ayaa looga hadlay dib-u-habayn lagu sameeyo xerooyinka Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gobollada dalka, iyadoo loo xil saaray arrintaas guddi uu madax u yahay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdalla Xasan Cali in ay soo qiimeeyaan baahida ka jirta xerooyinka ay Ciidamaddu leeyihiin ee ku yaala qaar kamid ah gobollada dalka.

March 29, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, xildhibaano, iyo masuuliyiin dowladda ah ayaa ka qayb galay Jinaaso  loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aden Cade Marxuum Yusuf Ismacil Bari Bari, oo ku geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar ka dhacay hoteel Maka-Al-Mukarama.

April 2, 2015: Wasiirka Difaaca oo cabud waaq gaaray, Wasiirka ayaa halkaas u tagay arrimo la xiriira la tashiyo.

April 2, 2015:  Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa golaha uga warbixiyey dhibaatooyinka soo wajihi kara qaxootiga ku nool dalka Yeman, kadib markii dalkaas intiisa badan ay la wareegen kooxaha Xuutiyiinta, waxaana wasiirku sheegay in wasradu ay magacowday gudi ka soo talo bixiya sidii wax loogu qaban lahaa qaxootiga ku dhibaataysan dalkaas, iyadoo iskaashi lala yeelanayo hay’ada Qaxootiga Aduunka UNHCR.

Wasiirka ayaa sidoo kale golaha soo hordhigay tal soo jeedinta shan safiir oo cusub kuwaas oo goluhu dood dheer ka dib ay ansixiyeen in la magaacbo danjirayaal:

  1. Jamaal Xasan
    2. Jamaal Maxamed Barow
    3. Fadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya
    4. Khadiijo Maxamed Al-makhsuumi
    5. Daahir Maxamuud Geele

Dhanka kale oo golaha wasiiradu waxay isku raaceen in dib loo furo sadex safaaradood oo horay loo xiray , oo kala ah Jarmalka, Maleeshiya iyo Burundi. dib habayna lagu sameeyo safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Faransiiska.
April 4, 2015: SONNA oo dib loo furay, Wasaaradda Warfaafinta ayaa tilaabadaas qaaday.

 

April 06, 2015: Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo socdaal ku joogay degmada Caabud-waq ee gobolka Galgaduud ayaa  soo gaba-gabeeyay socdaalkiisii, kaddib markii uu kulamo diiradda lagu saarayay arrimaha maamul dhisidda gobollada dhexe uu la qaatay bulshada degmadaasa.

April, 06, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid xildhibaan Xuseen Maxamuud Muuse(Xuseen Baantuu) oo  ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

April 08, 2015: Wafdi uu hogaaminayo wasiirka qorsheeynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Cali (Caynte) ayaa gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo garoonka diyaaradaha ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland.

Aprili 9, 2015: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulan-koodii caadiga ahaa oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday horjoogayaal Al-shabaab ah, Sidoo kale waxaa abaalmarin lacageed oo gaaraysa $150,000 ilaa $100,000 qofkiiba la dul saaray madaxda kale ee Al-shabaab sida; Mahad Warsame Qalay (Mahad karate), Cali Maxamed Raage (Sh. Cali dheere), C/laahi Cabdi (Da’ud Suheyb), Maxamed Maxamuud Nuur (Suldan), Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto), Xasan Maxamed Cali (Afgooye), C/laahi Cismaan (Ismaaciil), Maxamed Cabdi Muuse (Haabiil), Maxamed Maxamuud (Dul-yadeyn Kunno), Yaasiin Cismaan (Kilwa) waxaa abaalmarintan qaadan doona cid walba oo sheegta meesha ay joogaan raggan ama suuragalisa in gacanta lagu dhigo.

April 11, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke ayaa daah furay shir wada xaajood oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah golihisa wasiirada iyo Wasiirada Puntland, shirkaan ayaa waxaa diirada lagu soo saaray dib u eegista heshiisyadii ay wada galeen Puntland iyo Dowlada Federaalka, Arrimaha Dastuurka, Gudiyada Madaxa banaan iyo shuruucda muhiimka u ah higsiga 2016.

 April 11, 2015: Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” iyo Ergo kale Oo Ka Qeybgalaysa Gogasha Maamul Usmaeynta Goboladda Dhexe Ayaa Gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb. 

April 12, 2015: Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa  khudbad ka jeediyay 55-sano guuradii kasoo wareegtay maalinta la aasaasay ciidamada xoogga dalka, isagoo sheeegay in ciidamada xooggu ay marxalado kala duwan soo mareen, loona baahan yahay in mar kale ay cagahooda isku taagaan.

April 12 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirshid Cali Sharmarke ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 55aad ee ka soo wareegtay asaaskii ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed u diraya Taliska guud ee Ciidanka, Hogaamada kala duwan, Abaanduulayaasha Ciidamadda, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada, Alifleyda iyo Dablayda Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed,

April, 17, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarek ayaa kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, waxayna ka wada hadleen xoojinta Xariirka ka dhexeeya labada dal.

April 19, 2015: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya General, C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa tababar usoo xiray saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah, waxana munaasabadda oo ka dhacday xerada Jazeera ka qeyb galay, Taliyaha Ciidamadda  XDS S/G Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) iyo saraakiil kale.

April 22, 2015: Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca Mudane Cabdalla Xuseen Cali, ayaa kormeer howlleed ku tagey xarunta Ciidamadda Badda Soomaaliya,

Wasiirka ayaa ugu horeyn booqday doomo ay leeyihiin Ciidamadda Badda, kuwaas oo door ka qaadan doona sugidda ammaanka xeebaha Soomaaliya.Taliyaha Ciidamada Badda Dowladda Federaalka Admiral Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka doomaha iyo sida ay u shaqeeyaan, isagoo xusay in ay mar dhow bilaabi doonaan shaqooyinkii loogu talagalay.

April 28, 2015:  Wasiirka gaashaandhigga Somalia Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u dhoofay dalka Kenya, halkaasoo uu uga qayb-galeen  shir looga hadlayo amniga, waxaana kusii sagootiyay garoonka Aaden Cadde saraakiil CXDS ka tirsan.

April 30, 2015: Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke,

May 7, 2015: Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Anisixiyay guddiyada madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Xuduudaha, kaddib kulan ay Muqdihso ku yeesheen.

Xubnaha golaha wasiirrada ay guddiyada ay ansixiyeen ka yeeshay dood in muddo ah socday, waxaana guddiyadan Hor-keenay golaha Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, waxay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddexda guddi ee maanta la horkeenay, kuwaasoo muhiim u ah in Higsiga 2016-ka ee Somalia.

May 8, 2015: Wasiirka Gashaadhigga ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii dalka Turkiga uu uga qeyb galay kulan xagga amaanka.

May 9, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid, oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa hortagay golaha Baarlamaanka si uu uga horjeediyo barnaamijka xukuumadiisa, isaga oo faah-faahin ka bixiyey qorshayaasha horyaala xukuumadiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in arrimaha amniga ay xukuumadiisa mudnaanta kowaad ugu jirto, wuxuuna xusay in xukuumaddu diyaarsay dadaalo wax looga qabanayo amniga, kaas oo ay iska-kaashanayaan shacabka iyo dowladda.

Sidoo kale, Ra’iiusl Wasaaraha ayaa sheegay in qabyo tirka Dastuurka uu ka mid yahay waajibaadyada ugu waaweyn ee horyaalla Xukuumadda iyo Golaha Shacabka.

Ugu danbayntii RW ayaa ka codsaday Golaha Shacabka iney dedajiyaan ansixinta shuruucda hortaala iyo gudiyada madaxa banaan oo xukuumaddu hada dhistay, si dalkaan loo gaarsiiyo iney ka dhacdo doorasho marka lagaaro Sept, 2016.

May 10, 2015: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen iyo Kuxigeenkiisa ayaa la kulmay Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Arrimaha Gudaha, iyagoo warbixin ka siiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha hor yaala Wasaaradda.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhismaha maamul goboleedyada, qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Kenya iyo Yemen iyo dooda ku saabsan darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya.

 May 10, 2015: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa xerada tababarka Ciidamadda ee Xero Agoon waxa uu kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Mohamed Cusmaan oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidoo kale tababarrada ay saraakiil ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabtu siinayaan Ciidamada Dawladda Soomaaliya.Wasiirka iyo safiirka ayaa isla soo hadal qaadey sidii Dowladda Imaaraadku ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca tababarada ciidamada iyo tayayntooda.

May 11, 2015: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Siyaasiyiint, Waxgaradka, aqoonyahannada, iyo dhammaan qeybaha bulshada ee deegaannada Gobolka Sh/Dhexe iyo Banaadir.

Guddiga Waxgaradka deegaanka ayaa ugu horeyn wasiirka uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo waqtigiisa qaaliga ah uu siiyay, waxaana Guddigan ay sheegeen in sababta ay ugu yimaadeen Wasiirka ay tahay inay warbixin ka siiyaan dadaalo ay waxgaradka deegaanka wadeen in muddo ah oo ku aadan sidii dadka deegaanka ay aayahooda uga tashan lahaayeen oo maamul Goboleedka Sh/Dhexe iyo Hiiraan uu u noqon lahaa mid dadka deegaanka ay ka wada qeybgalaan.

May 12, 2015: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan maxamed Xuseen oo gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa kulamo kala duwan la leh Guddiga Farsamada maamul u sameynta, odayaasha soo xulaya ergooyinka shirka ka qeyb galaya iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb.

May 12, 2015: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan maxamed Xuseen oo gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa kulamo kala duwan la leh Guddiga Farsamada maamul u sameynta, odayaasha soo xulaya ergooyinka shirka ka qeyb galaya iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Sida ay sheegayaan wararka Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Ceynte, waxaana kulamada ay ka wadaan Cadaado uu salka ku haya xalinta khilaafaadyada ka jira arrimaha socodsiinta shirka.

May 12, 2015: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan maxamed Xuseen oo gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa kulamo kala duwan la leh Guddiga Farsamada maamul u sameynta, odayaasha soo xulaya ergooyinka shirka ka qeyb galaya iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Sida ay sheegayaan wararka Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Ceynte, waxaana kulamada ay ka wadaan Cadaado uu salka ku haya xalinta khilaafaadyada ka jira arrimaha socodsiinta shirka.

May 13 215: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa kulan dar-daaran iyo dhiirgelin isugu jira la qaatay guddiga isku dhafka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay dhawaan magacowday Wasaaradda Gaashaandhigga, 

May 18 2015:  Wasiirka Gaashandhiga dawlada Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxa uu booqasho ku tegey magaalada Kismaayo xarunta maamul goboleedka Jubbaland.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Cabdullahi Sheekh Ismaacil “ Fartaag” iyo Xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Jubbaland waxaana intaas kadib loo galbiyay Xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo iyadoo halkaas uu ku qaabilay Madaxweyne Axmed Maxamed islaam “ Axmed Madoobe”.

May 21 2015: Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke,

May 24,  2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay xildhibaan Yusuf Dirir, kaas oo ka dhacay agagaarka Hotel Maka-Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

May 26, 2015: Munaasabadan oo ay wasaaradda  qorshaynta iyo  iskaashiga caalamiga xukuumadda Soomaliya ay ku soo bandigaysay natiijadda  sahanka  qiyaasta  tiradda   dadka Soomaaliyeed ee ku nool  xiligaanka 18  gobol ee Soomaaliya   ayaa lagu qabtay xarurta  tabarka  ciidanka  Booliska Soomaliyeed  Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Waxaana ka qayb galay Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka  wasiirka qorshaynta,wasiir  ku xigeenka wasaaradda ,xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Sahankaani  oo ay samaysay  wasaaradda qorshaynta  sanadka 2013-2014  aya lagu sheegay in qiyaasta dadka Soomaaliyeed in ay  yihiin  12.3 Milyan oo 51 % ay  yihiin  rag  halka  dhalinyaro   da’doodu ka hoosayso  35 sano ay  yihiin 75 %  tiradda dadka dalka  gudahiisa  ku barkacay  waxaa lagu sheegay 9 %, 26 % waa   reer miyi waxaa  xusid  mudan in  dadka  qiyaasta la sameeyey  aysan  ku jirin Soomaalida ku nool dalka  dibadiisa .

5 Gobol  ee ugu dadka  badan   ayaa kala  ah; 1: gobolka  Banaadir,2:gobolka Waqooyi Galbeed , 3: Shabeelaha  Hoose 4: Baay  iyo Tagdheer , halka  shanta  gobol ee  ugu dad yar ay kala yihiin; goboladda Sool,Jubadda Dhexe ,Bakool,Nugaal  iyo Jubda Hoose.

May 31, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa gaaray degmada Cadaado, halkaas oo uu ka socday shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowa, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Sh. Cali Diini, Wasiiro ku xigeeno, Wasiiru Dowlayaal ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb, Madaxweynaha Galmudug, Siyaasiyiin iyo Dadweyne kale.

June 2, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalak Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarek iyo wafti uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho kadib markii uu labo maalmood joogay Cadaado.

June 9, 2015: Wasiirka arrimaha gudaha ayaa munaasbad soo dhawayn ah loogu sameeyay Cadaado, taas oo ay ka qayb galeen ergada shirwaynaha, gudiga farsamada, wasiir dawlada madaxtooyada mudane Mahad Salaad, mas’uuliyiin ka tirsan Ximan iyo Xeeb, iyo marti sharaf kale.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim gudoomiyaha gudiga farsamada ayaa ugu horayn ka hadashay munaasabadaas, iyadoo sheegtay in hawlo badan u qabsoomeen gudiga, inta hartayna ay rajeynayaan in si hufan ay u qabtaan.

Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb C/llahi Cali Maxamed “Baarleex” ayaa isna sheegay in ka maamul ahaan ay xil wayn iska saarayaan amniga deegaanka iyo sidii shirkan ku guulaysan lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa sheegay in socdaalkiisu la xiriiro fududaynta howlaha Ergada iyo xulista xubnaha Baarlamanka maamulkan uu yeelanayo.

June 11, 2015: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana Shir Guddoominayey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jamac Ilka-jiir.

June 15, 2015: Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka hadlay munaasabad ka dhacday degmada Dhuusamareeb ayaa si kooban waxa uu u faah faahiyay uljeedka uu degmadaasi u tagay.

Wasiirka ayaa ugu horeyn sheegay in halkaasi ay u tageen Nabad iyo wadahadal, islamarkaana ay ka go’an tahay dowladda Federaalka in dadka ay isku soo dhaweyso.

 June 18,  2016: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo  yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa waxaa shir guddoominayey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda mudane Cabdullahi Axmed Jamac “Ilka Jiir” kulanka ayaa looga hadlay xisaab xirka 2014-ka, safar shaqo oo ay ku tagtay Wasiirada Haweenka dalka dibadiisa, ansixinta nidaamka xeerka garsoorka iyo arrimaha amniga.

June 26, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarka ayaa hambaylo ku aadan 26, Juun, 1960-kii oo ahayd maalintii ugu horaysay oo calan laga taago ciida Soomaalliya u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna si gooni ah ugu hambalyeeynayaa ciidamada qalabka sida, kuwaas oo u taagan ilaalinta xoriyadda iyo difaaca dalkooda.

July 13, 2015: R/Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa tagey magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, isagoo uga sii gudbay magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxana mudadii koobnayd ee uu jooga Cadaado la kulmay hoggaanka Maamulka KMG ah ee Galmudug.

July 18, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo booqasho ku joogay Puntland ayaa booqday Xarunta Jaamacadda Bariga Africa oo si KMG ah ay u dagan yihiin Qaxootiga Yemen ee isaga soo cararay dagaallada ka soconaya dalkooda, waxana uu halkaas kula hadlay boqolaal kamid ah qaxootiga, isagoo u sheegay dowladda Soomaaliya in ay gacan siin doonto dadka reer Yemen ee ka soo cararay dagaallada ka socda dalkooda.

July 19, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban labadda Gole ee dowladda, la-taliyayaal iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo safar dhanka dhulka ah uga soo ambabaxay magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa gaaray magaalooyinka Burtinle iyo Gaalkacyo.

July 21, 2015:  Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay kaliya maamullada ka dhisan dalka inay aqoonsan-tahay Puntland,halka maamullada kale ay yihiin kuwo kumeel gaar ah,sida waxaa sheegay wasiirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo ka hadlayay booqasho ay Puntland ku joogeen wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa soo hadalqaaday arrimo badan oo ay qayb ka yihiin dhismaha maamullada dalka.

“Maamullada dalka ka jira waa KMG,dowladda faderaalka kaliya maamulka Puntland ayay aqoonsan-tahay,”ayuu yiri wasiirka oo marka ka hadlayay dhismaha maamullada dalka.

July 25, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay dilkii  loo geystay Marxuum Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaas oo lagu dilay Dharkrnley., Muqdisho.

July 26, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerar ka dhacay  Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho,

July 29, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa khudbad ka jeediyey shirka heer wasiir ee Madasha Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka furmay magaalada Muqdisho, waxuna ka hadlay Ra’iisul Wasaaruhu qorshaha mudnaanta u leh dowladda ee la doonayo in dalka lagu gaarsiiyo sanadka 2016.

Mudane Cumar C/rashiid ayaa sheegay Dowladda Federaalka in ahmiyad iyo mudnaan gaar ah ay siineyso howlaha muhiimka ah ee sahlaya inaan horumarinta dalka, sida Dib u eegista, nidaamka Federaalka oo hadda guulo wax ku ool ah laga gaaray.

August 1, 2015: Wasiirka Dastuurka ayaa tagtay Jubbaland, waxaay ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay dastuurka qabyo qoraal ah ee Maamulka KMG ah ee Jubbaland oo ay ergo ka kala socotay Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ay meel mariyeen

August 6, 2015: Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte,

Golaha Wasiiradda ayaa ugu horeyntii waxay warbixinta amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga, waxana sidoo kale golaha warbixin siiyey Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay waxqabadka Ciidanka Booliska,

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale waxaa looga dooday soo gudbinta Wasaaradda Caddaaladda ay soo gudbisay magacyada labada xubnood ee musharaxiinta Golaha Adeegga Garsoorka, waxana dood kadib wadajir u ansixiyay Golaha Wasiirada.

Sidoo kale Wasiiru Dawlaha Bii’ada Mudane Burci Maxamed Xamza ayaa Golaha talo usoo jeediyey mamnuucidda in dalka lasoo geliyo bacaha lagu adeegto kuwaasoo dhib weyn ku haya bii’ada, bulshada iyo bilicda magaalooyinka dalkana ay wax u dhimayso, wuxuuna kaloo wasiiru dowluhu sharaxay dhibaatooyinka wasaqda elektroonigga iyo sida ugu haboon oo loo maarayn karo wasakhda noocyadeeda kala duwan, ha-noqoto tan Isbitaalada ama Elektroonigga. Sharcigan haddii la ansixiyo wuxuu door ka qaadan doono sidii dalka looga ciribtiri lahaa isticmaalka bacaha oo dhibaatooyin kala duwan leh.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Caynte ayaa isaguna ka hadlay Hanaanka samaynta Qorshe Qaran, wuxuuna soo gudbiyey habraaca sameynta qorshe qaran sanadka 2017 – 2019. isagoo sheegay in dalku uu galayo waji horumarin sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in dalku yeesho Qorshe Qaran oo haga horumarinta dalka.

August  09, 2015:  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa  Degmada Baydhaba ee Gobolka Bay ka furay shir lagu soo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

C/raxmaan Odawaa iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Baydhabo halkaasoo si diirran loogu soo dhaweeyay, iyadoo Shirka uu Maanta furay la sheegay inuu socon doono muddo 30-maalmood ah.

August 13, 2015: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulan-koodii caadiga ahaa oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

Goluhu wuxuu dareen ka muujiyey dhaq-dhaqaaqa qaar kamid ah xubnaha Golaha Baarlamaanka ee ku howlan in ay mooshin ka keenaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya.

August 20.2015: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, ayaa sharaxaad dheer ka siiyay golaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka iyo guulaha ay rabto inay gaarto dowladda Federaalka sanada 2016, waxa uuna soo bandhigay jadwal waqtiyeysan ee howsha dib u eegista Dastuurka kaasoo lagu soo ansixiyay shirkii madasha heerka sare ee wadahadalka Muqidsho.

Dhanka Kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa magacaabay ergeyga gaarka ah ee Xaquuqda caruurta iyo Tahriibayaasha, waxaana loo magacaabay Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, waxayna magacaabistani ka dambeysay kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu tixgeliyay baahida loo qabo xoojinta iyo horum

August 27.2015: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Sidoo kale, Drs. Khadra ayaa xustay in dowladda Masar ay ka codsatay in lagu wareejiyo Iskoolka 15-ka May iyo iskoolka Sheekh Xasan Barsame, iyaga oo balan qaaday inay ku sameynayaan dayactir heer sare ah isla markaana ay ardada Soomaaliyeed wax ugu bari doonaan si lacag la’aan ah.

Sidoo kale, Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka Sahro Cali Samatar ayaa golaha u soo gudbisay hindise qaran oo ku aadan sidii loo baabi’in lahaa gudniinka fircooniga ah ee lagula koco gabadhaha, kaasoo aanan ku banaaneyn diinta islaamka, dhibaatooyin fara badana u geysta gabadhaha Soomaaliyeed.

Dood dheer iyo falan qeyn kadib, golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in la helo qorshe qaran oo laga dhaqan geliyo dalka oo dhan, kaasoo lagu baabi’ina

September 1,2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ayaa qaabilay wafdi ka socday dowladda Mareykanka taasoo ay hogaamineysay Katie Wheelbarger oo ah Agaasinka Siyaasada ee aqalka sare wakiilada, arrimaha adeega Ciidamada.

Kulanka ayaa waxaa ku wehlinayay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirkiisa Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, waxaana looga hadlay arrimo khuseeya amniga dalka, gaar ahaana qorshaha ay dowladdu wado ee isku dhafka Ciidamada dowladda, iyo tababaristooda.

September 1, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey weerar lagu qaaday  xero ay deganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM, kuna taala degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose.

September 3, 2015: Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo jeediyay magacaabid taliyaha ciidanka xoogga dalka waxaana dood dheer kadib, goluhu ay isla ogolaadeen magacaabista taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo loo magacaabay Janaral Maxamed Aadan Axmad.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, soo jeediyay in loo dalacsiiyo Taliyaha cusub ee C.X.D. Mudane Maxamed Aadan Axmad darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqsitakhasus weyn u leh howlaha Ciidamada, ugana soobaxay kulliyado kala duwan oo dalka dibeddiisa ah.

Taliyaha cusub ee ciidanka C.X.D Janaral Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Muskow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isaga oo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye qeybta Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60-naad Baydhabo, taliyaha qeybta 21-naad ee Dhuusamareeb.

Dhanka kale, Hanti dhowraha Qaranka Mudane Dr. Nuur Faarax ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay howlaha Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka, taasoo ku saabsaneyn arrimaha Baarista, hubinta iyo illaalinta Hantida Qaranka, guurto iyo maguurtaba. Waxaana xafiiska Hanti dhowrku uu ka codsaday xukuumada inay ku garab siiso gudashada waajibaadkiisa shaqo, si loo dhowro Hantida Qaranka, looguna dhaqmo si waafaqsan sharciga.

September 4, 2015: Raisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke wuxuu 4ta Sebtember 2015 u magacaabay Guddi Madax Banaan oo ka kooban 5 qof inay baaritaan iyo hubin ku sameeyaan eedaymaha ay Kooxda la Socodka Soomaaliya & Eriteriya ee Qaramada Midoobay u soo jeediyeen Wasaaradda Batroolka & Macdanta.

September 17, 2015: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Maxamed Cumar Carte.

Ugu horeyntii golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiirka Amniga gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed kaasoo ku aadanaa horumarada amniga iyo howlgalada ka socda qeybo ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka, isaga oo tilmaamay in ciidanka Qaranku ay guulo ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Bay, halkaasoo laga saaray unugyo ka tirsan kooxaha nabad diidka ah oo ku sugnaa.

Wasiirka Isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim ayaa Golaha Wasiirada warbixin dheer ka siiyay shirkii Maalgashiga ee ka dhacay dalka isutaga Imaaraadka Carabta shirkaasoo lagu gorfeeyey fursadaha maalgashiga ee dalka Soomaaliya iyo dhinacyada ugu muhiimsan ee haatan laga taageeri karo, waxaana uu xusay in dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Isgaarsiinta iyo kheyraadka dabiiciga ah ay ahaayeen qodobada sida weyn looga dooday.

September 21, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wakiilka Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta nabadda adduunka, taasoo sanadkaan halku dhegeedu ahaa “Aan ku midowno Nabadda”.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madaxda maamul goboleedyada dalka, gaar ahaana madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Maxamed Madoobe.

September 27, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho, ayaa baaq nabadeed u diray kaasoo ku aadan joojinta colaada ka aloosan deegaanada Qorilay, Magaclay iyo dhulka Howdka oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Sool. waxaana uu u jeediyey beelaha walaalaha ee dirirtu dhexmartay inay joojiyaan colaada isla markaana ka shaqeeyaan sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dadka walaalaha ah ee deegaanadaas ku wada dhaqan.

October 1, 2015: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdullaahi Jaamac Il-ka-jiir, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ansixinta sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, Ansixinta dhismaha Hay’adda wax ka qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa (SEMA).

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, waxayna sidoo kale isla kulankoodan ku ansixiyeen dhismaha hay’adda wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa (SEMA).

Ugu dambeyntiina golaha Wasiirada ayaa meel mariyay xeer nidaamiyaha hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha ka howlgala ee ka shaqeeya howlaha Miinada iyo Walxaha Qarxa.

October 8, 2015: Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Siyaasada Dowladda ee Naafada Qaranka, qorshe ku aadan horumarinta dalxiiska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska iyo qodobo kale.

October 12, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose taasoo lagu maamuusayay 61 sano guuradii ka soo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed.

October 15.2015: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan qodobada looga hadlay ay ka mid ahaayeen, qaab Siyaasadeedka Caafimaadka iyo Dawada iyo Soo jeedinta Wadahadaladii Xalinta Qodobada ku xusnaa Mooshinka.

October 22, 2015: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna kusimaha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyadoo kulankan looga hadlayay qodobo ay ka mid ahaayeen Xeer Nidaamiyaha Maamulka lacagta ee Ciidanka Xoogga dalka, warbixin la xiriirta Fatahaadaha iyo roobabka “EL ÑINO”.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo gudbiyay Xeer Nidaamiyaha Maamulka Lacagta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Iyadoo lagama maarmaan ay noqotay in dib u habeyn lagu sameeyo qaabka loo maamulo miisaaniyadda loo qoondeeyo ciidanka X.D.S, ayaa Wasiirka Gaashiggu soo gudbiyay Qabyo qoraalka Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta ee C.X.D.S, waxaana sharaxaad ka bixiyay taliyaha C.X.D.S. S/G Maxamed Aadan Axmad, isaga oo sheegay in Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta la sameeyey April 12, 1960-kii, iyada oo dib u habeyn lagu sameeyey mar labaad 1977-dii, waxana uu xusay in hadii la dhaqangeliyo Nidaamkani uu yahay mid hufan oo horseedi kara isbedel iyo la xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyay nuqulka Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta, waxaana dib looga doodi doonaa kulanka dambe ee golaha Wasiirada, si go’aan looga gaaro.

October 29, 2015: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin soo gudbin Miisaaniyad sanadeedka 2016, iyo xog uruurin ay soo sameeyeen xubno ka tirsan guddigii loo xil saaray gurmadka Fatahaadaha laga cabsi qabo iyo roobabka El Niño.

November 8, 2015: Allaha u naxariistee waxaa  lagu aasay qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo lagu dilay Muqdisho.

Waxana aaska Marxuumka ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo xubno ka tirsan labada golle ee dawladda, Siyaasiyiin iyo dad weyne kale oo kamid ahaayeen ehellada Marxuumka.

November 9, 2015: Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Dawladda Sweden oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, saraakiil sare sare oo ka socotay G7+ oo ah madal ay ku mideysan yihiin dalalka deeq-bixiyeyaasha Barnaamijka Hiigsiga cusub, waxaana kulankan sidoo kale ku wehliyay R.wasaare kuxigeenka Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka iyo Wasiiru dawle-yaasha Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibedda.

November 10, 2015: Bankiga adduunka ayaa bogaadiyay isla markaana ammaanay horumarka iyo hufnaanta Nidaamka maaliyaddeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib kulan ballaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka, waxaana sidoo kale kulanka joogay khubaro iyo saraakiil sare sare oo ka socotay Bankiga adduunka (World Bank).

November 12, 2015: Golaha Wasiriida ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carte, waxaana lagu ansixiyay heshiis u dhexeeya Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga oo ku saabsan iskaashi dhanka Caafimaadka ee labada dal.

November 16, 2015: Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayaa ku sugan magaalada Garowe su uu wax uga ogaado shirka lagu gorfeynayo nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka sanadka soo socdo.

Wafdiga wasiirka waxaa kamid ah wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in safarka wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya uu la xiriiro shirarka ka furmayo lix degmo oo ku taala deegaanada Puntland, iyo sidii loosoo ururin lahaa aragtida shacabka Puntland ee doorashada sanadka soo socda.

November 19, 2015: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cumar Carte, iyada oo goluhu isku raacay in dib loo furo Safaaradihii Soomaaliya ee bishii Luuliyo 2014 Golahihii Wasiiradii ee Xukuumadii hore isku raaceen in la xiro.

Golaha Wasiiradda ayaa dood dheer kadib isku raacay in dib loo furo Safaaradihii Soomaaliya ee horey loo xirey , iyadoo Goluhu sheegay in safaaradaha xiran baahi weyn ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed ee dalalkaasi dagan.

“Goluhu wuxuu ka noqday go’aankii ay gaartay Xukuumaddu 26kii bishii Luuliyo 2014 oo dhigayay in la dhimo safaaradaha dalkeenu ku leeyahay Caalamka. Hadaba, markii aan aragnay baahi badan oo dadkeenu u qabaan xirnaanshaha safaaradda waxaan isla garanay in sharcigaas dib u eegis lagu sameeyo isla markaana la furo safaaradihii xirnaa” ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka Mudane Maxmaed Cumar Carte.

November 23, 2016: Digreeto ayaa kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Waxaana Dikreetadan ku xusan isbadal kooban iyo xilka-qaadis lagu sameeyey qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Digreetadan ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xarbi Cali Kullane.

Waxaa xilka qaadistan iyo magacaabida lagu sameeyey qaar kamid Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya aqbalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Laga qaadey Mudane Cabdiraxman Cabdi Cusmaan, waxaana xilkaas loo magacaabey Mudane Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

Sidokale, Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha laga qaadey Mudane, Maxamed Xasan Aaden (Shaahiyow) waxaana xilkaas loo magacaabey Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha.

November 19, 2015: Raisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke wuxuu 4ta Sebtember 2015 u magacaabay Guddi Madax Banaan oo ka kooban 5 qof inay baaritaan iyo hubin ku sameeyaan eedaymaha ay Kooxda la Socodka Soomaaliya & Eriteriya ee Qaramada Midoobay u soo jeediyeen Wasaaradda Batroolka & Macdanta.

Kooxda La Socodka Soomaaliya & Eriteriya waxa ay ku sheegeen warbixintooda in Wasaaradda si qaldan u maamushay heshiiska tayeynta shaqaalaha (Capacity Building Agreement) ee ay la gashay shirkadda SOMA Oil & Gas, bishii Abriil 2014.
Hadaba Guddiga Madaxa bannaan ee Raisulwasaaruhu magacaabay waxaa loo xilsaaray inay sameeyaan baaritaan la xiriira eedaynta isla markaasna ay soo saaraan warbixin ku saleysan wixii ay kala kulmaan baarista iyo soona sameeyaan talo bixin.

Hadaba Guddigu waxa uu sameeyay baaris qoto dheer oo ay qeyb ka aheyd inay wareystaan dadkii laga shaqaaleysiiyay heshiiska mashruuca tayeynta wasaaradda, waxayna soo saareen warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa dhammaan wixii ay la kulmeen.

Guddiga waxa ay warbixintooda ku sheegeen in marka laga hadlayo arimaha shidaalka in ay caadi tahay in shirkadaha caalamiga bixiyaan taakuleyn tayeynta shaqaalaha. Guddigu ma helin wax caddeynaya in Wasaaraddu ay wax kaga baddelatay shirkadda SOMA O&G heshiiska tayeynta sida ay sheegeen Kooxda la Socodka Soomaaliya & Eriteriya.

Intaa waxaa sii dheer inay Guddigu ogaadeen in Wasaaradda si wanaagsan oo daacadnimo leh u dalbatay mashruuca tayeynta iyadoo aysan jirin wax naas-nuujin ah oo la siiyey shirkadda SOMA O&G.

Ujeedada Wasaaraddu waxay ahayd inay u hesho lacag si ay u hesho khubaro kuhabboon oo ka shaqeeya howlaha muhiimka ah ama u sii haysato khubaradii horey ugu joogay.

Sidoo kale Guddiga ma helin wax cadaynaya in Wasaaraddu dib u eegis ku sameysay Heshiiska Wadaaga Soosaarka (Production Sharing Agreement) ayada loogu naxaarisanayo SOMA, Wasaaradda hadda ayay wadaa diyaarinta Heshiiska Wadaaga Soosaarka iyo shuruucda kale ee hagaysa shidaalka.

November 26,2015: Shirkii Todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayey Ra’iisal Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte waxaa looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen xaaladda amniga dalka.

December 1, 2015. Wasaarada Caafimaadka iyo Guddiga SCAC ayaa Xusay Maalinta AIDS-ka Adduunka. Wasiirka wasiirada caafimaadka Somalia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa u mahad-celisay intii isku soo dubaridday munaasabaddaan, gaar ahaan waxay u mahad-celisey guddiga SCAC oo ay sheegtay inay qabteen hawl muhiim ah. Wasiirka ayaa sheegtey in  Koonfurta iyo Bartamaha dalka Somalia ay ku noolyihiin  dad kor u dhaafaya 15,000 oo qof, oo la nool xanuunka AIDS-ka, dadka daawada qaaata ayaa sheegtey in ay gaarayaan 600-qof, sidoo kale waxa ay xustey in loo baahanyahay wacyi gelin waxa ay sheegtey in  dowladda Somalia ay ka  go’antahay wax u qabato dadka la nool xannuunka AIDS-ka.

December 1, 2015. Wasiirka Macdanta iyo Badroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa  kaga qeyb galay dalka Kenya seminar lagu baranayey sida loga faaiidaysan karo kheyraadka dalka, gaar ahaan batroolka, wasiirka ayaa sheegey in Wasaaraddu Kormeer ku samaysay Khayraadka dalka gaar ahaan batroolka ayuu sheegey in uu aad u badanyahay islamarkaana loo baahanyahay in laga faa’ideysto.

December 1, 2015. Wafdi uu hogaminya raysal wasaaraha oo gaarey galkacyo ayaa ku guulaystey in ay xabad joojin dhex dhigaan galmidug iyo puntlad oo ku dagaalamay magaaladaas, RW Sharma’arke ayaa sheegay inay ka go’an tahay in magaalada Gaalkacyo nabad lagu soo dabaalo, isagoo xusay inay fulinta dhismaha guddiga maamullada dalka ka jira iyo dowladda Somalia ee xiisaddan lagu dhameynayo ay billaabayaan marka labada dhinac ay si wadajira ah ugu dhawaaqaan baaq nabadeed.

Waxaana la isku raacay afar qodob oo kala Ah:

 

  • in la dhaqangaliyo Xabad joojin rasmi ah,
  • in ciidamada is horfadhiya la kala qaado,
  • in dadkii barakacay fursad loo siiyo inay dib u soo laabtaan iyo
  • In la dhiso guddi wadahadal.

December 2, 2015. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa EE Dowlada federaalka Soomaaliya MUdane SiCiid oo boqasho ku tagey dalka  Sudan  ayaa la kulmey dhigiisa dalkaasi waxa uuna  warbixina  ka siiyeen habka ay u shaqeyso  Wasaardda wuxuuna Wasiirku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go,antahay in ay iskaashi dhinac walbo quseeyo ay la sameeyaan  Dowladda Suudaan oo ka mid ah Dowladaha gabar istaag buuxda u muujiyay  Soomaaliya   Wasiirka ayaa  lagu soo Wareejiyay dhamaan Qaybaha  Wasaardda Beeraha iyo Macdanta Dowladda Suudaan.

December 2, 2015. Wasiirka cusub ee wasaaradda Korontada iyo biyaha mudane Maxamed Mursal Sheekh C/rxmaan ayaa xilka kala wareegey wasiirkii hore ee wasaaradda Maxamed Xasan Aadan Shaahiyow. 

December 3, 2015: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa  yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxayna ka hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, heshiiskii Gaalkacyo, dib u soo laabashada colaada Gaalkacyo, howlaha Wasaarada howlaha Guud iyo guriyeynta.

December 3, 2015. Wasiiru Dowlaha Maaliyadda C/llahi Maxamed Nuur oo u matalayey Soomaaliya  shir looga hadlayo maalgashiga qaaradda afrika oo ka dhacay London  ayaa ka sheegey Kulanka in ay soomaaliya iyo caalamkaba ay muhiim utahay maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya.

December 3, 2015. Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha qoyska ayaa tababar u soo xirtey Shaqaalaha wasaaradda,   tababarka waxa uu ku saabsanaa  Bad-baadinta Carruurta iyo ka Hortagga Xadgudubyada ku salaysan Jinsiga .

December 3, 2015. Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa soo qabanqaabisey Xaflad lagu xusayay maalinta naafadda adduunka oo ka dhacdey Magaalada Mogadishu. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee XukuumadDa Soomaaliya mudane Luqmaan Xaaji Ismaaciil ayaa sheegay in Wasaaraddu muhiimad siineyso Waaxda Naafada u qaabilsan Wasaaradda, waxaana uu tilmaamay in sharciga naafada loo gudbin doono golaha Wasiirada. 

December 3, 2015. Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo ka  qeyb galay shir looga hadlayo maalgashiga qaaradda afrika oo ka dhacay London ayaa sheegey fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira, sida Xoolaha beeraha kaluumeysiga  iyo waxyaabaha kale ee uu dalka hodanka ku yahay. Waxa uu tilmaamay in ka qeyb galayaasha shirka in ay u riyaaqeen fursadaha Soomaaliya ka jira.  

December 4, 2015. Wasiirka Maaliyadda ayaa xarunta dhexe ee ilaalinnta canshyuurha tababar uga furay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, qeybta Canshuuraha Barriga iyo Laanta ilaalada Canshuuraha ee Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed.

December 5, 2015. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Cabdalla Xuseen Cali, Abaanduulaha Ciidanka xoogga iyo saraakiil kale ayaa  kulan la qaatay saraakiil ka socday  Midowga Yurub, waxayna iska xog wareysteen howlaha ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed iyo halka ay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

December 6, 2015. Wasaarada Qorshaynta ayaa soo bandhigtey qorshaha Horumarinta qaranka ee Nabadda iyo Dowlad dhissidda ee loo yaqaan PSG 4 & 5.

December 6, 2015. Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) Ayaa sheegey in ay hirgashey Xabadjoojintii Gaalkacyo , waxa uu sidoo kale sheegey in lagu gulaysey kla qaadista ciidamadoii ku dagaalamey Magaalada Gaalkacyo.

December 6, 2015. R/wasaaraha oo ka qeyb galay marti qaad uu u sameeyay Sheekh Maxamed “Baardheere”.

December 06, 2015:  Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa shaaciyay inay si rasmi uga dhaqan-gashay degmada Gaalkacyo xabad-joojinta, ciidamadii is-hor-fadhiyayna la kala qaaday.

Odawaa ayaa wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in xaaladda Gaalkacyo ay degen tahay, isla markaana dadweynihii horay uga ka barakacay ay billaabeen inay dib ugu soo laabtaan.“Xaalada Gaalkacyo aad ayay u degen tahay, kaddib dadaal la sameeyay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, balse markii heshiiska lagu kala saxiixay waxaa ka dhacay dhibaatooyin aan badnayn, laakiin waxaa lagu guuleystay in la xalliyo, labada maamulna waxay ballan-qaadeen inay heshiiska nabadeed adkeynayaan,” ayuu wasiirku ku yiri wareysigiisa.

Sidoo kale, wasiir Odawaa ayaa intaa ku daray in wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayna ka mid ahaayeen – isaga iyo wasiirka cadaaladda ay kormeereen goobihii lagu dagaalamay, xaaladooduna ay ahayd mid deggen, isagoo xusay in sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada laga shaqeynayay saacadihii lasoo dhaafay.

December 7, 2015. Wasiirka kalluumaysiga dowladda federalka Maxamed Cumar Ceymooy ayaa ballanqaaday in kalluumaysatada ka jillaabta wabiyada Mara Soomaaliya inay siin doonaan agab casri ah. Wasiirka ayaa sheegay in qalabkani oo wasaaradda ay kalluumaysatadaasi siin doonto bisha Febaraayo ee sanadka 2016-ka ayaa wuxuu sheegay in wax badan uu ka saacidi doono. Kalluumaysatada Soomaalida ayaa inta badan caqabado kala duwan la kulma inta ay ku guda jiraan howlahooda kalluumaysi

December 7, 2015. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” iyo wafdi wasiiro iyo xildhibaano ah oo booqdey hoyga allaha u naxariistee weriye Hindiya oo ku geeriyootey Magaalada Mogadishu.Wasiirka ayaa xusay in Dowladda ay la socdon doonto caruurtan oo waalidkoodu ay u dhinteen.

December 7, 2015. Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa sheegay in Guullo la taabankaro ay ku soo afmeermeen dhammaan Kullamo Iyo Shirar Muhiim u ah Howlaha ay Wasaaraddu Ka wado sidii lagu Horumarin lahaa taasi oo ku aadan Kheyraadka Dalka oo uu kula soo qaatay Talyaaniga Iyo Nairobi madax ka tirsan hey’adaha Caalamiga ah sida Hey’adda Cunada Aduunka Ee FAO.

December 7, 2015. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa Dowlad Goboleedka Puntland ku wareejisay deeq dawo ah oo ay dowladda Dhexe ka heshay boqortooyada Sacuudiga, taas oo loo qeybinayay muddooyinkii dambe maamul-goboleedyada.

 

December 8, 2015. Wasaaradda arimaha dibadda ayaa deeq gaadiid ah kala wareegtey Dowladda Korea, Gaadiidkan ayaa Wasaaraddu u adeegsan doontaa martida shisheeye ee dalka soo booqata, waxa ayna qeyb ka noqon doonaan  dadaalo balaaran oo Wasaaradda lagu qalabeyn doono, laguna tayeyn doono habsami u socodka shaqo iyo shaqaale.

 

December 9, 2015. Wasaaradda macdanta iyo Batroolka oo daah furtay  dhisme cusub oo wasaaradu ku shaqeyndoonto, Xarunta cusub ee Wasaaradda waxay u dhowdahay Barlamaankii hore ee Soomaaliya ee sanadihii 60-dameeyadii. Labadii sano ee la soo dhaafeey, Wasaaradda waxa ay ku shaqeyn jirtey dhismaha Wasaaradda Waxbarashada. Markii ugu horeysay muddo 25 sano, Wasaaradda waxa ay awoodii doontaa in ay hesho xarun ayada u gooni ah. Dhismahaan wuxuu ka koobnaan doona: qeebta sheebaradda, qeebta keydinta macluumadka iyo xafiisyada shaqaalaha oo dhan iyo howl wadayaasha.

December 10, 2015. Raisul wasaare ku xigeenka soomaaliya mudane Carte iyo wafdi uu hogaaminayoayaa kaga qeyb galaey daka swezerland shir looga hadlayo sidii loo xoojin lahaa Yabooha ama Deeqaha  la siiyo Dowladaha  u baahan taageerada beesha Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto .

December 10, 2015. Wasaaradda Haweenka iyo Xuquul insaanka Soomaaliya ayaa xustey Maalinta Xuquuqul insaanka Caalamka. Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la dhowro xuquuqda bani’aadmiga si ay u yaraato dhibaatooyinka ka dhasha dhowris la’aanta xuquuqul insaanka, waxeyna ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed in ay fahmaan muhiimada ay leedahay xuquuqul insaanka.

December 12, 2015. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Meel Mariye Sharciga Iibka Qaranka.

December 12, 2015. Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey, isla markaana rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada dhowaan uga furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Wal Jamaacah, wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaasi inay muujiyaan, dabacsanaan, isu dhega-nuglaan, Soomaalinimo.

December 13, 2015.  Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka furtey magaalada Mogadishu kulan ay ka soo qeyb galeen Shirkadaha Isgaarsiinta Iyo Warbaahinta Gaarka loo leeyahay loogana hadlayey Sharciyaynta isgaarsiinta iyo warbaahinta.

December 13, 2015.  Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Ayaa soo qabanqaabisey Kulan wadatashi ah oo looga hadlayay tayaynta garsoorka dalka iyo sidii bulshada ku nool gobollada dalka loo gaarsiin lahaa dhismaha Maxkamadda guur guurta (Mobile Court), ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Cadaalladda ee Maamul goboleedyada dalka ka jira, garsoorayaal maxkamadeed iyo xubno kale, iyadoo kulankan uu goob joog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka.

December 13, 2015.  Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Dhinayacdii Ku Heshiiyay Baladweyne Ugu Baaqay Fulinta Qodobadii Lagu Heshiiyay.

December 14, 2015.  Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Masar Magdy Abdel Ghaafar ayaa xafiiskiisa magaalada Qaahira ku qaabiley wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya ayagoo ka wada hadlay arimaha la dagaalanka argagaxisada.

 

 

December 14, 2015. Tababar ku saabsan Doorka ay ku leeyihiin Ururada Shaqaalaha waxkabadalka Dastuurka oo ay soo qabanqaabisey wasaaradda dastuurka ayaa lagu qabtey Magaalada Mogadishu. C/laahi Yuusuf Xasan Wasiir ku Xigeynka Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka Somaliya oo ka hadlay Tabarka u furamay Shaqaalaha Rayidka ayaa soo dhaweeyey in ay Muhiimtahay in Qof walbo oo Somali ah in uu fikir ku lahaada Dastuurka Qabyada ah,waxa uuna hoosta ka xariiqay in la soo dhaweenayo Fikradaha ka soo baxo Tababarkaani.

December 14, 2015. Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aden Ibrahim Farkeeti ay soo dhaweeyey ansixinta Sharciga Iibka Qaranka (procurement Bill) oo golaha Barlamanku anxisyeen, wuxuuna wasiirku ku tilmaamay talaabo horumar u keenaysa daafurnaanta iyo taaba galinta sharciyada asaaska u ah dalka.

December 14, 2015. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federalka, Md. C/llaahi Colaad Rooble ayaa ka hadlay Furitaanka Munaasabadda lagu baranayo Dhowrista Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna tilmaamay inay Xukuumadda taageersan tahay in laga hortago Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha. 

December 15, 2015. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Muuddeey Ayaa ka qeyb galey Shirka Wasiirada Shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta, kaas oo Ka dhacay Magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

December 15, 2015. Wasiirka Arrimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda Beledweyne.

December 16, 2015. Shirka madasha wada tashiga Heerka Qaranka ee geesi socdka doorashooyinka 2016-ka Soomaaliya oo muddo 4 cisho ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa la soo gabo gabeeyey waxaana laga soo saaray warmurtiyeenka ka kooban 7 qodob, isla markaana lagu cadaynayey in aysan jiro doonin mudo korarsi loo sameeyo hay’addaha dowladda, kuwaa oo waqtigoodu ku egyahay sanadka 2016ka bisha August.

December 16, 2015. Wasaaradda Caafimaadka oo dhagax dhigtey Dhismaha wasaarada caafimaadka.

December 16, 2015. Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Kaluumeysatada uga digay inay ku dhawaadan Dekeda iyo garoonka kadib markii ciidmada midowga afrika ay kala kulmeen rasaas sababtay qasaaro naf iyo maal.

December 18, 2015. Wasiirka Caafimaadka oo marti ku ahayd Barnamijka jumcaale ee goobjoog FM ayaa sheegtey in laga ciribtirey Dalka Cudarka dabaysh ee polio, haddana ay bilaabayaan ciribtirka cudurka jadeecadda, Sidoo kale wasiirka ayaa ka jawaabtey su’aalo Dhowr ah oo ay soo weydiiyeen Bulshada Soomaaliyeed.

December 18, 2015. Waxaa Magaalada Muqdishu Ka furmey Shirweymaha Qaran EE Dhalinyarada kaa oo ay soo qabanqaabisey wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Dowladda federalka Soomaaliya, waxaana furey Shirka Raysal wasaaraha Soomaliya Cumar Cabdirashid Cali sharmarke

December 18, 2015. WAsaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka ayaa ka qeyb gashey Shir ka dhacay dalka jabuuti kaas oo looga hadlayey Doorka ay haweenku ka qaadan karaan Ka hortagga Xagjirnimada. Wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Somalia, Muumina Sheekh oo iyadana uga mahad-celisay AMISOM iyo Ururka Midowga Afrika taageeradooda joogtada ah ee ay ku caawinayaan haweenka Soomaaliyeed.

December 19, 2015. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo xirey Shirweynaha Qaran Ee Dhalinyarsa oo mudda Laba Maalin Ah ka Socdey Magaalada Muqdisho, Shirkaa waxaa lagu soo bandhigey Siyasadda Dhalinyarada qaranka, waxaa shirka ka soo qeyb galey Dhalinyaro Ka kala socotey Dhammaan Gobolada dalka iyo Qurbaha, Sidoo kale waxa Shirka yimid madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan “Jawaari”.

December 19, 2015. Wasaaradda Gaashaan dhiga ayaa deeq qalab Ciidan ah Kala wareegtey Dowladda Ingiriiska.

December 19, 2015. Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka ayaa soo qabanqaabisey looga hadlayay ilaalinta xuquuda caruurta Soomaliyeed iyo daryelkooda kaa oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho. Wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in laga hortago dhibaatooyinka haysta caruurta Soomaaliyeed, waxaana hay’adaha nabad galyada ay ka dalbatay in ay kaalinta ugu horreysa ay ka qaataan arrintani.

December 21, 2015. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa shacabka gobollada  Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxa uu ugu baaqay inay kala shaqeeyaan dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale wasiirka ayaa ugu baaqey dadka reer hiiraan in laga soo gudbey in la dagaalamo, isla markaana loo baahanyahay in laga wada hadlo khilaafyada soo dhex gala dadka.

December 22, 2015. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku howlan tahay dhameystirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado in 90-cisho gudahood lagu dhiso.

December 23, 2015. Wasiir Odawaa oo ka mid ah wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha oo ku sugan magaalada Beledweyn ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada inay kala shaqeeyaan, sidii maamulka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan  dhidibada loogu aasi lahaa.

December 23, 2015. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa faah faahin ka bixisay qaabka loo marayo dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo ugu baaqday shacabka labada gobol inay isu tanaasulaan, kana shaqeeyaan nabadgelyada. Wasiir Odawaa ayaa sheegay in maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe loo mari doono qaabkii Galmudug loo maray.

December 23, 2015. Wasiirka qorsheynta qaranka Mudane Cabdiraxmaan Ceynte ayaa la kulmey wasiirrada qorsheynta ee Puntland, Jubbaland, Southwest iyo Galmudug, Waxaan isla gartay in wadatashiga heer shacab uu bisha socota soo afjarmi doono, bilaha xigana qoraalka Qorshaha Qaranka la guda gali doono.

December 23, 2015. Wasaarada Caafimaadka ayaa gaarsiisay qalab caafimaad oo kala gedisan maamulka gobolka Sh/dhexe, Deeqdaan oo ka timid gobolka Esbo ee dalka Finland ayaa ka koobneyd 58 sariirood iyo joodariaal iyo qalab kale oo caafimaad.

December 23, 2015. Wasiirka dastuurka ayaa ka qeybgaley kulan ay guddiga baarlamaanka u qaabilsan dastuurka ku wareejinayeen cutubyo ka tirsan  dastuurka  guddiga madaxabanan ee dib u eegista dastuurka dalka si ay dib u eegis ugu Sameeyaan, halka  guddiga madaxa banan  ee dastuurka ay  dhinacooda ay iyaguna ay Guddiga baarlamaanka u qaabilsan  la socodka  dastuurka y ku warejiyeen  3 cutub oo ay dib u eegis ku soo sameeyeen . Wasiirka dastuurka  ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamuud  Sheekh  Xuseen  oo kulan ka hadlay ayaa  sheegay in   cutubyadan dastuurka  ee ay gudiyaddu isku wareejiyeen  ay qayb  ka tahay  dar-dar galinta dib u eegista dastuurka  kKMG  ee Soomaaliya.

December 23, 2015. Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Shaqada ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan shaqaale Soomaliyeed oo Dhawaan shaqo u tagidoona dalalka Sacuudiga iyo Qadar   si ay uga faa’iidaystaan shaqooyinka ay qaban karaan ee yaalla dalalkaas.

December 23, 2015. Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa fasaxday Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa gaarka Maalinta Dhalashadii Nabigeena Muxamed NNKH, Ee Bisha Mowliid, waxaana loo aqoonsadey Maali Qaran.

December 23, 2015. Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay Xuska Munaasabadda Ciidda Kirismaska oo loo dabaaldago Bilowga Sanadwalba, Iyadoo ku amartay laamaha Ammaanka Dowladda inay ka hortagto isku Dayo lagu Abaabulayo Xuskaas

December 24, 2015. Golaha wasiirrada ayaa ansixiyay sharciga xanaanada xoolaha oo ay soo bandhigtay wasaaradda xanaanada xoolaha, kaasoo mudnaan gaar ah u leh xaanaaneynta xoolaha, iyo iib geyntoodaba.

December 24, 2015. Wasaaradda Warfaafinta oo la wareegtay dhismaha Wakaaladda Filimada Soomaaliya kadib markii laga saarey dadkii Deganaa Muddadii Dowlad la’aanta. 

December 27, 2015. R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xarigga ka jaray machadka horumarinta tamarta iyo biyaha kaasoo oo ay wasaaradda Korontada iyo Biyaha, ka hirgeliyay magaalada Muqdisho.

December 27, 2015. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Somaliya, marwo Khadra Bashiir Cali, ayaa waxay iclaamisay in la joojiyay diiwaangelinta Jaamacadaha cusub, illaa muddo aan cadayn.

December 27, 2015. Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u diska Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cismaan ayaa kormeer howled ku tegay xaruntii Wakaaladda Hindisaha Soomaaliya iyo xaruntii Wasaraarada Shaqada iyo Hormarinta arrimaha bulasha oo ay ka socdaan howlo dib loogu dhisayo ayaa  bulshada Soomaaliyeed ka codsaday inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud.

December 28, 2015. Wasaarada Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Somaliya ayaa heshiis la saxiixatay Shirkad ka shaqeysa la talinta dhanka Qaybsiga Kheyraadka. Heshiiskaan ay Dowladda Federalka Somaliya la gashay Shirkadda IMMMA Advocates, ayaa qaabilsan kala talinta sharciyada ku aadan Kheyraadka ama wax soo saar qeybsi u dhaxeeya Dowladda iyo Shirkadaha kale.

December 28, 2015. Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay. Magaalada Jowhar ayaa Marti gelinaysa shirka maamulka loogu dhisayo Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

December 28, 2015. C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliyaka warqabto Khilaafka Siyaasadeed ee ka jira Gobolka Bakool kaasi oo salka ku haayo dad wax ka tabanaya Maamulka Koonfur Galbeed.Wasaarada Wasiirka ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay dacwad la xiriirta Khilaafka taagan, waxaana uu sheegay madaxda Mamulka Koonfur Galbeed inay kala hadleen arintaasi.

December 28, 2015. Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Khadra bashiir ayaa sheegtey in uu sharciga waxbarashada dalka uu dhowaan ka bixi doono qabyo qoraalka, sharcigan ayaa wax badan ka tari doona waxbarashada dalka.

December 28, 2015. Machadka horumarinta tamarta iyo biyaha oo ay ka hirgeliyay magaalada Muqdisho Wasaaradda Tamarta iyo biyaha  ayaa waxaa xariga ka jaray raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte. Wasiirka wasaaradda Korontada iyo biyaha mudane Maxamed Mursal Sheekh C/rxmaan oo munaasabadda kahadlay ayaa sheegay in dhismaha Machadka ay hirgelisay wasaaradda Korontada iyo Biyaha, isagoo tilmaamay in Machada uu ahmiyad gaar ah u leeyahay ummadda Soomaaliyeed, lana gaarsiin doono dhamaan gobollada dalka.

 

 

December 28, 2015. Wasiirka A. Gudaha ayaa ka qeyb galay Baroordiiq loo sameeyay Wabar Axmed Wabar Cabdo oo ka dhacdey magaalada Mogadishu.

December 28, 2015. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Muuddeey ayaa dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii uu magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar uga qeyb galay shirka 35’  aad ee Wasiirada Shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta, waxaana la magacaabay guddi fulin oo ka kooban todobo dowladood oo ay Soomaaliya ku jirta.

December 28, 2015. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyey Hindise sharciyeedka xeerka saxaafadda oo ay soo diyaarisey wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

December 29, 2015. Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u diska Soomaaliya Eng. Saalax Sheekh Cusmaan oo ka warbixinayay go’aanada ka soo baxay shirka Jaamacadda Carabta oo lagu soo gababeeyey Qaahira ayaa sheegay in madaxda Jaamacadda Carabta isku waafaqday sidii la isaga taageeri lahaa dhinacyada ka hortagga dhulgariirka. 

December 29, 2015. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu furmi doono todobaadka soo socda, balse ay dib ka soo sheegayaan waqtiga uu furmayo, waxaana uu soo dhoweeyay sida loogu diyaar garoobay shirka.

 December 29, 2015. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudey ayaa sheegay in Tallaabo laga qaadi doono shaqsiyaadkaas dadka u sheegaya in ay hayaan fiisooyin ay ku Aadayaan waddamo Dowladda Soomaaliya u ballan qaaday in shaqo ay siindoonaan dadka Soomaaliyeed.

December 30, 2015. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo hawlgaladaan ka sameeyay Masjid ku yaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay hub isugu jira gantaalada Liddka Diyaaradaha iyo kuwa garabka laga gano kuwaas oo masjidkaasi lagu kaydsaday. C/risaaq Cumar Maxamed wasiirka aminga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amaaanay Ciidanka Booliska dadaalkooda geesinimada leh maaddaama ay ka hor tageen hubkaan oo dhibaato loogu gaysan lahaa Umadda Soomaaliyeed.

December 30, 2015. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Meel-mariyey Xisaab Xirka Miisaaniyadda  Sanadkii 2014-kii ee laga soo gudbay. 139 Xildhibaan ayaa Ogolaatay in la meelmariyo Xisaab xirka Sanadkii 2014, iyadoo 5 Mudane ay Diideen,halka ay ka aamuseen Labo Mudane.

December 30, 2015. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya “Maareeye” ayaa soo dhaweeyey Hindise sharciyeedka Xeerka saxaafadda oo ay ansixiyeen Baarlamaana, waxa uuna ku tilmaamay sharcigaan cusub ee Saxaafadda in uu fursad siindoono wariyayaasha Soomaaliyeed isla markaana uu sahli doono in si fudud ay Awood Ballaaran ugu yeeshaan qabsashada shaqadooda.

December 30, 2015. Wasiirka Arimaha Dibadda Abdisalam Hadliye Omar ayaa la kulmey Safiirka UAE u Fadhiya Soomaaliya, isagoo kala hadlay arimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo Dhiiri gelinta in maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya.Kulanka oo ka dhacay safaaradda UAE ee Muqdishu ayuu wasiirka waxa uu ku ammaaney taageerada UAE ay la garabtaagantahay SOomaaliya.

December 30, 2015. Wasaaradda Beeraha Dowladda Soomaaliya ayaa wadda kor u qaadista Dalagyada kala duwan ee dalka ka soo Go’a. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha wasaaradda Beeraha uu yahay in la Horumariyo tayada Beeralayda Soomaaliyeed dalagyada ay soo saartaan.

December 31, 2015. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya “Maareeye” ayaa sheegay in xaruntii wakaalada Filimada Soomaaliya laga dhigi doono machadka tababarka saxaafadda Soomaaliyeed isla markaana dhowaan dib loo dhisi doono.

December 31, 2015. Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay ku talagalka Miisanaiyadda Qaranka ee sanadka 2016-ka kaddib kulan ay mudanayaashu ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Maliyadda ee xukumadda Soomaaliya  oo hadalka ka jeediyey kulanka Barlanka ayaa  xusay in  anxisanta  misaniyadda dowladda ee Sanadka 2016-ka ay ku xiran tahay in Soomaaliya  laga cafiyo daymo lagu lahaa. 

December 31, 2015. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Koobaad iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa kormeeray kulan howleed magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uga soconaya guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan. 

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee dowladda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen oo ka hadlay goobta waxa uu aad u ammaanay shaqada ay wadajirka u wadaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga Madaxa banaan waxaana uu dhanka kale xusay in Wasaaraddana ay wadashaqeyn dhow la leedahay.

December 31, 2015. Kulankan xog isweydaarsiga ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo ka socday ururro ka jira dalka, kaasi oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa lahaa wada shaqeynta ka dhaxeyso Wasaaradda iyo ururrada haweenka ee dalka jira.

December 31, 2015.  Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Eng. Saalax ayaa sheegay in ay diyaariyaan nashqadihii magalada muqdisho bilicdeeda lagu soo celin lahaa.

Goobjoog News: Xogtan waa mid u gaar ah Goobjoog News, lama xigan karo.