U bood dhigaalka

Su’aasha Qarniga: Yaa Cunay Lacagtii Hiigsiga 2016-ka?!!

Sheeko:Qormooyin

Inta badan, Waxaa dadka dhagahooda ka batay Hiigsiga 2016-ka, Shirar ka dhacaya dalka dibaddiisa, Kulamo uu Madaxweyne Xasan la yeesho Madaxda maamul goboleedyada, lakin waxaa markii ugu horeysay halkan ka akhrin doontaa sida ay wax u jiraan? Waxaad ogaan doontaa Yaa isla leh Hiigsiga 2016-ka? sidee Hiigsiga ku yimid? Hiigsiga Ma fikrad mise Lacag?!  Beesha Caalamka miyaa wadato mise Soomaali?!

Hiigsiga 2016-ka:

Waxaa lagu sheegay“New Deal for Somalia” ama Hiigsiga 2016-da, Ujeedadiisu waxa ay aheyd labo arin:

  1. In indhaha Beesha caalamka lagu soo jeediyo Soomaaliya.
  2. in la helo lacag lagu maareeyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya.

Laga soo bilaabo 16 September 2013, Waxaa dalka dibadiisa ka dhacay Shirar Caalami ah oo Hiigsiga la xiriira sida: Shirkii Magaalaa Brussels ee dalka Biljimka September 2013, shirka dib u eegista Hiigsiga Cusub ee Copenhagen November 19, 2014.

Shirka Brussels waxaa Soomaaliya loogu yaboohay lacag dhan 1.8bn euros ($2.4bn; £1.5bn) , lacagtaasi oo inteeda badan loogu talogalay in lagu fuliyo mashaariic horumarineed sida caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha dowladeed sida dhismaha hey’adaha dowladda

Dhanka kale, Waxaa dalka gudahiisa ka dhacay shirar kale oo Dowladda Federaalka uu matalayo Madaxweyne Xasan Sheekh la yeelatay Madaxda Maamullada sida Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ay isku arkeen.

February 6, 2015: Waxaa magaalada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir ay yeesheen dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Puntland Cabdiweli Gaas, Jubbaland Axmed Modoobe iyo Koofur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aden.

Shirkaas oo socday sadex maalmood waxaa kasoo baxay heshiis 12 qodod ah oo ay ka mid ahaayeen in shir Garoowe ka dhaco.

Sabtidii  May 2, 2015, Waxaa magaalada Garowe lagu soo gabagabeeyay shirkii 2-aad ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ahaa sida Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, waxaa kasoo baxay heshiis is afgarad ilaa 7 qodob ka koobnaa.

Sida ku cad Sooyaalkan kooban ee Hiigsiga, Beesha caalamka waxaa ay leedahay Lacagta, Fikirka, Ajendaha iyo meerinta halka Soomaalida loo daayey fulinta iyo meel marinta arimaha Hiigsiga ku qoran sida dib u eegista Dastuurka iyo ansixintiisa, Sameynta guddiga doorashooyinka, wax ka qabashada arimaha garsoorka iyo arimaha Federaalka iyo Xuduudaha.

Hiigsiga 2016-ka waa waddadii lagu gaari lahaa doorashooyin xor ah in ay dalka ka dhacaan 2016-ka, Muhiim ma aha sida ay Soomaaliya xilligaas u muuqan doonto, Muhiim ma aha in dalka Ciidan la haado, Muhiim ma aha in dalka Lacag sameysto, Muhiim ma aha in Ciidamada shisheeye waqti loo qabto ka bixitaankooda Soomaaliya, Muhiim ma aha in Soomaaliya aayaheeda ka tashato!!

Hiigsiga 2016-ka: Sidan haddii xaalka ku socdo, Waxaa dhici doonta in 2016-ka doorashada kadib la keeno qorshe kale ama wax la mid ah Hiigsi, Waxaa badan doona cabashada maamul goboleedyada, Baahida Gobolada, Waxaa dhici doono dagaalo xagga xuduudaha ah, muran Kheyraadka ah, Waxaa loo baahan doonaa dhexdhexaadinta beesha Caalamka mar walba iyo meel walba, marka waa mashruuc aan dhamaad laheyn?!!

Hiigsiga 2016-ka: Waa Lacag badan iyo balanqaadyo afka ah, haddii aad weydiiso dowladda Federaalka ee Soomaaliya aaway Lacagtan 1.8bn euros ($2.4bn; £1.5bn) ?! waxay kuu sheegayaan in inta badan aanay soo gaarin Lacagtan?!! Sidaa darted looma baahna in aad sii weydiiso Lacagta Maxaa lagu qabtay?! Yaase Cunay Lacagtii Hiigsiga 2016-ka?!!

Abdi Aziz A. Gurbiye,