U bood dhigaalka

Sucuudiga: Hoos U Dhac Ballaaaran Oo Ku Yimid Macaashka ARAMCO.

Sheeko:Amniga

Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Sacuudiga “Aramco” ayaa shaaca ka qaaday in macaashka shirkadda sanadka 2020 uu hoos u dhacay 44%, sababo la xiriira hoos u dhaca qiimaha salliida ceyriinka iyo tirada la iibiyay, iyo hoos u dhaca ku yimid faa iidada wax soosaarka shidaalka.

 

Hoos udhacan ayaa ka dhashay cadaadiska dhanka dalabka saliidda ah oo ay sababtay xayiraadaha cudurka faafa ee Corona, halkaasna ayeyna faa’iidada saafiga ah ay hoos ugu dhacday 183.76 bilyan oo riyaalka Sacuudiga (qiyaastii 49 bilyan oo doolar) sanadkii dhamaaday bishii Diseembar 31 (2020), marka loo barbardhigo 330.69 bilyan oo riyaal oo udhiganta 88 bilyan oo doolar, sanadkii ka horeeyay ee2019kii, sida ay daabacday wakaallada “Reuters”.

 

Wakaaladda ayaa xustay in falanqeeyayaashu ay filayeen in macaashka saafiga ah ee Aramco uu hoos ugu dhici doono 186.1 bilyan oo riyaalka Sacuudiga sanadka 2020, marka loo eego qiyaasta celceliska madasha arimaha dhaqaalaha ee Refinitiv Eikon.