U bood dhigaalka

Sudan Oo Loo Dhaariyey Ra’iisul Wasaare Cusub, 28 Sano Kadib

Sheeko:Dalka

Bakri Xasan oo ah madaxweyne ku xigeenka wadanka Sudan ayaa markii ugu horreysay waxaa loo dhaariyey inuu noqdo ra’iisulwasaaraha waddankaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu u mahadceliyay madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir kaasi oo u magacaabay inuu noqodo ra’iisulwasaaraha Suudaan.

Bishii December ee sanadkii 2016-kii ayaa baarlamaanka waddanka Suudaan waxay ansixiyeen in isku shaadheen lagu sameeyo dastuurka wadankaasi uu keenay inay Suudaan yeelato ra’iisulwasaare, waana markii ugu horreysay oo ra’iisulwaare loo magacaabo waddankaasi tan iyo markii uu xilka uu qabtay madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir sanadkii 1989-kii.

Balse madaxweyne Bashiir ayaa marka uu qabaty xilka, kadib waxa uu meesha ka saaray jagada ra’iisul wasaaraha, waxa uuna xilka qabtay sanadkii 1989-kii isagoo waddanka ku qabsaday  af gambit Milatari.