U bood dhigaalka

Suldaan Beyle: “Cabdiweli Gaas Ayaa Ka Dambeeya Dagaalka Magaalada Gaalkacyo”

Sheeko:Dalka

Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad(Suldaan Beyle) oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay dagaallada iyo colaadda ka socota magaalada Gaalkacyo.

Suldaan Beyle ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dagaallada weli ka soconaya galbeedka magaalada Gaalkacyo kuwaasoo ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalladani iyo colaadda Gaalkacyo ee u dhaxeysa maamullada Galmudug iyo Puntland ayuu ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

“Colaadda Gaalkacyo waxaa abaabulaya waa Cabdiweli Gaas waxa weeye dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta waxaan ka digayaa in colaadda Gaalkacyo ay sii socoto waxaana leeyahay Gaasow jooji dagaalka” ayuu yiri Suldaan Cabdicasiis Beyle.

Suldaan Beyle ayaa sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay wada hadal balse dhanka kale ee Puntland ay diideen in la wada hadlo.

Wuxuu ku baaqay in dagaalka la joojiyo oo loo turo dadka shacabka ahi ee ku nool magaalada Gaalkacyo oo intooda badan isaga barakacay magaaladaasi.

Maanta oo ay u dambeysay duleedka galbeed ee Gaalkacyo waxaa ku dagaallamay ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Goobjoog News