U bood dhigaalka

Suldaan Cabdi Cali “DFS Haka Shaqeyso Midnimada K/galbeed” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Suldaan Cabdi Cali oo ka mid ah waxgaradka K/galbeed, gaar ahaan kasoo jeeda gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay iney ka shaqeyso midnimada shacabka K/galbeed.

Waxa uu sheegay in dowladda waxa kaliya laga doonayo ay tahay iney ka shaqeyso rabitaanka iyo danaha shacabka K/galbeed.

Dowladda ayuu ugu baaqay iney farogelinta ka deyso doorashada K/galbeed, islamarkaana wax walbo ay kor un kala socoto.

Shacabka ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose ayuu sheegay iney u baahan yihiin amni iyo sidoo kale iney si xornimo ah ku shaqeystaan, taasina lagu heli karo iyadoo DFS ay mashquulka ka deyso K/galbeed.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News