U bood dhigaalka

Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Ku Baaqay In Aan La Aqbalin Wasiiradii Shalay Is Casilay

Sheeko:Dalka

Suldaanka guud ee deegaanada Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda kasoo cusboonaatay maamulkooda, iyo sidoo kale is casilaadda wasiiradii shalay is casilay.

Waxa uu suldaanka ku baaqay in marnaba aanu madaxweyne Siilaanyo ka aqbalin is casilaadii shalay ku dhawaaqeen ku dhawaad 10 ka mid ah golaha wasiirada maamulkaasi.

“Madaxweynaha Somaliland waxaan leeyahay ha aqbalin is casilaadda wasiirada, ma ahan xilligaan in buuq iyo wax la mid ah yimaado, waana in shaqada ay u socotaa sidii loogu tala galay” ayuu yiri Suldaanka.

Dhinaca kale Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa mar uu soo hadal qaaday hadal uu Axmed Siilaanyo ka yiri wasiiradii is casilay waxa uu ku sheegay inaan ahayn mid xal keenaya in lasii kala fogaado mooyee.

“Madaxweynuhu hadalkii uu isna ku hadlay ma ahayn mid siyaasadeed, waxa uu ahaa go’aan, ma ahan inuu sidaasi u hadlo, waa ninkii dalka hogaaminayey, waxaana laga doonayaa in uu xalka ka shaqeeyo” ayuu suldaanka hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Khilaaf siyaasadeed xooggan ayaa ka taagan maamulka Somaliland, waxaana shalay is casilay ku dhawaad 10 wasiir oo xilal muhiim ah hayay.

Goobjoog News