U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Ka Socda Sudan

Sheeko:Dalka

Dalka Suudaan waxaa ka socda dibad-baxyo looga soo horjeedo sare u kaca ku yimid cuntada quuta daruuriga ah waxaana la xadidey sidoo kale rootiga.

Mas’uuliyiin iyo goob joogayaal ayaa waxay sheegeen in dibad-baxyadaan uu ku dhintay hal arday waxayna ka dhaceen gobollada Daafuur iyo Neylu Arsaq halkaasi oo uu ka jiro muran u dhaxeeya dowladda iyo kooxaha Fallaagada ah.

Sidoo kale magaalada Khartuum waxaa ka dhacay dibad-baxyo ay sameynayaan ardeyda dhigadda xarumaha waxbarasho waxayna booliska adeegsanayaan gaaska indhaha ka ilmasiiyo.

Dabd-baxyo la mida kuwaan waxay ka dhaceen Suudaan 2016 markii uu qaaliyoobay shidaalka,waxayna madaxda ka hortageen joojinta banaanbaxa iyaga oo ka baqayey inuu soo laabto dabd-baxii dhiigga uu ku taaday ee dhacay 2013.