U bood dhigaalka

Suudaan Oo Lacag U Daabaceysa Soomaaliya, Kana Caawin-doonta Dhismaha Militariga, Booliiska Iyo Sir-doonka

Sheeko:Dalka

Madaxweyaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa sheegay arbacadii in uu dalkiisa uu diyaar u yahay dhismaha  ciidamada xoogga dalka  Soomaaliyeed, kuwa booliska iyo laamaha sirdoonka, waxaa kale oo ay gacan ka geysan-doonaan arrimaha kaabayaasha dhaqaale.

Hadalka madaxweyne Al-bashiir ayaa yimid fadhi si wadajir ah uu ula qaatay dhigiisa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo kaasi oo ka dhacay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Al-bashiir ayaa intaasi waxaa uu ku daray in dalkiisa uu aqbalay codsi uga yimid Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in lacag loo daabaco, taasi oo lagu daabici doono makiinadaha lagu daabaco lacagta Suudaan.

Madaxweynaha Suudaan waxaa uu tilmaamay in shirkadda daabacaadda lacagta Suudaan ay haysato qalabyadii ugu dambeeyay oo lagama maarmaanka u ahaa in lacag lagu daabaco, taasi oo ilaalineyso nabadgelyada iyo tayada lacagta.

Al-bashiir ayaa ugu baaqay dowladaha geeska Afrika inay aas-aasaan isbaheysi dhaqaale, kaasi oo isku xiro wax soosaarka dhaqaale ee dowladaha geeska Afrika, kana shaqeeya xaqiijinta, kobaca, dhaqaalah, ganacsiga iyo arimaha bulshada ee geeska Afrika.

Dowladaha geeska Afrika ayaa waxay ka koobanyihiin lix wadan kuwaas oo kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Kenya,Ugandha, Itoobiya iyo Eritrea sidoo kale wadamadaan ayaa waxaa loo yaqaanaa wadamada bariga Afrika.

Al-bashiir oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “ Waxaan rajeynayaa dhawaan inaan kulano anagoo ah hogaamiyayaasha dowladaha geeska Afrika, si aan u sheegno aas-aasidda isbaheysi dhaqaale oo ay yeelanayaan dowladaha geeska Afrika,Suudaan ayaa marti galineysa kulankaani kaasi oo aan fileyno inuu kulmiyo dhammaan dowladaha geeska Afrika”.

Dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Suudaan ay garab istaagtay Soomaaliya, intii ay ku jirtay dhibaatooyinka sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intaasi ku daray in ka badan 6 kun oo arday Soomaali ah ay wax ka bartaan jaamacadaha kala duwan ee Suuddan, balse hadda uu u baahanyahy deeq waxbarasho oo dheeri ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gaaray shalay magaalada Khartuum ee caasimadda Suudaan,waxaa uuna ku joogi doonaa booqasho qaadaneyso labo maalmood,taasi oo lagu gorfeyn doono arrimo dhowr ah oo ay wadaagaan labada dal.

April,2016, Soomaaliya iyo Suudaan waxay saxiixdeen heshiisyo dhowr ah kuwaas oo ku qotoma dhinacyada Amniga,ganacsiga,waxbarashada iyo caafimaadka.

Goobjoog News