U bood dhigaalka

Suudaan: Waxaa La Fashiliyey Isku Day Lagu Doonayey In Si Sharci Darro Ah Lagu Galiyo Chad 85 KGM Oo Dahab Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay inay fashilisay isku day lagu doonayey in lagu tahriibiyo 85 KGM oo dahab ah kaasi oo laga soo saaray galbeedka gobolka Daafuur lana doonayey in si sharci darro ah loo geeyo dalka Chad.

Afhayeen u hadlay ciidamada Suudaan oo lagu magacaabo, Korneyl Cabdiraxmaan  ayaa sheegay inay u suurto gashay inay gacanta ku dhigaan labo ka mida dadkii doonayey in si sharci darro ah dahabka ku tahriibiyaan sidaasna waxaa uu u sheegay wakaaladda wararka Sana ee Suudaan ka soo baxda.

Corneylka oo sii hadlay ayaa sheegay inay nabad gelyo tahay xaduudka u dhaxeeya dalalka Suudaan iyo Chad ayna deganyihiin xaaladaha amni.

Ilaa iyo hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan mugga uu dhan yahay dahabka la doonayey in loo tahriibiyo dalka Chad,balse wasaaradda Macdanta Suudaan ayaa sheegtay warbixin ay soo saartay sanadkii 2016 ayna uga hadleysay waxsoo-saarka dahabkeeda ayaa waxay sheegtay inay soo saarto 28.9 tan waana Namber aad u yar marka la fiiriyo waxsoo-saarka guud .

Waxsoo-saarka dahabka ee Suudaan ayaa gaaray 2017, ku dhawaad 105 tn,bishii November ee tagtay, ayuu sheegay bankiga Suudaan, in la xayiray iibsiga dahabka iyo dhoofintiisaba,balse dib ayuu uga laabtay go’aankaas oo waxaa loo ogolaaday shrikadaha ka shaqeeya macdanta inay soo saaraan dibadda wadankana ay u dhoofiyaan.

Tan iyo markii Suudaanta Koofureed ay ka go’day suudaanta kale shidaalka Suudaan waxaa uu ahaa %75, dahabka ayaa noqday isha dhaqaale ee ugu weyn gudaha dalka.