U bood dhigaalka

Suuq La’aanta Ganacsiga Xoolaha Nool Ee Galmudug Oo Saameysay Ganacsigii Guud Ee Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Ganacsiga ee maamulka Galmudug ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaq la’aanta ganacsiga xoolaha nool uu xilligaan saameyn xoogan ku yeeshay habsami socodkii ganacsiga guud ee Suuqyada Galmudug.

Wasiirka Wasaaraddaasi Cabduladhiif Cabdullaahi Warsame oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in maalmahan dambe aanu wanaagsaneen ganacsiga guud ee xoolaha nool, kaasi oo sameyn ku yeeshay waxyaabo badan oo ku xirnaa.

Kalluunka ayuu sheegay in uu yahay laf dhabarta ganacsiga, hase ahaatee Dekado aan shaqeyn iyo waddooyinka aan dhisneyn ay keenayaan in sidii loo baahnaa aan looga faa’ideysan.

Dadka Reer Miyiga ah oo xoolaha keenayey ayuu sheegay in hadda aanay haysan suuq wanaagsan, iyaguna ay ahaayeen kuwo waxyaabo kale sii iibsan jiray, balse hadii aanu mar haysan suuq wanaagsan ay keenayso in dhaqaalihii ay iyaguna bixin lahaayeen inuu hoos u dhaco.

“Gobolladan inta badan waxay ku tiirsan yihiin xoolaha waxay leeyihiin waxyaabaha oo kale sida Kalluumeysiga laakiinse lagama faa’ideysto kallunkaasi meesha oo aan dekado lahayn iyo laamiyo dhisan, hadda kaliya waxay ku xisaabtamaan waa xoolaha, waayadan dambe suuqa xooluhu ma wanaagsaneen, ganacsiga guud ee Galmudug waxaa saameeyay suuq la’aanta xoolaha, tusaale dadka reer baadiyaha ah ayaa wax iibsanaya markii ay xoolo keenaan, laakiinse hadiiba aanay xoolo keenin yaa wax iibsanaya” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale wasiirka Ganacsiga Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in suuq wanaagsan ay u helaan xoolaha laga dhoofiyo deegaannada Galmudug, uuna imaanayo isbedal wanaagsan.

Xoolo badan ayaa laga dhoofiyaa deegaannada Galmudug, waxaana loo iibgeeyaa dalal dhowr ah.

Goobjoog News