U bood dhigaalka

Suuqa Bakaaraha Oo Maalintii Labaad Xiran iyo Ganacsatada Iyo Muruq-maalka Oo Sheeganaya

Sheeko:Dalka

Maalintii Labaad waxaa xiran ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib markii ganacsto is uruursatay ay sheegeen iney ka gadoodsan yihiin canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Ganacstada yar yar ee Suuqa Bakaaraha ayaa maanta isku dayey iney furaan xarumahooda ganacsi, hase ahaatee waxaa si awood ah uga xiray rag kale oo ganacsato ah walibana wata dhagxaan iyo budad.

Mid kamid ah dadka ganacsiga yar yar ku leh suuqa Bakaaraha ayaa Goobjoog News u sheegay in shalay iyo maanta uu dabkooda degsan yahay, islamarkaana ay iyaga iyo shacabka noqdeen kuwo dhibban.

“Saakay waxaan isku daynay inaan furanno goobaheen, laakiinse waxaa inoo yimid dad dhagxaan iyo ulal la ordaya, dhabarkeyga hadaan ku tuso waa yaabeysaa oo sida qarihii oo kale bay ii galeen waana iska xirnay, waxaan leennahay hanalaga qabto dadkaan nagu ciyaaraya” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ganacsata yar yare e Suuqa Bakaaraha.

Dhanka kale, muruq maalka Suuqa Bakaaraha ayaa iyaguna shalay iyo maanta weysan wax ay dabka ku shitaan, sababtoo ah shaqadooda waxay ahayd iney xamaalaan waxa ay dadka iibsadeen, balse haddii aanay ganacsi jirin ma jirto cid ay u shaqeeyaan.

“Annaga aad buu inoo saameeyay, run ahaantii waxaan ka dhex shaqeysan jirnay Labo qof oo wax kala iibsata, balse shalay iyo maanta aad ayeey noo saameysay arrintan” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay mid kamid ah  muruq maalka suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya qarash dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu daray canshuurta dekadda Muqdisho.

Goobjoog News