U bood dhigaalka

Suuqii Gaalkacyo Oo Maalintii Labaad Xiran

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maalintii labaad suuqa aynaan ka jirin wax shaqo ah.

Suuqa weyn ee bartamaha magaalada ayaa xiran kadib markii muran uu soo kala dhex galay maamullada labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland, waxaana gebi ahaanba shaqeyneynin suuqii Darxumo ee Gaalkacyo.

Wariyaha Goobjoog News ee Gaalkacyo ayaa soo sheegayaa in rasaas saaka mar la isku tuurey gudaha magaalada islamarkaana hadda xaaladdu ay yara deggan tahay.

Suuqa Gaalkacyo ayaa laga dhinac ay dhufeysyo ciid ah ka kala sameysteen, ciidamada labada waa ay isku muuqdaan, waxaana jirin wax gaadiid ah oo isaga kala gudbaya labada dhinac ee magaalada xataa gawaarida dadka riixaan ee gaari gacanka loogu yeero.

Maamullada labada dhinac ayaa weli ka hadlin dhibaatadani soo korartay waxayna saameyn tani ku yeelaneysa kumanaan qoys oo magaalada deggan kuwaasoo badankood suuqa ka soo saaran jirey nolal maalmeedkooda iyo sidoo kale ganacsigii u kala gooshi jirey gobollada dhexe iyo kuwa bari ee dalkani Soomaaliya.

Arrintani ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalmihii dambe guddigii labada dhinac ee maamullada Galmudug iyo Puntland ay ka wada hadlayeen nabadeynta Gaalkacyo iyo Mudug.

Exif_JPEG_420
Sawirkani waa suuqa magaalada Gaalkacyo oo labadiisa dhinac sidan ciidda loogu xiray

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada