U bood dhigaalka

Suuqyada Muqdisho Oo Laga Dareemayo U Diyaar Garowga Ciidda

Sheeko:Dalka

Sare u kac ayaa laga dareemayaa qiimaha la kala siisto xoolaha nool gaar ahaan Ariga iyadoo  ay dadka isku diyaarinayaan udxiyada Ciida Carafo.

Dad badan ayaa maanta ka iibsanayay suuqyada xoolaha Ari aad u badan waxaana laga dareemayaa mashquul xooggan iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana waxaa qiimaha la iibinaya ariga uu yahay mid sare uga kacsan sidii hore.

Suuqyada ayaa dadka waxaa ay u imaanayaan gadashada Xoolihii ay qali lahaayeen Maalinta Ciidul Adxa oo ku beegan berry.

Maxamed oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Xoolaha ayaa Goobjoog News uga warramay sida ay tahay Maanta Xaaladda Suuqa iyo qiimaha la kala siisanayo xoolaha.

“Suuqa maanta Xaaladdiisa aad ayay u sarreysaa ariga Maalmihii dhowaad waxaa lagu kala gadanayay Malyan iyo sided boqol waxaana ugu badnaa labo Malyan, Maanta halkii neef waxaa uu Marayaa qiimo u dhaxeeya 120-30 dollar neefka ugu raqiisan waxaa la iibinayaa qiimo dhan 75 dollar “.

Suuqyada lagu iibiyo xoolaha ayaa waxaa ku sugan dad badan oo doonaya iibsashada xoolaha waxaana ka mid ah dadkaasi C/naasir oo Suuqa u yimid in uu iibsado Xoolo waxaa uu u sheegay Goobjoog News sanadkan qiimaha uu ku iibsanayo xoolaha waxaa uuna yiri.

“Halkan waxaan ka soo doontay Ari qiimihiisana wuu sarreeyaa Maadaama ay tahay Ciidul Adxa hadda neefka Ariga ah waxaan ku gatay qiimo dhan 150 dollar”.

Ganacsatada xoolaha iibiya ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro sare u kac dhanka qiimaha xoolaha ah iyaga oo ku sababeeyay dadka oo aad u iibsanaya xoolaha.

Dhanka kale Suuqyada dharka ee Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa mashquul ku aadan u diyaar garowga maalinta Ciidda Carafo.

Waxaa la arkayaa dad badan oo iibsanaya dharka iyo waxyaabo kale oo ay doonayaan iney ugu dabaaldegaan Maalintaan weyn.

Maalmaha Ciidda waxaa Suuqyada Muqdisho lagu yaqaannaa dhaqdhaqaaq ganacsi oo ballaaran waxaa la arkaa dad badan oo tukaameysanayo.

Goobjoog News