U bood dhigaalka

Suuriya: Daacish oo Qabsatay Magaallo Taariikhi Ah

Sheeko:Dalka

Xoogaga Daacish ayaa la wareegay magaalada Istiraatiijiga ah ee Tudmur, iyagoo ka qabsaday Ciidamo taageersan dowladda Bashaar Al-asad.

Magaalada ayaa waxaa ku taalla waddo muhiim ah oo isku xirta bariga iyo galbeedka dalkaasi, Daacish ayaa ku qabsatay magaalada dagaal hal todobaad socday oo ay la galeen Asad.

Magaaladan ay Daacish qabsatay, waxy ku taalaa goobo gaaska dabiiciga ah laga helo, kuwaas oo qiimo weyn u leh Daacish.

Magaaladan Waxay UNICCO ku dartay magaalada Taariikhiga ah, qabuuraha iyo macbadyada ku yaalla magaalada, ayaa hadda khatar ugu jira in ay burbururiyaan xooggaga Daacish.

Dhinaca kale, Diyaaradaha dagaal Asad ayaa duqeeyay Magaalooyinka Xalab iyo Idlib ee waqooyiga dalkaasi.