U bood dhigaalka

Suuriya: Duqey Ay Ku Dhinteen In Ka Badan 32 Rayid Ah

Sheeko:Dalka

32 qof oo rayid ayaa lagu dilay duqen loo geystay magaalada Guudhada beri, waa magaallada ugu dambeysa ee ay gacanta ku hayaan mucaaradka Bashaar Al-asad.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in ay guul-dareysteen wada hadallo lagu waday in mariin aamin ah ku helaan mucaaradka Duma.

Koox lagu magacaabo”Jeysh Al- Islaam” ayaa ah kooxda keliya ee halkaasi dagaalka ka wadda, waxaana laga la’yahay warar arrinkan la xiriira.

Qabsashada Duma waxaa ay ka mid tahay guulaha uu gaarayo madaxweynaha Suuriya Bashaar Alasad.

Goobjoog News