U bood dhigaalka

Suuriya: Isbaheysiga Mareykanka Oo Duqeeyay Ciidamo Daacad u Ah Asad

Sheeko:Dalka

Isbaheysiga caalamiga ah oo uu hoggaaminayo Mareykanka dagaalkanka kula jira Daacishta Suuriya ayaa sheegay in uu qaaday duqeymo ka dhan ah ciidamada Asad, madaxweynaha Suuriya.

War-murtiyeed uu soo saaray isbaheysiga ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo daacad u ah maamulka Suuriya ay weerar ku qaadeen 7Febraayo  ciidamo xoogagga dimuquraadiga ee Suuriya, taasi oo keentay in Mareykanka ka jawaabaan, Weerarka iyo duqeynta Mareykanka waxaa lagu dilay illaa 100 ka tirsan maleeshiyaadka taageera maamulka.

Isbaheysiga uu Mareykanka hoggaaminayo ayaa taageero siiyo xoogagga dimuquraadiga Suuriya kuwaasi oo ka gacan siiya sidii Daacish looga saari lahaa gobolka.

Illaa iyo hadda war-murtiyeedka laguma cadeynin duqentaan inay ka dhalatay waxyeello.