U bood dhigaalka

Suuriya: Mucaaradka Oo Diiday Ka Qeyb-galka Shirka Nabadda Ee Sochi

Sheeko:Dalka

Mucaaradka Suuriya  ayaa sheegay inay qaadaceen shirka nabadda ee Sochi ee looga hadlayo arrimaha Siiriya uuna Ruushka marti-gelinayo todobaadka soo socda.
Arrintani ayaa waxay dharbaaxo xooggan ku tahay dadaallada diblomaasiyadeed ee ay Moscow wado sidii xal loogu heli dhibaatada ka jirta dalka Suuriya.
Yaxye Cariid oo ah afhayeenka hay’adda sare wadahadallada Suuriya  ayaa sheegay in shirka nabadda ee Sochi la isku dayayo in lagu wiiqo dadaallada ay wado qaramada midoobay.
Qaramada midoobay ayaa horay u qabaty 9 wareeg oo ka mida wadahadallada nabadeed ee Siiriya balse wax horumar ah lagama sameynin,wadahadalladaan ayaa waxa uu u jeedkooda ahaa sidii loo soo afjari lahaa loolanka hareeyay muddo todobo sano ah Siiriya.
Loolanka dagaal ee Siiriya ayaa waxaa ku dhintay boqolaal kun oo qof,halka ay ku baro kaceen malaayiin kale.

Goobjoog News