U bood dhigaalka

Suuriya: Ruushka Oo Duqeeyay Goob Looga Soo Riday Diyaarad

Sheeko:Dalka

Diyaarad dagaal uu leeyahay Ruushka, nooceedana uu yahay Su-25  ayaa ku burburtay goob ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka una dhow gobolka Idlib.

Wasiirka gaashaadhigga Ruushka Sergey Shoigu ayaa sheegay in duuliyaha diyaaradda lagu dilay dagaal dhulka kaasi oo uu sheegay in uu la galay kooxo argigixiso ah, ka dib markii uu diyaaradda uga soo degay qalabka baarashuudka.

Kooxda la magac baxday xoreynta Shaam,  kuna xiran ururka Al-qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda riditaanka diyaaraddaani.

Kooxdaan ayaa waxaa fariisin u ah waqooyi bari ee gobolka Idlib,waxaana la sheegay markii ay diyaaradda ay soo dhaceysay inay ku duuleysay jawi hoose.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa waxa ay duqeeyeen toban goobood 24 saac ee la soo dhaafay, iyaga oo dilay 30 ka tirsan maleeshiyaadka Al-nusra.

Goobjoog News