U bood dhigaalka

Suuriya: Ruushka Oo Duqeyn Ku Dilay Wasiirka Dagaalka Ee Daacish

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in ay duqeyn ka dhacay magaalada Deer-zuur ku dileen 40 ka tirsan maleeshiyaadka Daacish oo ay ku jiraan 4 ka mid ah hoggaamiyeyaashooda.

War Saxaafadeedka waxaa uu intaasi ku darayaa in 4ta hoggaamiye ee duqeynta lagu dilay uu ku jira Abuu Maxamed Al-shaimaaki oo ahaa hoggaamiyihii Daacish ee magaalada.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in duqeyntaasi uu ku dhintay wasiirka dagaalka ee Daacish G. Kaliimov oo asal ahaan ka jeeda Tajikistan.

Goobjoog News