U bood dhigaalka

Suurtagalnimada In Soomaaliya Ay Ka Dhacdo Doorasho Qof Iyo Cod Ah 2020

Sheeko:Dalka

Shaki badan ayaa laga qabaa suurto galnimada in afar sano ka dib ay Soomaaliya  ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay ka qeyb galaan, balse guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo shaqadaan isaga looga fadhiyo ayaa doonaya inay hirgaliyaan  doorasho qof iyo cod, Hase ahaatee waxaa ku hereereysan caqabado badan  oo u baahan in xal loo helo .

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Marwo Xaliimo  Ismaaciil Ibaraahim oo wareysi gaara siisay Goobjoog ayaa waxay sheegtay inay jiraan caqabado hortaagan in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021ka.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim shaki ugama jiro in sanadka 2021ka ay doorashooyin ka dhacayaan waddanka, balse waxay walaac ka qabtaa hirgalinta iyo heshiisyada lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah taasi oo sheegtay in haddii la sameeyo inay ka dhabeyn karaan go’aamadooda.

“Doorasho inay dhacdo in shaki lagaliyo maahan, maxaa yeelay wax cusub oo annaga sameysannay maahan  waa wax uu aduunka oo dhan ku dhaqmo, waana waxa larabo in wixii ay isku hogaamin lahaayeen umadda inay sameysato, marka inaa shakiga aan ka bixinno waaye waxaan nahay waddan dagaal badan ku dhacay burburaa dhacay, kala firxad ayaa dhacay ka dibna waxay keentay baahi badan iyo cudurro badan”’

Dhanka kale Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa qaba in doorasho magaalooyinka ka dhacda laqabto taasi oo noqon karta mid ka duwan doorashooyinkii dalka soomaray mudadii dambe, haddii lagaari waayo in la qabto qof iyo cod ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Magaalooyinka ayaa dadka ugu badan ay hadda deganyihiin oo Soomaaliyeed miyiga waad aragtay abaar ayaa ka dhacdy way soo wada barakaceen, magaalada ayay deganyihiin, marka doorashadaan soo socoto waxaan soo jeedin lahaa in laga dhigo mid ah dadka magaalooyinka degan”.

In iskaashi la sameeyo oo wadashaqeyn ay la yeeshaan dhammaan dadka shaqada ku leh doorashada sanadka 2021 ka  oo ay ka midyihiin shacabka, dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ka jira dalka iyo in la helo sidoo kale rabitaan siyaasadeed taasi oo u baahan in laga wada shaqeeyo si loo gaaro doorasho cod iyo qof ah .

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka marwo Xaliimo Yarey ayaa sheegtay  inay aad u yar yihiin shaqaalaha guddiga isla markaana loo baahanyahay  in la badiyo, Xaliimo ayaa sheegtay in hadda guddiga doorashooyinka uu ka koobanyahay sagaal qof oo kaliya loona baahanyahay in labadiyo xubnaha guddiga.

“Guddiga doorashooyinka hadda waxaan nahay sagaal qof iyo sideed iyo toban qof oo shaqaale ah, marka doorasho waxba kama qaban karaan intaas in la dhiso oo labadiyo shaqaalaha iyo xafiisyada iyo dhaqaalahooda labadiyo ayaa larabaa “.

Shacabka Soomaaliyeed mayaqaano  doorasho qof iyo cod ah, maxaa yeelay waxaa doorasho ugu dambeysay sanadkii 1969 kii,  isla markaana  waxa uu u baahanyahay waxa ay tahay doorasho qof iyo cod ah arrintaas ayaa ah mid u baahan waqtiyo iyo miisaaniyad.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheikh Cusamaan Jawaari ayaa ka dalbaday guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee qaranka inay xilli hore ay ka soo talo bixiyaan dalka inuu doorasho qof iyo cod ay ka dhaceyso iyo in kale ka hor inta aan la gaarin sanadka 2020 ka.

“Sugi mayo Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya labadiisa aqal ma sugi doono ilaa 2019ka lagaaro ka dibna la fiiriyo suurto gal ma tahay doorashada haa iyo maya ma sugayno “.

W/D: Cabdiwahaab Maxamed Ibrahim