U bood dhigaalka

Suxufiyiin Ku Waxyeeloobey Qarixii Hoteel Jazeera

Sheeko:Dalka

Labo suxufi oo ka tirsan taleefishinka Universal ayay waxyeelo kasoo gaartay qarixii maanta ka dhacay Hoteel Jazeera, midkood ayaana ku dhintey, midna waa uu ku dhaawacmay.

Maxamed Cabdikariim oo taleefishinka uga soo waramayay gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Balad Hawo ayaa ku geeriyoodey qaraxa, halka Salmaan Jamaal oo ka mid ah wariyeyaasha caanka ah eee Universal ka tirsan uu ku dhaawacmay.

Cabdullaahi Axmed Nuur oo ka tirsan Universal ayaa Goobjoog u xaqiijiyey dhimashada iyo dhaawaca wariyeyaasha.

Tirada dhimashada ayaa sii kordheysa, wararka qaarna waxa ay sheegayaan in illaa 20 ay gaarayaan dadka dhintey, dhaawacyadana ay gaarayaan illaa 30.

Goobjoog News