U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi

Sheeko:Baarlamaanka

Sida aad uga barateen Goobjoog News waxaa halkan idiinku soo gudbin doonnaa taariikh nololeedka guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi oo maanta loo doortay jagadaas markii labaad.

Cali Xaashi Waxaa uu dhaslay 1962-dii, Waxaa uu ku dhashay Cadan oo dalka Yemen ah.

Waxbarashada dugsi hoose waxaa uu dhiganayey 1970-1978dii halka Dugsi sare oo ka dhigtay gobolka Banaadir Mudadii u dhaxeysay 1979-1982dii.

Axmed Cali Xaashi waxaa uu dhigtay Kuliyadda beeraha ee Jaamacadda Lafoole muddadii u dhaxeysay  1983-1986dii.

Axmed Cali Xaashi waxaa uu leeyahay Khirado shaqo oo badan waxa ka mid ah 1987-1989kii waxaa uu ka shaqeyn jiray Wakaaldda Horumarinta Beeraha .

Mudadii u dhaxeysay 1990-2001-dii waxaa uu ahaa Ganacsade.

2002-2006: Waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Puntland.

2006-2008: Waxaa uu ahaa Guddoomiya Golaha Wakiillada Puntland

2009-2015: Waxaa ka tirsanaa Golaha Wakiillada Puntland.

November 9, 2015: Waxaa loo doortay Guddoomiyaha Wakiilada Maamul Goboleedka Puntland, Jagadan uu horay u soo qabtay 2006-2008

Baarlamaankan Puntland ee hadda jira waxaa la dhaariyay January 1, 2014, halka guddoomiyihii hore ee iscasilay Siciid Maxamed Shire ay doorteen January 4, 2014.

Axmed Cali Xaashi waxaa uu noqonayaa Guddoomiyihii shanaad ee Baarlamaanka Puntland, maamulka Puntland ayaa hadda waxaa uu jiraa 17 sano.

July 24, 1998: Puntland ayaa yeelatay markii ugu horeysay Baarlamaan ka kooban 69 Xildhibaan kadib markii Qabaa’il isugu tageen Garoowe.

Lama Xigan Karo iyagoo aan Ogolaashiyo laga heysan Goobjoog News

Goobjoog News