U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka

Sheeko:Dalka

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) ayaa loo doortay maanta Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka, ku xigeenka waxaa loo doortay Sayid Cali.

Hadaba Waa Tuma Xaliimo Yarey:

  • Guddoomiyaha Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud
  • Guddoomiyaha Midowga ururada bulshada ee Soomaaliya
  • Lagudoomiyaha guddiga xulista iyo Farsamada ee xulista iyo barista xubnahii ergada ansixiyay xubnihii Baarlamaanka.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa ay baratay cilmiga beeraha, iyadoo shahaadooyin ka qaadatay Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacad ku taalo dalka Talyaaniga.

Shahaado Jaamacadeed, waxaa ay ka qalin jabisay Jaamacadda umadda Soomaaliyeed, afar sano ayey baratay cilmiga beeraha, iyadoo ka baxday Jaamacadda 1981-dii.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) Shahaadada Master-ka waxaa ay ka heystaa Jaamacadda Turino ee dalka Talyaaniga, iyadoo ku taqasustay Dhaqaalaha Beeraha, gaar ahaan reer miyiga, waxaa ay ka qalin jabisay 1984-tii.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey)  Waxaa kaloo ay shahaadooyin ka heysataa Horumarinta bulshada, tababaro dadka soo galootiga ah iyo kwa laga tirade badan yahay iyo shahaada Computer-ka.

Xagga shaqada:

Xaliimo Yarey, Waxaa ay aheyd guddoomiyaha xulitaanka iyo farsamada ee lagu soo dhisay maamulka Galmudug August-June 2015.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey)  waxaa ay La guddoomiye u noqotay guddiga xulitaanka iyo farsamada ee lagu dhisay Baarlamaanka qaranka Federaalka Soomaaliya June-August 2012-kii.

Xaliimo waxaa ay noqotay Isku duwo goboleedka ee hay’adda CISP.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey)  waxay aheyd Xiriiriyaha bulshada ee xafiiska qoyska iyo caruurta ee gobolka Miniblis-Minisota 2000-2007

Waxaa kaloo ay u qeybsane, Maamule iyo Sarkaal ka noqotay mashaariic iyo hay’ado waaweyn oo dalka ka shaqeynayey muddo dheer.

Waxay ku hadashaa Luqadaha Soomaaliga, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

July 27, 2015: Waxaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga Madax-banaan ee doorashooyinka Qaranka.