U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka-Akhri

Sheeko:Dalka

Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa goor dhaw magaalada Muqdisho waxa ay ku doorteen gudoomiyahooda iyo ku xigeenkiisa.

Doorashadaan oo gacan taag ahayd ayaa xubnaha guddiga waxa ay gudoomiye u doorteen Khaliif Cabdikariin Maxamed, ku xigeenna waxaa loo doortay Muuse Waxgarad Cabdullaahi halka xoghaye ay u doorteen Liibaan Cali Sahal.

Halka ay doorashadaan ka dhacaysay waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya.

Hadaba halkan ka akhriso Taariikhda Gudoomiyaha oo Kooban:

Khalif Cabdikarim Maxamed Waxaa uu ku dhashay Gobolka Gedo sanadkii 1963-dii, Waxbarshadiisa  Sanadihii 1987-1995 Waxaa uu dhigtay Machadka Tadaamun Al-islaamiya, 2001-2004, waxbarashadiisa Jaamaceed Waxaa uu dhigtay Jaamacadda Muqdishu isagoo ku taqasusay Shareeca iyo Qaanuun.

Dhanka Shaqada, Waxaa uu Macalin ka ahaa Masaajidyo iyo Iskuulo, 2009-2012 waxaa uu noqday Baarlamaankii TFG, 2011-2012-kii Waxaa uu ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

2010-2011-, Waxaa uu ka mid ahaa gudiga Baarlamaanka arim aha diinta iyo Owqaafta, Waxaa uu ku hadlaa Carabiga, Ingiriiska iyo Soomaaliga.

Maanta July 26, 2015: waxaa loo doortay Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ee dowladda Soomaaliya.

Afeef: Xogtan waa mid u gaar ah Goobjoog News, lama xigan karo iyadoo aan ogalaashiyo laga heysan Goobjoog.