U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xuseen Macalin Maxamuud Sh. Cali waxaa 16kii Feberaayo 2017 loo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

3dii sano ee ugu danbeysey Xuseen waxaa uu ahaa La-Taliyaha Sare ee Amniga oo uu weliba si gaar ah ugu qaabilsanaa dhanka Ka-hortaga Argagaxisada ee Dowladii hore. Waxuuna xubin ka ahaa Golaha Amniga Qaranka oo ah hay’ada ugu sareeysa dalka ee go’aan gaariska arrimaha amniga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu weliba la bilaabay markii la hirgeliyey Golaha Amniga Qaranka.

Xuseen waa shaqsi si istraatejiyad leh u fikira, waxuuna qoray Istraatejiyada La dagaalanka Argagaxisada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu qoray Istraatejiyada iyo siyaasada dalka ee dib-u-heshiisiinta iyo cafiska loo fidiyo Al-Shabaab. Xuseen waxuu hormuud ka ahaa abuurista Xarunta Warbixinta Maaliyada (Financial Reporting Center (FRC).

Xafiiska Madaxtooyada ka hor Xuseen Sheekh-Cali waxuu muddo 4 sano ka badan ahaa Agaasimaha Waaxda Amniga Dibadda ee Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka (NISA).

Howlaha uu qaabilsanaa waxaa ka mid ahaa La-dagaalanka Argagaxisada, La dagaalanka Burcad-badeeda, Lid-xuuraanka iyo xiriirka hay’adaha caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya, wuxuuna mar noqday Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Xuseen waxuu heystaa shahaadada Bachelor ee Taariikhda iyo shahaadada Master-ka ee Arrimaha Amniga iyo Sirdoonka.

DHAMAAD