U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Marwo Caasho Geele Diiriye

Sheeko:War

Marwo Caasho Geele Diiriye waxaa ay ku dhalatay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug iyadoo ka qalin jebisay Kuliyadii Waxbarshada Lafoole sanadkii 1984.

Muddo badan Marwo Caasho waxaa ay ka shaqeyn jirtay hay’adaha samafalka, dowlad wanaaga, waxbarashada, nabada, xalinta khilaafaadka, hurumarinta bulshada, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta reer miyiga.

Caasho Geelle waxaay ay ka tirsaneed baarlamaanka Puntland, iyadoo ka hadashay dhibaatooyin badan oo ka jiray gobolka Mudug.

Marwo Caasho Geele Diiriye Mudadii u dhaxeysay 2005-2012-kii, waxay Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska ka noqotay Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Caasho Geele waxaa ay sidoo kale can ku tahay The Asha Gelle Foundation oo ay agaasime ka tahay, taas oo qeyb ka ah shaqadii Banii’aadamnimada ay waday.

Sooyaalka Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka:

July 3, 2013: Kulanka 2aad, 144 cod ayuu ku meelmaray ansixinta sharciga guddiga Madaxa banaaa ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka.
May 29, 2014: Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa lagu meel mariyay Xubnaha Guddi ay soo gudbisay Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Guddigan ayaa ayaa ahaa gudiga madax banaan ee dib-u-eegista dastuurka. Dood iyo falaqayn dheer ka dib waxaa goluhu isku raacay magacaabidda gudigaan oo ka kooban shan xubnood oo kala ah.
1. Marwo Caasho Geele Diiriye-Gudoomiye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xusein Xaaji
June 18, 2014: Kulanka 39aad ee kalfadhiga afaraad ayaa cod loo qaaday Ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka , 234 cod ayaa lagu meel mariyay golahan.

May 6, 2015: Marwo Caasho Geele Diiriye   ayaa iska casishay xilka gudoomiyaha guddiga Madaxa banaaa ee dib u eegista iyo hirgalinta iyadoo ku sababeysay