U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka: Marxuum Professor Maxamed Cabdi Gaandhi

Sheeko:Amniga

Waxaa dalka Farnasiiska ku geeriyoodey Professor Maxamed Cabdi Gaandhi, oo ahaa aqoonyahan, taariikhyahan dar iyo dhulka iyo siyaasi caan ka ahaa gudaha Soomaaliya.

Haddaba, Waa Kuma Professor Maxamed Cabdi Gaandhi?

Maxamed Cabdi Gaandi, waxaa uu dhashay 1949-kii, waxbasrahada dugsigii sare ka dhameeyay Jamaal Cabdinasir, ee Muqdisho, kadib Deeq waxbarasho ayaa loogu qaaday dalka France, wuxuuna tagey France gaar ahaan jaaamacada Besançon University sanadkii 1972.

Professor Gaandi waxaa shahaado siiyay ururka the International Baccalaureate oo ah urur hogaamiyaasha tacliinta caalamka sharfa xaruntiisuna tahay Geneva, Switzerland.

Professor Gaandi wuxuu kasoo shaqeeyey UNDP Somalia, wuxuu xubin firfircoon ka ahaa ururada u dooda nabadda.

Waxaa uu madax ka ahaa guddigii farsamada ee shirarkii Carta, Djibouti ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan lagu doortay, waxaa uu sidoo kale hogaaminayey ururada bulshada shirkii Kenya ee Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed sidoo kale lagu doortay, waxaa uu muddo gaaban ahaa wasiirka gaashaandhigga.

2011: Waxaa uu ku dhawaaqay maamulka Azaaniya isaga oo hoggaamiye ka noqday (2011-2013) kadibna Safiirka Soomaaliya ee Canada(2014), baarlamaanka 10aad ayuu ka mid noqday, waxaa uu noqday guddoomiyaha guddiga Dib-u-heshiisiinta.

Hadda waxaa uu ahaa musharax ka tirsan musharaxiinta doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, waxaa uu ku geeriyoodey Faransiiska.

Cabdicasis Gurbiye.