U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Marxuum Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa dalka India saakay oo Arbaco ah ku geeriyoodey xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso Taariikhda Marxuumka:

Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin waxaa uu ku dhashay  Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud. Xildhibaan Bootaan waxaa uu ahaa 59 sano  jir, Hal xaas ayuu ifka kaga tagay,  mana lahayn waxa caruur ah .

Bootaan Ciise waxaa uu 1977-dii ka mid ahaa ciidamada xooga dalka,   isagoo ka soo qeeb galay dagalaalkii 77,  waxaa sidoo kale uu ka mid ah ahaa aasaasayaashii ururka USC.

2004, Dowladii Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayuu kasoo noqday xildhibaan , waxaa loo magacaabay wasiirka Hub-ka dhigista iyo  dhaqan-celinta dhalinyarada.

Dowladdii xigtay ee Sheekh Sharif waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada TFG-da, waxaa uu isla jagadaasi mar kale helay 2016-kii isaga oo ka mid ahaa Xildhibaannadii lagu soo doortay Galmudug.

Goobjoog News