U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Wasiirkii Gashaandhigga Muxyiddiin Maxamed Xaaji Ibraahim

Sheeko:Baarlamaanka

Muxyiddin Maxamed Xaaji Ibrahim oo horay Soomaaliya uga soo noqday xildhibaan iyo wasiir ayaa maanta lagu dilay qarax lagu xiray gaarigiisa xilli uu marayey agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho

Muxyiddin Xaji Ibrahim Waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho, waxaa uu dhashay 1954-tii,  da’diisa waxa ay aheyd 62 sano.

Hadda waxaa uu ahaa Guddoomiyaha golaha dhexe ee xibsiga kulan,  waxaa uu ka tirsanaa xubnihii aasaasay xisbigaas, waxaa uu saaka joogay  xarunta xisbiga kadib waa uu ka soo tagay xarunta isagoo ku guda jiray qaban-qaabada xuska sanadguurada koobaad ee Xisbiga Kulan.

Mudane Muxyuddin waxaa uu waxbarashadiisa ku qaatay Soomaaliya isagoo ka qalin jabiyey kuliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre waxaa uu ka soo qabtay dhowr shaqo, waxaa uu ka shaqo bilaabay wasaaradda waxbarashada isagoo Macallin ka noqday gobolka Hiiraan iyo gobollo kale, waxaa uu ka mid noqday howl-wadeenada Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya

Muxyuddin Mohamed waxaa uu sidoo kale ka shaqeeyay Wasaaradda Maaliyadda, isagoo lagu xasuustaa dib u heshiisiinta dalka markii ay dhacday dowladdii Jaalle Siyaad.

Dowladdii Carte ee madaxweyne Cabdiqasim Salaad Xasan sanadkii  2000 wixii ka dambeeyay wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanadii iyo Wasiiradii dalka joogay.

Muxyuddin Mohamed Haji Ibrahim, waxaa ka mid ahaa dXildhibaanada TNG-da ee dowladii Cabdiqasim Salaad Xasan, isagoo ka noqday  Wasiiru dowlaha qorsheynta ee xukuumaddii Cali Khaif Galeyr.

Xilligii Cabdulahi Yusuf: xukuumaddii Nuur Cadde ee la dhisay January 8, 2008 waxaa uu ka noqday Wasiirka Gashaadhigga, wasaaraddaas oo ahayd wasaaradaha sida weyn ula dagaalamay kooxaha dowladda ka soo horjeeda.

Maanta waxaa jiray kulanka baarlamaanka oo lagu dhageysanayey hadal jeedinta guddoomiyaha guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ee baarlamaanka, waxaa uu ka mid ahaa dadka uu xisbiga u xilsaaray arrinta Dastuurka.

Muxyuddin Mohamed Haji Ibrahim waxaa uu ifka uga tagay Xaas, Carruur iyo Caruur uu Awoowe u yahay.

Xogtan waa mid u gaar ah Goobjoog News, Lama xigan karo ogolaashiyo la’aan