U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Safiirka Cusub Ee AMISOM Francisco Madeira

Sheeko:Baarlamaanka

Madada Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa Arbacadii waxaa ay ergeygeeda gaar ah iyo madaxa AMISOM u magacowday Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo ka soo jeeda dalka Mozambique

Hadaba Halkan Akhri Taariikh Nololeedka Francisco Madeira:

Amassador Francisco Madeira waxaa ku dhashay Beira dalka Mozambique April 4,1954, Waxaa uu heystaa Diploma xiriirka Caalamiga ah isagoo ka qaatey the Center for Foreign Relations ee Dar-es-Salaam, Tanzania, Waxaa kaloo Jaamacadda koobaad ka helay University of Eduardo Mondlane ee magaalada Maputo, Mozambique.

Francisco Madeira waxaa uu dalkiisa safiir uga noqday dalal badan oo Afrikaan ah Mudadii u dhaxeysay 1984 ilaa 1989, waxaa kaloo Lataliye u ahaa Madaxtooyada.

Amassador Francisco Madeira waxaa uu horkacayey Waftida dowladda ee ka qeyb galay Wada Hadallad ay la galeen RENAMO kaas oo horseeday heshiiskii August 1992 Rome General Peace.

Madeira waxaa dalka Mozambique ka soo qabtay jago wasiirnimo inta u dhaxeysay 1995 ilaa 1999 isagoo noqday Arimaha Baarlamaanka.

2000-2010: waxaa uu ahaa Wasiirka Minister in the President’s Office for Diplomatic Affairs, isagoo qeyb ka ahaa Wada hadallo badan oo Diplomaasiyadeed.

Waxaa uu ahaa ergeyga gaarka ah ee dowladiisa u qaabilsanaa Wada hadaladdii Harada loo yaqaano Great Lakes Region.

Waxaa uu xubin ka noqday Wada hadalddii Burundi ee Caruusha ee kooxda Julius Nyerere iyo  Nelson Mandela inta u dhaxeysay (1997 – 2000).

Waxaa uu noqday Ergeyga gaar uga Madaxweynaha Mozambique Joachim Chissano  inta uu ahaa Guddoomiyaha AU dalka Sao Tome and Principe.

2003 waxaa uu qeyb ka ahaa dadkii dhex dhexaadinayey dowladda Suudaan iyo Mucaaradka LRA, 1999-2010 waxaa uu ahaa Ergeyga Midowga Afrika ee Jaziiradda, Waxaa kaloo uu inta u dhaxeysay January 2005 ilaa  January 2010 ahaa xubin ka tirsan Baarlamaanka dalkiisa.

Afeef: Lama Xigan Karo iyadoo aan Ogolaashiyo laga heysan Goobjoog News.