U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Safiirka Denmark ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Mette Knudsen waa 45 jir, waxaa ay dhalatay September 1970 iyadoo  ka qalin jabisay Jaamacadda Aarhus Universitet oo ah Jaamacad Sumcad ku leh dalka Denmark ahna Jaamacadda labaad ee horeysay ee dalkaas laga hirgaliyo.

Mette Knudsen Waa sarkaal ka tirsan Wasaaradda arimaha dibadda ee Boqortooyada Denmark, waxaa ay markii ugu horeysay shaqo bilowday 1992-dii iyagoo Madax looga dhigay Waax ka mid Waaxyada Wasaaradda arimaha dibadda.

1995-1998: Waxaa ay Xogheynta Koobaad ka noqotay Safaaradda Boqortooyada Denmark ee Dar el Salaam.

1998-2002: Mar kale ayey Madax  ka noqotay Waax ka mid ah Waaxyada Wasaaradda arimaha dibadda ee boqortooyada  Denmark.

2002-2004: Waxaa ay Safaaradda Denmark ee Lusaka ka noqotay Xogheynta Koobaad iyo Ku Xigeenka Madaxa Safaaradda.

2004-2007: Waxaa ay noqotay Safiirka Boqortooyada Denmark ee Adis Ababa.

2007-2012: Waxaa ay Wasaaradda Arimaha dibadda Denmark ka noqotay Madaxa Waaxda Arimaha Afrika.

2012-2015: Waxaa ay aheyd Safiirka Boqortooyada Denmark ee dalka Giriiga.

August 2015: Waxaa loo Magacaabay in isku qabato Safiirka Boqortooyada Denmark ee Wadamada Kenya, Soomaaliya, Eritrea iyo Jasiiradda Seychelles.