U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Sheekh Xasan Cabdullahi Xersi”Turki”

Sheeko:Dalka

Sheekh Xasan Cabdille Xirsi(Xasan-Turki) oo kamid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee Al-shabaab ayaa Arbacadii geeriyooday kadib markii uu  xanuunsanaa in muddo ah.

Sheekh Turki waxaa uu ku geeriyooday  dhulka Gosha ee gobolka Jubada dhexe, isagoo muddo halkaas la jiifay xanuun aan la shaacin.

Sheekh Xasan Turki, waxaa uu ahaa nin da’a ah, Waxaa uu ku dhashay dhulka Soomaali Galbeed horaantii qarnigii tagay, gaar ahaan degmada Qabridahare.

Wararka qaar ayaa sheegaya Sheekh Xasan in uu dhashay 1942, Waxbarasho u yimid magaalada Muqdishu, Jaamacadna u aaday dalka Sacuudiga isagoo kusoo taqasusay  Shareecad islaamka.

Sheekha waxaa uu ka tirsanaa Jabhadii kasoo horjeeday Itoobiya laga soo bilaabo dagaalkii 77-kii, Waxaa uu horseedka ka ahaa waxa loo yaqaano Mucaskaraadka Soomaaliya, Isagoo aasaasay Mucaskarka Raaskaamnooni.

Xasan Turki ayaa tagay dalka Afghanistan isaga  oo halkaasi kula soo kulmay Hogaamiyahii Al-qaacidda ee la dilay Osama Bin Laden, Lakin Fikirka Jihaadiga weligii waa ku jniray.

Sheekh Xasan Turki, Waxaa uu ka tirsanaa Jabhad ka dagalami jirtay Soomaaliya, oo fadhigeedu ahaa  deegaanka Raas Kambooni ee Koofurta Fog ee Soomaaliya, halkaasi oo uu ku lahaa xerooyin lagu tababaro dhalinyarada jihaad doonka ah, xerooyinkaasi tababar ayaa waxaa ka baxay inta badan dagaalyahanada ururada magaca diin ku dagaalama laga soo bilaaba Al Itixaad, Maxaakiimtii illaa Alshabaab.

Inkasta oo dagaalada uu waday illaa horraantii sagaashameeyadii, hadane sanadkii 2002-dii ayuu soo jiitay dareenka adduunka, xiligaasi oo dowladda Maraykanka ay ku dartay liiska dadka taageera argagixisada.

Balse 10 sanno kadib oo ahayd sanadkii 2012-kii ayay dowladda  Mareykanka madaxiisa dul dhigtey lacag dhan $3 malyuun oo doolar oo abaalmarin ah ciddii soo sheegta meel uu ku noolyahay ama usoo gacangalisa Maraykanka, wuxuuna liis dheer kula jirey hoggaamiyihii la diley ee Alshabaab Axmed Godane .

Sheekh Xasan horaantii 90-maadkii, Waxaa uu ka tirsanaa Xarakada Al-Itixaad, kuwaas oo Itoobiya kula dagaalamay gobolo badan oo Gedo ay ka mid tahay.

Sheekh Turki  oo horkacaya ciidamo badan oo ah kuwa ururkiisa Raaskaanbooni ayuu soo galay magaalada Muqdisho, kana qeybqaatay dagaaladdii magaalada looga saaray hoggaamiye kooxeedyadii ee samaystey ururkii Argagixiso la dagaalanka.

February 18, 2006: Sagaal qabqable-dagaal oo badankoodu ka mid ahaa wasiirada DFKMG ayaa waxa ay asaaseen Isbahaysi ay u bixiyeen la dagaalanka “argaggixisada” iyagoo sameysay liis dad argigixiso ay ku sheegayaan.

Maalmo kadib  Feberaayo 28, 2006 ayaa lagu dhawaaqay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, golahan waxaa loo dhisay in Islaamiyiinta isku difaacaan.

Wareysi uu siiyey taleefishinka Al-jazeera ayuu ku sheegay sababta uu Maxaakiimta ugu biiray ay aheyd  in heshiiskii Argigixiso la dirirka ee Hogaamiye kooxeedka Muqdishu kadib uu dareemay khatar kusoo fool leh isaga iyo kooxdiisa Raas Kambooni .

Sababta labaad ayuu ku sheegey in uu idaacadda BBC-da ka dhageystey dood dhexmartay Sheekh Xasan Daahir iyo Bashiir Raagge Shiiraar oo ka tirsanaa hoggaamiye kooxeedyada uu Bashiir ku tilmaamay Xasan Turki nin argagixiso ah, sidaasi darteed isaga (Xasan Turki) uu go’aansaday in uu Muqdisho yimaado oo uu Bashiir Raagge kula dagaalamo saldhigyadii uu heystey, kana qabsado.

Xasan Turki, waxaa uu dagaalo badan kaga horyimid dalka Itoobiya, Maalintii Muqdishu ay Itoobiya soo gashay December 28, 2006, Turki waxaa uu ku sugnaa Jubbooyinka , isagoo halkaas kusoo dhaweeyay hogaamiyaashii Maxaakiimta ee laga qabsaday magaalada Muqdishu.

Sheekh Xasan Turki, waxaa uu ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ugu sareysay ee Xisbul Islaam 2009-kii sida Sheekh Cumar Imaan, Sheekh Xasan Dahir, Axmed Madoobe iyo isaga.

Bishii May 2009-kii, Xasan Turki oo wata ciidan lagu qiyaasay 300 iyo 24 Tikniko ayaa mar kale  soo galay magaalada Muqdishu si uu xoojiyo dagaal yahanada Xisbiga oo waqtigaas awood ku lahaa magaalada , waxaa uu dagaalo laga sheekeeyo la galay Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa magaalada Muqdishu.

Bishii Agoosto 20-keedii, 2008-dii ayay ciidamada Alshabaab iyo kuwa Raaskaanbooni si wadajir ah u wada qabsadeen magaalada Kismaayo, iyaga oo ka kaxeeyey maleeshiyo beeleedyo halkaasi ku sugnaa, balse markii dambe waxaa xukunkii isku khilaafay Alshabaab iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Raaskaanbooni sida Axmed Madoobe oo kale.

Khilaafkaasi wuxuu horseedey dagaal culus oo 1-dii Oktoobar, 2009-kii dhexmaray ciidamada hal garab oo Raaskaanbooni oo uu hoggaaminayo Axmed Madoobe iyo Alshabaab, dagaal sedex maalmood kadib ahna waxaa Kismaayo la wareegey Alshabaab.

Garabkii kale ee Raaskaanbooni ee uu odayga u ahaa Sheekh Xasan Turki waxa ay ku biireen Alshabaab, iyada oo markaasi wixii ka dambeeyey Xasan Turki uu ka mid noqdey hoggaamiyeyaasha ruuxiga ah ee Alshabaab, balse xil muuqda kama uusan qabanin.

Sheekh Xasan Cabdilaahi Xirsi(xasan-turki) ayaa geeriyooday May 27, 2015-ka, Sheekha ayaa mudooyinkii ugu dambeyay la sheegay in uu ku xanuunsanayay deegaanka Hargeysa Yareey oo ku dhaw degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe.

Geerida Sheekh Xasan Turki waxaa xaqiijiyay afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere, balse ma aanu shaacin xanuunka uu u dhintay Sheekha.

Fiiro Gaar ah: Lama Xigan Karo Qoraalkan iyadoo aan ogolaanshiyo laga heysan Goobjoog News

Goobjoog News