U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedkii Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya.

Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar wasiirka haweenka iyo xuquuqul-Insaanka oo ah gabadhiisa ayaa Goobjoog News u xaqiijisay geeriga marxuumka.

Taariikhda Maxamed Cali Samatar:

Samatar waxaa lagu xasuustaa shaqo badan uu kasoo qabtay dalka isagoo mas’uul ahaa in ka badan 35 sano, wasiirka difaaca, Madaxweyne ku xigeen, Ra’iusul wasaare ayuu soo noqday, waxaa kaloo lagu xasuustaa dhismihii ciidanka xoogga dalka iyo tabtii lagu jabiyay xabashida dagaalkii 77 ee dagaalkii xureynta Soomaali galbeed.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu ku dhashay Tuulo ka tirsan Kismaayo ee Jubada hoose sanadkii 1935-tii, isagoo waxbarashadiis hoose ku qaatay magaalada Muqdisho.

Ciidamada waxa uu ku biiray 1950-kii, isagoo aad u jeclaa in uu noqday saraakiisha ugu caansan dalka.

Samatar waxaa uu waxbarasho u tagay the Cesano di Roma Staff Infantry Academy ee dalka Talyaaniga sanadihii (1954–1956) , waxaa uu soo noqday isagoo xidigle ah,  waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii lagu aasaasay ciidamada Booliiska.

Waxaa uu tababar ku qaaday dugsiga Booliiska Xamar, Tababarkaas kadib, waxaa uu ka mid ahaa ciidamada Booliiska qeybta Xamar, kadib waxaa loo dalacsiiyay uu taliye booliis uu  ka noqday degmada Marka halkaas uu muddo joogay.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu tababar kale u aaday dalka Ruushka (1965–1967)-kii isagoo tababar ku qaatay Frunzi Academy ee magaalada Moscow, waxyar kadib markii uu soo noqday, waxaa uu ka mid noqday ciidamadii inqilaabka ka sameeyay  Soomaaliya October 21, 1969-kii.

Maxamed Siyaad Barre iyo Maxamed Cali Samatar waxaa ay is barteen dabayaaqadii 50-meeyadii xoriyadda ka hor, Samatar waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha uu ugu jecel yahay Jaalle Siyaad, inqilaabka kadib, waxaa uu ka dhigay ilaa heer loo magacaabay sii hayaha madaxweynaha dalka.

Mudane Samatar waxaa uu ahaa nin ay aad u jecel yihiin saraakiisha xoogga dalka, dhismaha ciidanka waa xusuus kale oo marxuumka loo hayo, Saraakiil ciidamada ka tirsan waxaa ay sheegayaan in uu lahaa tabtii lagu jabiyay xabashida dagaalkii 1977 ee xoreynta Soomaali galbeed xiligaas uu ahaa wasiirka gashaadhigga Soomaaliya.

Xagga Daraja Ciidamada Maxamed Cali Samatar waxaa uu ahaa Lieutenant general ama Sareeye Guud, darajada ay helaan militariga Soomaaliya waxaa uu ahaa ninka keliya ee darajadaas helay.

Xilliyadii uu Wasiirka Difaaca ahaa:

Wasiirka Difaaca Soomaaliya: Sii hayaha jagada wasiirka difaaca: July 12, 1970,  Wasiirka Difaaca iyo Madaxweyne ku xigeen: August 6, 1971, December 12, 1973, December 6, 1974, January 6, 1975, July 1, 1976, February 3, 1977, April 1, 1978, February 7, 1980, March 2, 1982, June 2, 1984, February 25, 1985-1987,….sida shaxdan ka muuqata xukuumad kasta uu Maxamed Siyaad dhiso mudadaas, wasiirrada kale waa la badali jiray marka Samatar laga reebo.

Ra’isul Wasaare Iyo Madaxweyne ku xigeen:         

Ra’isul Wasaare iyo Madaxweyne ku xigeen: February 5, 1987, Ra’isul wasaare December 22, 1987, Ra’isul wasaare February 1, 1990.

Mr. Samatar waxaa uu ahaa Madaxweyne ku xigeenkii koowaad ee dalka uu yeesho, waxaa kaloo la sheegaa in jagadaas aan looga horeyn, loogana dambeyn.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu sii haya xilka madaxweynaha noqday markii uu Jaalle Siyaad Coma ku galay gaari waddada Afgooye xilli ay isla socdeen Xasan Abshir, muddana lagu dabiibayey dalka Sacuudiga, 1986-dii muddo bil ka badan waxaa dalka sii hayaha madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cali Samatar

Samatar waa Wasiirkii Gashaadhigga ee ugu waqtiga dheeraa ee Soomaaliya soo mara isagoo xilkaas hayey 1971-1987-dii, saraakiisha xoogga dalka waxaa ay xaqiijiniyaan in aad u jeclaayeen hoggaamintiisa.

Dagaalladii sokeeye kadib waxaa uu u qaxay Talyaaniga kadibna waxaa uu sii aaday Virginia,  Mareykanka halkaas uu ku dhintay August 20, 2016.

Qoraalkan Lama qaadan Karo, Ogolaashiyo La’aan

Goobjoog News