U bood dhigaalka

Taariikhda Abwaanka Geeriyooday Ee Maxamed Jaamac Kayd

Sheeko:Dalka

Abwaan Maxamed Jaamac Kayd oo ku sii magac dheeraa Kayd Dhegoole sannadkii 1952-dii ayuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer xarunta u ah , halkaasi ayaanu waxbarahsada qaybta hoose dhexe ku qaatay , sannadihii bilawgii todobaadtamaadkii ayuu u soo wareegay magaalada Muqdisho.
Abwaan Kayd waxuu safar waxbarasho u tagay dalka Masar isaga oo soo bartay cilmiga suugaanta/ Litrature waxaanu bare ka noqday jaamacadii dalka gaar ahaan jaamacadii Lafoole .
Alle ha u naxariistee Abwaanku waxuu ka mid noqday hoboladii Waaberi isaga oo samayn jiray heeso caan baxay kana qayb qaadan jiray majaalilooyinka oo uu haddaba noocii uu doono ku matali jiray waxaana jirtay inuu riwaayada qaar ku matalaayey haweenay.
Sannadkii horaantii kun sagaal boqol sideetamaadkii Abwaanku riwaayado uu hal buuray waxa ka mid ahaa riwaayad aad loo jeclaystay oo la magac baxday ‘Nin Ilaahay wakiishay nasiibkiisa ma waayo taasi oo ay ku jireen heeso aad u caan baxay sida heesta “ Marti ee ay qaado Kharo Daahir Cige erayadeedana ay ka midka yihiin.
Cudurka kaagala fardaha
Haddi laga gubo Dameer
Dawada lama gaarayoo
Anoon wali
Kuu gedbixin
Geed dheerbay saarantahay
Abwaan Kayd sidoo kale isla sannadahaasi waxa uu alifay heeso kale oo ay ka mid tahay heesta Adduunyo oo ay qaado fanaanada Saynab Cige Maxamed .iyo heeso kale oo u kala dhiibay hobolada Aamino Cabdulaahi , iyo waliba Axmed Cali Cigaal oo uu isna u dhiibay heesta Walaashay Gacalisooy.
Maxamed Jaamac kayd abwaanimada ka sakaw hobolada Waaberi u qaabilsanaa xiriirinta riwaayadaha iyo heesaha waxaanu rabi hibo u siiyey cod soo jiidan jiray bulshada iyo erayo suugaan ahaan isku haboon .
Abwaan Maxamed Jaamac Kayd burburkii ka dib waxuu ku noolaa magaalada Hargeysa marka laga reebo xilli uu safar ku tagay dalka Ingiriiska oo uu bandhig suugaaneedyo ka soo sameeyey.
Abwaanku 10-kii sanno ee u dambeeyey waxa aad loogu dhex arki jiray goobaha barnaamiyada horumarinta laga wado sida goobaha buugaagta la qoray lagu soo bandhigaayo, waxaanu sidoo kale jaamacadaha Burco iyo Admas oo Hargeysa ku taalla uu ka ahaa macallin suugaanta Soomaaliga ka dhiga.
Sannadkii 2011 abwaanka waxa qaybta bidix ee jirkiisa ka haleelay xanuunka Qalalka / baaralays waxaanu xanuunkaasi u jiifsaday muddooyinkii u dambeeyey ilaa uu maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Abwaan Maxamed Jaamac Kayd ifka waxa uu uga tagay gabar iyo hal xaas