U bood dhigaalka

Taariikhda Boutros Boutros Ghali iyo Kaalintii Uu ku Lahaa UNOSOM

Sheeko:Dalka, War

Waxaa Talaadadii Qaahira ku geeriyooday Xoghayihii guud ee hore ee qaramada Midoobay Boutros Boutros Ghali isagoo da’diisu ay ahayd 93 jir.

Boutros Ghali waxaa uu noqday xoghayaha guud ee qaramada Midoobay intii u dhaxeysay  January 1992 illaa December 1996, waana ninkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Carab iyo Afrikaan ee jagada xoghayaha guud qabta.

Soomaaliya: Boutros Boutros Ghali waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu kula lahaa Howlgalkii Rajo soo celinta ee Soomaaliya 1992-1994-tii, waxaa uu ahaa ninkii golaha ammaanka ka dhameeyay in Soomaaliya loo soo diro ciidamo gacan ka geysta Ciidamo ka shaqeeya howlaha banii’aadanimada.

Waxaa uu soo booqday magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo January 3, 1993-dii, taageerayaasha Caydiid ayaa ku dibad baxay iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen” Ha Dhaco Boutros Ghali, Ha dhacdo Qaramada Midoobey”, laakiin waxaa uu mar dambe wareysi ku sheegay in arrimahaas aanay ka hor istaageyn badbaadinta dadka baahan.

Kulan uu Hogaamiye kooxeedka iyo odoyaasha dhaqanka kula qaatay dalka Itoobiya waxaa uu u sheegay in ay iska iloobaan eedeynta isaga iyo qaramada midoobay lagu eedeynayo gumeysiga eedeyntuna ay ahaan lahayd, Maxaa naloo iloobay.

Boutros Boutros waxaa uu hogaamiyaashii Soomaalida ula hadlay si adag isagoo xusuusiyay in dagaalkii qaboobaa uu dhamaaday isla markaana aanay jirin cid danka leh Soomaaliya, balse ay dhici kartaba in lagu iloobo 24 saac gudahood.

Ghali waxaa lagu cambaareeyay siyaasadihiisa ku aadan xasuuqii ka dhacay Rwanda 1994 iyo kaalintii qaramada midoobey ee dagaalkii sokeeye ee Angola’ ee 90-meeyadii kaas oo ahaa qalalaase aad u weyn.

Taariikh Nololeedka Boutros Boutros Ghali oo Kooban:

Boutros Ghali waxaa uu ku dhashay Qaahira November 14, 1922-dii, Awoowahiis Boutros Neurous waxaa uu ahaa ra’iisul wasaarihii Masar bilowgii qarnigii 20-naad, waxaa kaloo uu adeer u ahaa Boutros Ghali wasiirkii maaliyadda ee madaxweyne Xusni Mubaarak.

Boutros Boutros Ghali oo ka dhashay Qibdhiyiinta Masar, waxaa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Qaahira 1946, isagoo PHD oo ku saabsan International relations ka sameeyay Jaamacadda Paris.

Boutros Ghali waxaa uu ahaa Bare Cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga, waxaa uu wax ka dhigay  jaamacaddda Qaahira iyo jaamacado ku yaalla Carabta, Afrika, Mareykanka iyo Paris.

October 1977:Waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, bishii xigtay waxaa uu madaxweyne Anwar Al-saadaat u raacay safarkii Qudus iyo Isra’iil, waxaa uu sidoo kale ra’iisul wasaare  ku xigeen ka noqday Masar 1991-dii.

January 1992-dii waxaa loo magacaabay xoghayaha guud ee qaramada midoobay, mudadii uu xilka hayey waxaa lagu xasuustaa Ciidamadii nabad ilaalinta Soomalaiya, xasuuqii Rwanda iyo dhibaato ka dhacday Bosnia, waxaa kaloo lagu xasuustaa sanad guuradii 50-naad ee qaramada midoobay 1995-tii..ilaa markii dambe ay isku dhaceen Mareykanka, taas oo keentay in mar kale aan loo dooran xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

Boutros Ghali waxaa uu sidoo kale madax ka noqday golaha xarunta Koofura oo ah urur ay leeyihiin dowladaha soo koraya, waxaa kaloo uu madax ka noqday ururka francophone iyo golaha sare ee xuquuqul insaanka dalka Masar.

Ghali waxaa uu aasaasay Wargeyska ka faalooda siyaasadda dowliga ah ee ka soo baxa dalka Masar, talaadadii ayuu Qaahira ku geeriyooday isagoo 93 jir ah.

W/Q: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye

Goobjoog News