U bood dhigaalka

Taariikhda Guddoonka Aqlka Sare-Cabdi Xaashi, Abshir Bukhaari Iyo Mowliid Guhaad

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta waxaa Muqdisho lagu doortey guddoonka aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdulahi oo ka soo jeeda (Somaliland) ayaa noqdey guddoomiyaha aqalka sare,  Guddoomiye ku-xigeenka 1aad waxaa loo doortey Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo ka soo jeeda Galmudug halka guddoomiye ku-xigeenka 2aad loo doortey Mowliid Xuseen Guhaad oo ka soo jeeda Jubbaland.

Tartanka guddoomiyaha aqalka sare waxaa uu ahaa hal wareeg, halka tartanka guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad uu noqdey  mid adag, mid weliba waxaa la isla gaarey wareegga sedexaad, ugu dambeyntiisa waxaa ay guusha raacdey Abshir Bukhaari oo ka adkaadey ilaa 6 murashax, noqdana guddoomiyaha 1aad ee aqalka sare iyo Mowliid Xuseen oo isna ka badiyay 6 kale si uu u noqdo guddoomiyaha 2aad ee aqalka sare.

Hadaba, Halkan Hoose Ka Akhriso Taariikhda Guddoonka Aqalka Sare:                                      

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi

Waxaa uu ku dhashay Baabiley , Itoobiya sanadkii 1946-dii

Waxbarasho:

1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar

1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho

1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho

1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho

Shaqo:

1972-1974: Macalin Ceel Jaalle

1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho.

1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS

1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa.

1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka

1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada ama Theater-ka

1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.

1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action.

1997-2004: Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda.

2004-2009: Xubin Baanrlamaan.

2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka.

2008-2009: Wasiirka Caafimaadka

2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka.

 

 

Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Aqalka Sare: Abshir Maxamed Axmed Bukhaari

Waxaa uu dhashay June 1970-kii, waxaa uu ku dhashay Xarardheere.

Abshir Axmed waa si fiican u yaqaano qeybo badan oo bulshada ka tirsan, waxaa lagu bartay siyaasadda, Saxaafadda, waxbarashada, hey’adaha ka shaqeeya arrimaha banii’aadnimada iyo qeybo kale.

Abshir (Bukhaari), waxaa shakhsi khibrad badan leh, wax badan ka yaqaano siyaasadda Soomaaliya, xiliyadii dambe goobaha uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah:

1991-1992: Care International

1996-1998: Hey’adda AMA

1999: BBC Monitoring

2004-2006: Hey’adda CRD, isku duwaha barnaamijyada

Waxaa uu muddo ka shaqeeyay UN HABITAT

2006-2010: Telefishanka Caanka ah ee Al-Jazeera Network

2010-2011: Agaasime Madaxtooyada Soomaaliya

Maamulahii hore iyo Milkiilaha Goobjoog Media Group iyo Somali Media

Aasaasaha Baarlamaanka Barbaarta oo ka kooban tiro la mid ah tirada Xildhibaanada federaalka oo 30% ay gabdho yihiin.

Abshir Bukhaari, waxaa uu wax badan ka qabtay arrimaha banii’aadamnida, waxaa kaloo uu lahaa goobo waxbarasho oo lagu daryeelo caruurta, dadka dan yarta ah iyo xitaa caruurta dadka laga tirada badan yahay.

October 15, 2016: Waxaa uu Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) noqdey senator-kii ugu horeeyay ee la doorto, xilligaasi kadib waxaa uu xafiis doorasho deegaan ka furtey Cadaado isagoo dhisey Iskuul barakacayaal wax ku bartaan.

 

 Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Mowliid Xuseen Guhaad

1977: Dugsi sare, Ganaane

1978-1980: Kuliyadda Saraakiisha

1987-1989: Kuliyadda Maamulka iyo Xisaabaadka, Muqdisho.

1996-1999: Jaamacadda International Logistics, Finland

2001-2003: Jaamacadda Horumarinta waxbarshada iyo nabadda.

Shaqo:

1980-1990: Madaxa guud ee saadka ciidamada xoogga dalka ee Kismaayo.

2003-2014: Milkiilaha Shirkadda KEPA.

2009-2012: Guddoomiyaha shirkadda dhismaha SIRTA.

2014-2016: Xubin ka tirsan milkilayaasha korontada(WAAMO Energy).

Goobjoog News