U bood dhigaalka

Taariikhda Iyo Waxqabadkii Hore Ee Murashaxiinta Madaxweynaha Ee Maanta Khudbeynaya

Sheeko:Dalka

Waa maalintii Labaad oo murashaxiinta madaxweynaha jamhuuriyadda ay ka hor hadlayaan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Murashaxiinta maanta hadli doona waxaa ka mid ah: Dr. Cabdinasir Cabdulle  Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, Cabdiraxmaan Maxamud Faroolle, Cabdiqadir Cosoble Cali, Cabdulahi Ciilmooge Xirsi, Eng. Cabdullahi Xasan Cali, Cali Xaaji Warsame iyo Cabdulahi Cali Axmed.

Hadaba Halkan Hoose Ka Akhriso Taariikhda Murashaxiinta: 

Murashax Madaxweyne Dr. Cabdinasir Cabdulle  Maxamed

Dr. Cabdinasir Cabdille Maxamed Jaamac, waxaa uu ku dhashay magaalada Cabudwaaq ee  gobolka Galgaduud sanadkii 1970-kii.

Cabdulle, waxaa uu dusgi hoose ka qaaday magaalada Muqdisho, dugsi dhexe iyo sarana caasimadda Kenya ee  magaalada Nairobi.

Waxaa uu Jaamacadda heerka koowaad ka diyaariyay kuliyadda cilmiga siyaasadda ee Jaamacadda North Carolina ee dalka Mareykanka, waxaa kaloo uu degree ka wadaa cilmiga xayawaanka.

Waxaa uu ka shaqeeyay Machadka caalamiga ah ee Health science, Waxaa Doctor of Dental ka diyaariyay Jaamacadda North Carolina.

Shaqo: Waxaa uu Maamulay goobo caafimaad oo ku yaalo North Carolina, waxaa uu ka mid yahay murashaxiinta xisbiga Gurmad, waxaa uu ka mid ah yahay murashaxiinta madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah. 

Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame:

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu ku dhashay 1968-dii magaalada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan wuxuu shahaadadiisii Koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika ee wadanka Suudaan oo uu ka bartay sharciyada, isagoo Shahaadadii Labaad Masters Degree ku sameeyey (LOW COMPARATIVE FEDERALISM) wadanka Malaysia Jaamacadda National University Of Malaysia.

Waxaa uu si fiican u soo caanbaxay wada hadalladii Djibouti  ku dhexmaray maxaakiimta Islaamiga ah iyo dowladdii  Cabdullaahi Yuusuf madax u ahaa, isagoo hogaaminayey wafdigii wadahadallada u matalayey isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya ee ARS, wada hadalladaas ayaa markii dambe lagu dhisay dowlad, waxaana hoggaamiye ka noqday  Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Xukuumaddii  Cumar Cabdirashid ee xiligii Sheekh Shariif  Febraury 21. 2009- illaa Nov-18-2010, waxaa Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ka ahaa Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah, waxaa uu sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaankii TFG-da.

C/raxmaan C/shakuur waxaa uu ahaa 4-tii sano ee lasoo dhaafay La taliyaha Dhinaca             siyaasada ee  ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay u qaaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

June 20, 2016: Waxaa uu ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan doorashada Soomaaliya 2016ka

Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamud Faroolle

Cabdiraxmaan M. Faroollee waxaa uu ku dhashay degmada Eyl sanadkii 1945-tii,

Waxbarashadiisa: Waxaa uu Diploma ka sameeyay 1964 Scuola Professionale Sanitaria iyo International Statistical Institute ee magaalada  Beirut ee dalka Lebanon, labada shahaaddo mid waa public health halka tan kale ay tahay  statistics.

1985: Waxaa Jaamacadda Umadda ka dhameeyay  Bachelor of Commerce in Economics and Commerce, waxaa uu sidoo kale Master ka sameeyay  Business Administration  isagoo ku taqasusey Financial Management,

Inta aanu siyaasadda soo gelin shaqooyinkii uu qabtay waxaa ka mid ahaa agaasimaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya

Siyaasadda: Waxaa uu wasiirka Maaliyadda ka ahaa xukuumaddii Cabdulahi Yusuf ee maamulka Puntland, Duqa gobolka Nugaal ayuu sidoo kale noday, Xukuumaddii Cadde Muuse waxaa uu ka ahaa wasiirka qorsheynta kadib waxaa auu aasay Melbourne, Australia, kadib markii ay isku dhaceen ninka dambe isagoo guda galay waxbarashada  Phd-da La Trobe University

Faroolle waxaa uu noqday madaxweynihii 4-aad ee Puntland, waxaa uu maamulka Puntland madaxweyne ka noqday mudadii u dhaxeysay January 8, 2009 – January 8, 2014

Mudadii uu xukunka hayey waxaa lagu xasuustaa:

Heshiisyo uu la galay Galmudug: Heshiisyada ayaa ahaa dhanka ammaanka, shaqaalaha iyo iskaashi dhinacyo badan.

Dagaallada Galgala: waxaa uu muddo dagaal kula jiray  ciidamo dagaal ka galaayey Galgala, Ciidamadan waxaa hogaaminayey ninka isku soo dhiibay dowladda ee Atam.

Nidaamka Axsaabta Badan: Mudadii uu xilka hayey waxaa la meelmariyay Dastuur cusub oo adkeynaya dhismo axsaab kala duwan. 

Murashax Madaxweyne Cabdiqadir Cosoble Cali

Cabdiqadir Cosoble Cali, waxaa uu ku dhashay magaalada Luuq/Gedo sanadkii 1962-dii, waxbarashada ilaa sare waxaa uu ku qaatey magaalada Muqdisho halka uu Jaamacadda ka dhameeyay Jaamacadda Azhar ee dalka Masar.

Waxyaabihii uu ka shaqeeyay 2002-kii kadib, waxaa ka mid ah: Shirkado Duulimaan, Lojistik iyo shirkado kale oo ganacsiga ku saabsan, 8-dii sano ee ugu dambeysay waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka-ka Soomaaliya, 4-tii sano ee ugu dambeeyay waxaa uu ahaa Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka, waa markii 2aad ee uu jagadana madaxweynimada usoo istaago.

Murashax Madaxweyne Cabdulahi Ciilmooge Xirsi:

Cabdulahi Cilmooge waxbarashadiisa waa ciidan iyo askarinnimo, waxaa ka tirsanaa ciidanka xogga dalka, ilaa darajada Gashaanle sare ayuu noqdey , waxbarashadiisa waxaa uu ku soo qaatey dalalka Ruushka iyo Mareykanka.

Shaqooyinkii uu soo qabtey waxaa ka mid ahaa in uu Qaramada Midoobey gaar ahaan WFP u fadhiyay Afgaanistaan, Ciidamada Mareykanka qeybta Minnisotta waxaa uu u ahaa Maamule xagga IT-ga ah.

Xukuumaddii Farmaajo ee dowladdii Sharifka  waxaa uu isku qabtey wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, gaadiidka cirka iyo dhulka.

Hadda Cabdulahi Cilmooge waa guddoomiyaha xisbiga Xiis.

Baahida uu u soo istaagey waxaa uu sheegey in rajadii uu qabey dib u soo noqoshada Soomaaliya aaney dhicin, isagana uu noqon doono ninkii rajadaas soo celin lahaa.

Murashax Madaxweyne Eng. Cabdullahi Xasan Cali

Eng. Cabdullahi Xasan Cali ilo ku dhaw, waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in uu tanaasuley, si kastaba ha ahaatee, waxaa uu ahaa sidan:

Eng. Cabdullahi Xasan, waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1964-tii, waxaa uu Jaamacadda umadda ka qaatey BSC degree ee Civil Engineering November 15, 1984, waxaa uu sidoo kale 1990-kii dhameeyay Master-ka.

Shaqooyinkiisa waxaa ugu muhiimsanaa isagoo macalin dugsi sare ka noqdey 1985-tii, Jaamacadda Umadda 1986-1990-kii.

Waxaa uu sidoo kale ka shaqeeyay hey’ado caalami ah iyo kuwa gudaha ah sida: (DBG) iyo  Daryeel BulshoGuud,

Eng. Cabdullahi Xasan Cali 25-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa uu ku dhexjiray bulshada rayidka ah iyo howlaha banii’aadnimada, waxaa uu wax badan caawiyey lana shaqeeyay ilaa 44 hey’ad oo waxbarasho oo Iskuulo iyo Jaamacado isugu jira.

Eng. Cabdullahi hadda waa aasaasaha iyo madaxa CED 

Murashax Madaxweyne Cali  Xaaji Warsame

Cali Xaaji Warsame waxaa uu ku dhashay Seemade, Jariiban, Mudug 1964-tii, Waxbrashadiisa sare iyo heer Jaamacadeed waxaa uu ku qaatey Muqdisho isagoo ka baxay Machadkii SIDAM, dalka Mareykanka waxaa uu 1999-kii ka soo qaatey shahaadada CPA.

Shaqooyinkiisa waxaa ugu muhiimsanaa: 1991-kii, waxaa uu noqdey maareeyihii dekadda Boosaaso, waxaa uu muddo ka shaqeeyay wasaaradda waxbarashada Imaaraadka,

2006-dii, Hanti-dhowrka guud ee shirkadda Golis ayuu noqdey, isagoo markii dambe 2012-kii noqdey Maareeya guud ee isla shirkadda Golis.

Waxaa uu dowladda Puntland ka noqdey wasiirka waxbarashada, tartan ayuu u galay jagada madaxweynaha maamulkaasi, hadana waxaa uu ka mid yahay murashaxiinta madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News

Lama xigan karo xogtan iyaddoo aan ogolaashiyo laga heysan Goobjoog News