U bood dhigaalka

Taariikhda Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf)  

Sheeko:Dalka

Waxaa arbacadii magaalada Cadaado lagu doortay Axmed Ducaale Geelle(Xaaf)  isaga oo noqon doona madaxweynaha KMG ah ee maamulka Galmudug labada sano ee soo socota.

Axmed Ducaale Geelle(Xaaf), waxaa uu Galkacyo  ku dhashay 1949-kii, isla magaaladaas ayuu ku soo qaatay waxbarashada hoose/dhexe.

Mr. Xaaf waxaa uu sidoo kale wax ku bartay magaalada Muqdisho, dugsi sare Jamaal Cabdinasir kadib waxaa uu dhaqaalaha ka dhameeyay Jaamacadda umadda Soomaaliyeed 1976-dii.

Dhanka shaqada, waxaa uu ka shaqeeyay bangiga dhexe 1975-1979-kii, waxaa uu bruburkii kadib aasaasay shirkadda dhismaha ee ADCO Groups 1993dii oo Dib u hawlagisay Garoonka NO 50 iyo Dekada Ceel Macaan ee Gobolka Shabellaha Dhexe intii u dhaxeysay 1992-2011-kii .

Axmed Ducaale Geelle(Xaaf), waxaa uu hirgeliyay Shirkadii Dhoofka Mooska ee Sambana taasoo Xiriir la lahayd Dole Group oo Mareykanka  laga lahaa, waxaana Ku diirsaday oo ka faa’idestay  mashruucaasi  Kumanaan Garab rarato iyo Xirfadlayaal arimaha wax soo saarka ah .

Sidoo kale Mudane Xaaf waa aasaasihii iyo hawlgeliyihii diyaaraddii ugu horeysay ee ka hawlgasha Somaliya (Daallo Airlines),  waxa kale ee uu Ceelal Biyood u sameeyay xoola dhaqato Soomaaliyeed Gaar ahaan Gobolada Sh/Hoose Hiiraan Galgaduud iyo Mudug.

Arimaha Dib u heshiisiinta ayuu ku laha door weyn Xaaf oo ka mid ahaa ganacstada maalgaliyay isku keenida iyo Walaalaynta Beelah Soomaaliyeed.

Axmed Ducaalle Geele Xaaf Sanadkii 2000 waxaa uu noqday xildhibaan, waxaana lagu xusuustaa gacantii uu ku lahaa fududaynta ergooyinkii Somaaliyeed ee ka qaybgashay Shirkii Magaalada Carta ee Wadanka Jabuuti, laguna soo doortay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan,waxa uuna Xildhibaan soo ahaa illaayo sanadkii tagay ee 2016-kii.

Shaqooyinkii uu soo maray ka hor Ganacsigiisa iyo Siyaasada Axmed Xaaf waa Mudadii burburka ka hore Wuxuu la soo shaqeeyay qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobe sida WFP, Save Children, FAO  ACRC SOS Canoko.

Ugu dambayn Madaxweyne Xaaf wuxuu ku hadlaa marka laga Tago Luuqadeena Hooyo Sadex luuqadood oo  kala ah Ingiriis, Carabi Iyo Talyaani.

Goobjoog News